



Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyeen xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirrada ayaa saaka Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa kala qeyb galay salaadii Ciida masjidul jaamaca weyn ee caasimada Hargeysa.
Madaxweyne Siilaanyo oo salaadii Ciida ka hor dadweynaha khudbad kooban u jeediyay ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhammaan shucuubta Islaamka oo uu ku bogaadiyay farxada maalinta weyn ee ciidul fidriga.
“Walaalayaal dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay Ciid mubaarik, ILAAHAY bishii barakaysnayd ee dhammaatay khayrkeeda ha ina siiyo. Waxaan ILAAHAY idiinka rajaynayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Walaalayaal haddii aynu nahay dadweynaha reer Somaliland waxaan ILAAHAY uga mahad naqayaa Nabadgelyada, midnimada, wada jirka iyo dawladnimada dalkeena ka jirta. Waxaan jecelahay inaan idinku booriyo inay sii xoojino wada jirka iyo nabadgelyada aan haysano.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in dhibaatooyin badani ay ka jiraan mandaqada geeska Afrika waxaanu tilmaamay inuu u soo ducaynayo walaalahooda Soomaaliya oo uu ILAAHAY uga baryay inuu ka dul qaado macaluusha iyo colaadaha ka oogan dalkaasi.
“Waxaan caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan oo ay ka caawiyaan shacbiga dalka Soomaaliya dhibaatooyinka haysta ee ay soo gaadheen abaaraha iyo colaaduhu,”ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyadooda oo ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan mar walba.
Dhinaca kale, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxa uu salaadii Ciida kula tukaday Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu khudbad uu ka jeediyay halkaasi shacbiga Somaliland iyo dunida Islaamkaba ku hambalyeeyay munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaanu ILAAHAY ka baryay inuu shacbiga ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.
Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in xukuumadoodu ay tahay mid ummadda u adeegaysa ee aanay ahayn mid dadku iyada u shaqaynayaan.
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay ilaashadaan Nabadgelyada dalka ka jirta, waxaanu balan qaaday in xukuumadiisu wax badan ka qaban doonto horumarka bulshadas.
Md. Saylici waxa uu sheegay in ummadda Somaliland ay iyadu isku tashatay oo ay wax badan qabsadeen iyagoo aan gacan ka helin beesha caalamka.
“Wadamada Afrika intooda badan waxa Miisaaniyadooda laga kabaa 50% hase yeeshee Somaliland iyadoo aan gacan dibadeed ka helin beesha caalamka haddana waxay qabsatay wax badan oo lagu faani karo, taasna waa mid u sharaf ah qarankan,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Dhinaca kale, Sheekh Maxamed Cali Cabdi (Carab) oo dadweynaha u jeediyay khudbad ayaa ILAAHAY ka baryay inuu ka aqbalo soonkii iyo camalkii suubanaa ee ay sameeyeen bishii Ramaadaan, waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay sii wadaan Alle barigii iyo cibaadadii badnayd.
Sheekh Carab waxa uu xukuumada u soo jeediyay inay wax ka qabato wax uu ugu yeedhay dhaqan xumooyin badan oo bulshada ku sii fidaysa oo ay ka mid yihiin macsida iyo khamriga.
Dhinaca kale, waxa salaadii ciida lagu tukaday Garoomada ciyaaraha ee magaalada Hargeysa sida Garoonka Xawaadle, Garoonka Guryo samo, Garoonka Saylada, Garoonka Xaafada Pepsiga, Garoonka Dhalinta iyo masaajidada waaweyn ee caasimada Hargeysa.
Suuqyada magaalada Hargeysa ayaa samxad weyn laga dareemayay waxaana suuqyada iyo shaaricyada magaalada socday Kumanaan dadweyne ah oo u badan carruur kuwaasi oo ku labisnaa dhar cusub, halka kuwo kalena ay xidhnaayeen hugooda kuwa ugu wanaagsan.
Sidoo kale, waxa siday ku soo waramayaan Weriyeyaashayada gobolada dalku si weyn looga ciiday magaalooyinka Burco, Boorame, Berbera, Gabilay, Baligubadle, Sallaxley, Ceerigaabo, Laascaanood iyo dhammaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan.