Page 1 of 1

Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afghani

Posted: Sat Aug 27, 2011 3:43 pm
by Coeus
Amiir Axmed Cabdi godane sacks Abu mansuur and Ibrahim Afghani

Abuu Mansuur iyo Ibrahim Afqaani oo Xilkii Laga qaaday iyo Golihii Shuurada oo uu kala Daray Amiirka Al Shabaab Abuu Zubeyr


Sida ay baahisay Idaacada Afka Somaliga Ku hadasha ee Voice of America waxaa lakala diray Golaha Shuurada ee Xarakada Al-Shabaab iyadoo sidoo kale xil ka qaadis lagu sameeyay qaar kamid ah Saraakiishii ugu sareysay ee Al-Shabaab.

Ninka ugu Sareeya Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo sidoo kale loo yaqaan Axmad Godane ayaa xilkii ka qaaday kuxigeenadiisii Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Ibraahiim Miicaad Afgaan oo ahaa ku xigeenada Axmad Gode.
Warka ay saakay fafiyeen Voice of America ayaa sidoo kale lagu shegay in ku xigeenka Axmad Godane uu u magacaaby Ninka la yiraahdo Mahad Warsame Qaleey oo lagu naaneyso (Mahad Karataay) kaa oo ahaa taliya kooxda Amniyaadka ee Shabaab katirsan.

Waxaa sidoo kale lakala diray Golihii Shuurada ee Xarakada Al-Shabaab ay horjoogayaal ka ahaayeen Sheekh Xasan Turki iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys kuwa aoo la sheegay in gabi ahaan golahaasi lakala diray mana jiraan wali gole cusub oo la dhisay.

Al-Shabaab ayaa MUdooyinkii danbe waxaa ka dhax aloosnaa Qilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Hogaanka ugu sareeya Xarakada Al-Shababa kuwaa oo isku qabtay waxyaabo aan wali cadeyn balse ay ugu horeyso dhanka Dagaalada iyo gargaarka hay;adaha loo fasaxay.

Qilaafka Saraakiisha ugu saareysa Al-Shabaab ayaa ugu danbytii keentay in ay awoodoodii badneed ay bur burto ayna inta badan Caasianada ay ka baxeen iyadona aan hada la ogeyn Masuuliyiinta xilka laga qaaday jawaabta ka imaan doonto.

Wararka kaleoo ay sheegayaan ilo wareedyadasid ayaa ah in is bedelka hogaanka Shabaab iyo magacaabista Xubinta cusub Mahad Karataay ay muujineyso awooda Axmed Godane ku dhex leeyahay Al-Shabaab oo beryihii u dambeeyay la soo warinayay inuu khilaaf soo kala dhex galay.

Re: Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afgha

Posted: Sat Aug 27, 2011 3:59 pm
by Knight of Wisdom
What if this Godane character is a WOMAN. I mean, rumors has it that Extremist, Khawariij Terrorists have soft spot for Self-Proclaimed Virgin females and would choose one to lead them. :lol:

Re: Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afgha

Posted: Sat Aug 27, 2011 4:03 pm
by Coeus
Knight of Wisdom wrote:What if this Godane character is a WOMAN. I mean, rumors has it that Extremist, Khawariij Terrorists have soft spot for Self-Proclaimed Virgin females and would choose one to lead them. :lol:
Whoever he is or whatever he is, it seems that he got the whole Al shabab with an Iron fist :o :lol:

Re: Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afgha

Posted: Sat Aug 27, 2011 5:42 pm
by Methylamine
Didn't he move on to Al-Qaida?

Re: Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afgha

Posted: Sat Aug 27, 2011 5:42 pm
by Methylamine
Didn't he move on to Al-Qaida?

Re: Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afgha

Posted: Sat Aug 27, 2011 5:49 pm
by zidane88
When is he gonna come out Amir Abu-hiding ?.

Re: Terrorist leader Godane fires Abu mansur & Ibrahim afgha

Posted: Sat Aug 27, 2011 7:33 pm
by DropkickMurphy
bariis567 wrote:Didn't he move on to Al-Qaida?
:lol: Wuxu waa wada sheeko.