Axmed Xuseyn Ciise admits he is behind the Ucid Crisis.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Axmed Xuseyn Ciise admits he is behind the Ucid Crisis.

Post by The_Emperior5 »

siyaasiga weyn ee axmed xuseen ciise oo ka hadlay arrinta xisbiaga ucid/jsl.


Siyaasiga Axmed Xuseen Ciise oo ka tirsan siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhex jira xisbiga mucaaradka ah ee UCID. Waxaanu ku taliyay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo af-jaro khilaafkan.



Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta ugu waramayay magaaladda Hargeysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, “Waxaaan ku la talin lahaa masuuliyiinta ay Guddoomiye Faysal isku qabteen UCID inay furtaan urur siyaasadeed kale, Faysalna u dhaafaan xisbigii uu 14 sanadood ku soo tabcayey, loomana baahna qas iyo qalaalsa ka dhasha arrin aan baahiba loo qabin".

Dr. Axmed Xuseen Ciise wuu sii watay hadalkiisa, waxaanu yidhi, “waxaan jeclahay inaan wax yar ka idhaado khilaafka ka dhex abuurmay xisbiga UCID. Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyey ee uu Faysal Ali u la yimaado abuurista xisbiga UCID. Wakhtigaa anigu diyaar umaan ahayn inaan siyaasadda dhexgalo sidaa daraadeed talooyin uun baan siiyey Faysal sidii uu arrintaa u abaari lahaa. Ilaa iyo wakhtigaa oo imika laga joogo ku dhawaad 14 sanadood Faysal Ali wuxuu ku hawlanaa siyaasadda xisbiga UCID. Isaga ayaa ahaa asaasihii, cid uga dedaal badnaydna ma jirto. In kasta oo dad badan oo masuuliyin ahi ku biireen.

Dr. Axmed waxa kale oo sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn khilaaf iyo xasilooni darro ka timaada arrin iska basiid ah. “Waxa maanta u furan masuuliyiinta ay Guddoomiyaha is hayaan inay furtaan urur siyaasadeed kaleآ. Wuxuu ku dooday Dr. Axmed in sidii ay asxaabta iyo ururadda ku bilaabmeen ay ahayd wax ka yimid ashkaas, xisbi walbana Guddoomiye si gaar ah u samaystay si uu damaciisa siyaasadeed ugu fusho. Sida ii muuqatanna caadadu waxay tahay in haddii Guddoomiye la bedelayo in lagu bedalo shirweyne xisbi ama shir gole dhex oo sharci ah.

Mar isga la weeydiiyey inuu isagu diyaar u yahay inuu furo urur siyaasadeed, wuxuu ku jawaabi :

"Uma arko anigu wax wanaagsan in qof waliba meel ka furto urur isaga u gaar ah, sidaas waxba inoogu hagaagi maayaan. Cagliga wanaagsani wuxuu ina tusayaa in loo baahan yahay in dad badan oo isku aragti ahi oo meel u wada socotaa, oo ka wada duulaysa mawqif iyo mabaadii siyaasadeed ay isku biiraan oo ay samaystaan wax ay wada leeyihiin oo aan cidna ku magacownayn cid gaar ahna u shaqaynayn, kuna qotoma nidaamada lagu yaqaan xisbiyada".

Waxa kale oo u sheegay inuu isaga siyaasadda ka horraysiinayo horumarka dalka oo siyaasad ama damaciisu uu mar walba ka dambaynayo wax qabadka dalku u baahan yahay.

SL Medi
User avatar
Nabadiyocaano
Posts: 221
Joined: Tue Jul 19, 2011 9:23 am

Re: Axmed Xuseyn Ciise admits he is behind the Ucid Crisis.

Post by Nabadiyocaano »

The problem is all this new to them. The European Democracy is alien to them. They are making up their own version. Who heard of a political party for a countries Presidency that is owned by people. Is it a company and is to for profiting from. It's suppose to be a government owned party otherwise they should ask it seize all together. No one can own the country or buy into it Subxan Allah.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”