Mamulka Cusub Xilka Kala Wareegay Gudigii Mamulka G.Mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Mamulka Cusub Xilka Kala Wareegay Gudigii Mamulka G.Mudug

Post by FBISOMALIA »

Image

Galkacyo(Puntlandi.com);- Mamulka cusub ee Gobolka Mudug ayaa maanta xilka kalawareegay Gudigii Amniga iyo Mamulka Gobolka Mudug ee uu Hogaaminayay Maxamuud C/raxmaan Cuuke.

Munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta mamulka Gobolka kana soo qaybagaleen Xildhibaano katirasan Golaha wakiilada Puntland,Taliya xigeenka Ciidanka Policka Puntland,Saraakiil ka socotay wasaarada arimaha Gudaha Puntland,Salaadiin,Aqoonyahan,Odayaal dhaqameed,Ururada Haweenka,Dhalinyara Shacabwayne aad utirabadan iyo Xubana mamulka Talada lawareegaya iyo mamulka wareejinaya,

Maxamuud C/raxmaan Cuuke Gudomiyihii Gudiga Amniga iyo Mamulka Gobolka Mudug oo ay hareerihiisa fadhiyaan Daahir Maxamuud Muuse iyo Farxaan Cali Xaad ayaa munaasabada ka aqriyay waxqabadkii mudadii koobnayd ee uu hayay talada Gobolka Mudug waxaana uu sheegay in mamulkiiisa ay ku guulaysteen waxqabad muuqda kuwana ay u harsanaayeen.

Image

Cuuke ayaa soo koobay waxqabadkiisa waxaana uu ka soo qaatay Dayactirkii Qaybta Policka Gobolka Mudug.Hawlo ay kaqabteen Xabsiga wayn,Dhisida wadooyinka iyo waxqabad kale waxaana uu sheegay in maanta ay farxad utahay in xilka uu wareejiyo isaga o Mudug aan dhaqaale ka cunin mid uu ku bixiyo mooyee.

Waxaa uu sheegay in Dhiig badan oo daadanlaha mamulkiisa uu joojiyay markii ay Gobolka kadhaceen isku dhacyo sokeeye waxaana uu sheegay intii uu talada hayay in caqabado badan soo wajaheen dhinacyo kalagadisana ay mamulkiisa ka soo foodsaareen.

Image
Cuuke ayaa amaan ujeediyya mamulka cusub ee talada lawareegaya waxaana uu sheegay in xilikasta uu garabtaaganyahay lana shaqaynayo waxaana uu sheegay in shacabka looga baahanyahay in mamulka ay garabsiiyaan lana shaqeeyaan si looga samatabaxo dhibaatooyinka Gobolka ragaadiyay.

Maxamed Yuusuf Jamac (Tegey) ayaa Mamulkii hore gaar ahaan Maxamuud C/raxmaan Cuuke ku tilmaamay halyey taariikhda baaldahaba kagalay marka laga eego waxqabadkii uu kasameeyay shaqooyinkii kala duwanaa uu kaqabtay Puntland gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada Gobolka Mudug waxaana uu Cuuke ku amaanay dadaalka uu galay.

Maxamed Yuusuf ayaa Cuuke uga mahadceliyay balanqaadka uu sameeyay ee ku aadan in uu lashaqayndoono mamulka cusub waxaana guud ahaan bulshada Gobolka qaybaheeda kaladuwan ka codsaday in ay lashaqeeyaan mamulka lana xisaabtamaan toosina uga baahanyihiin bulshada.

Waxaa uu eebe kabaryay in Tawfiiqda waafajiyo waxaana uu balanqaaday in mamulkiisa waxqabad la’imandoono hadii ay bulshada taageero dhinacwalbaa ufidiso waxaana uu xubnaha mamulka kulajira ku booriyay in shaqada ay ku mashquulaan oo aysan dhicin in shaqsi shaqsi ku mashquulo taa oo habacsanaan ku keenaysa shaqada ay bulshada u hayaan.

Siciid Cabdi Faarax Duqa degmada Galkacyo oo kalmado ka soo jeediyay madasha munaasabada ayaa sheegay in uu yahay nin askariya awooda ugu badana uu saaridoono dhinaca amaanka hadii amaanka ay ku guulaystaana dhinaca hormarka ay ujihaysanayaan.

“D/Hoose waxaa lagu tilmaamaa in qashinka iyo nadaafada kashaqayso amaanka ayaan aniga xooga saarayaa hadii uusan amaan jirin qashin lama gurikaro nadaafadna lama wanaajinkaro”ayuu yiri Siciid Cabdi Faarax.

Dardaaranka ugu badan ee loojeediyay mamulka cusub ayaa salka ku hayay in ay kafogaadaan isqabqabsi iyo kalashakidhaxdoodaa taa oo kamida caqabado curyaamiyay mamulkii ka horeeyay waxaana guud ahaan shacabkii munaasada kaqaybgalay kula dar daarmeen in qodobkaa ay ka fogaadaan xubnaha mamulkana waa ay qabaleen.

Image
Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud iyo Garaad Maxamed Cabdi Shirwac oo hadaladii udanbeeyay munaasabada ka jeediyay ayaa dhinacyo badan ka hadlay hadalo waano dar daaran iyo ducaana u jeediyay mamulka cusub ee hogaanka umada lawareegaya.

Image

Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud ayaa sheegay in Maxamed Yuusuf Mudo ku qaylinayay hormarka iyo amaanka Gobolka halagashaqeeyo”Maxamadow maantaad caynaanka haysaa waxaa lagaarabaa waxqabad muuqda”ayuu yiri Suldaan C/salaan.

Garaad Maxamed Cabdi Shirwac oo munasabada hadalkii udanbeeyay kajeediyay ayaa uduceeyay mamulka cusub waxaana uu ala ugu baryay in ay gutaan shaqada adag ee loo igmaday

Image
Ugu danbayn Gudomiyihii Gudiga Amniga iyo Mamulka Gobolka Mudug ayaa mamulka cusub ku wareejiyay Documentiyadii mamulka iyo guud ahaan agabkii uu ku shaqaynayay waxaana ka saxiixay oo kala wareegay Maxamed Yuusuf Jamac Tigey oo lawareegay guud ahaan Gobolka iyo Siciid Cabdi Farax oo lagu wareejiyay Degmada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”