

Dad lagu xasuuqay xaafad ay ka taliso Puntland
Mar aan sidaas u fogeyn rag dabley ah oo hubeysan ayaa si bareer ah ugu dilay xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ilaa lix qof oo rayid ah oo ku sugnaa Maqaayad halkaas ku taalla.
Goob-joogayaasha ayaa sheegayo in afar qof oo si weyn u hubeysnaa ay Maqaayadda soo galeen, dabadeedna rasaas la dhaceen dad meesha fadhiyey taasoo keentay geerida lixdan ruux, lama oga khasaaro kale oo meesha ka dhashay.
Wararka wa isa soo tarayaan, iyadoo haatan ay goobta soo gaareen ciidamada ammaanka Puntland oo baaritaanno wado, inkastoo ay ragga dilka geystay carareen.
Xaafadda ay mashaqadan ka dhacday guddoomiyaheeda dhawaan ayaa xilli habeen ah isagoo soo afuray la khaarajiyey, ma cada marka in toogashadan ay dilkaas hore la xiriirto.