Mujahid muuse biixi cabdi holds talks with cali warancade

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Mujahid muuse biixi cabdi holds talks with cali warancade

Post by The_Emperior5 »

Muuse Biixi oo ka Hadlay Xidhiidh uu la yeeshay Cali Waran Cadde

August 29th, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu doonayo dada mudakarka ah ee dalka uu ku qanciyo barnaamijka Xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidh ay wada yeesheen Guddoomiyaha Siyaasada UDUB Cali Maxamed Waran Cadde oo uu xusay inuu kala hadlay sidii uu ugu soo biiri lahaa Xisbigiisa.

Guddoomiyaha KULMIYE oo la weydiiyay waxa ka jira inuu doonayo in Wasiirka daakhiliga loo Magacaabo Cali Waran Cadde, waxaanu yidhi “Magacaabidda waxa leh oo u war haya Madaxweynaha iyo xukuumadda, hawshaasina waxay u taalaa Madaxweynaha. Aniga Cali Waran Cadde saaxiib baanu nahay,waana nin aan qadariyo oo fiican haddii wararkaasi imika aad wadaan ee la leeyahay Muuse Biixi Warancadde xidhiidh bay yeesheen Waligayo waanu xidhiidhi jirnay waanan xidhiidhi doonaa. Way jirtaa inaanu mar wada sheekaysanay oo meel wada Joogsanay.”

“Intan aan KULMIYE Guddoomiyaha ka ahaa waxaan jecelahay oo aan Had iyo jeer raadiyaa dadka aan is leeyahay waa mudakar ee siyaasiyiinta ah ama Aqoonyahanka ah ee dalka jooga ee Cali Waran Cadde ka mid yahay waxaan doonayaa inaan ku qanciyo Barnaamijka Xisbiga KULMIYE oo aan Idhaahdo waar Iyadoo maalinba nin ,meel ka qayliyaa waxba tari maysee aan meel ka wada xadhig jiidno,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Arrintani waa xil aan anigu isa saaray oo aan doonayo inaan ku soo ururiyo Dadka inta mudakar ah waanan sii wadayaa.”

Muuse Biixi waxa uu sheegay inuu awooda saarayo sidii uu waxgaradka bulshada ugu qancin lahaa Barnaamijka Xisbiga KULMIYE.

Muuse Biixi waxa uu ku dooday in Xidhiidh weyni ka dhaxeeyo Cali Waran Cadde. “Cali mudadii uu ka tirsanaa Dawladdii Rayaale sadex jeer ayuu isku dayay inuu igu qanciyo dawladii Rayaale, waa sidaas oo kale uun tan imikuna waxaanu nahay rag is yaqaana. Anigaana daba jooga isaga iyo rag badan oo kaleba,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay saamaynta Xisbigiisa ay ku yeelanayso iscasilaadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Gaboose waxaanu yidhi “Gaboose waa dhakhtar ah, siyaasi ah aqoon yahan ah oo karaamadiisa iyo qadarintiisa mudan, Xisbiga uu furto waanu soo dhawaynaynaa siyaasad taayada ka duwan inuu dalka keeno waanu soo dhawaynaynaa dalka ayay dan u tahay. Waan ku hambalyaynayaa.”
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Mujahid muuse biixi cabdi holds talks with cali warancad

Post by HooBariiska »

Why does Kulmiye want this man soo bad, WHY?
User avatar
kaliil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5400
Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa

Re: Mujahid muuse biixi cabdi holds talks with cali warancad

Post by kaliil »

Timocase waxani waa siyaasade ha u malayn ina ninkan la jecelyahay ama asxaan loo falayo.Inawarancade waa ninka keliya e kulmiye meesha ka qaadi kara hadduu udub gudoomiye ka noqdo oo doorashada danbe madaxweynenimada isusoo sharaxo. Waxa la rabaa ina lagu qanciyo inuu dawlada Siilaanyo kusoo biiro si aanu doorashada danbe isusoo sharaxin. Waa dabin loo dhigayo e waa inuu ka fiirsado.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Mujahid muuse biixi cabdi holds talks with cali warancad

Post by HooBariiska »

Kaliil waa runtaa sxb, i think he should stick with Udub. Waran Cadde has made lotta mistakes in the past. Laakin i hope he can transform udub into a competetive party in 2015. He has an excellent chance with udub :up:
JSLBerbera
Posts: 235
Joined: Tue Aug 16, 2011 5:15 pm
Location: Berbera

Re: Mujahid muuse biixi cabdi holds talks with cali warancad

Post by JSLBerbera »

kaliil wrote:Timocase waxani waa siyaasade ha u malayn ina ninkan la jecelyahay ama asxaan loo falayo.Inawarancade waa ninka keliya e kulmiye meesha ka qaadi kara hadduu udub gudoomiye ka noqdo oo doorashada danbe madaxweynenimada isusoo sharaxo. Waxa la rabaa ina lagu qanciyo inuu dawlada Siilaanyo kusoo biiro si aanu doorashada danbe isusoo sharaxin. Waa dabin loo dhigayo e waa inuu ka fiirsado.
Why do u want him to lead Udub for? This guy is not fit to be president. :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”