Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Post by damu »

Burtinle (AB):-Reysal wasaaraha dowlada soomaaliya Dr C/weli Max'ed cali Gaas iyowafti balaaran oo uu hogaaminayo oo saaka soo gaarey degmada burtinle ayaa si weyn waxaa loogu soo dhaweeyay duleedka degmada burtinle.

Maamulka degmada burtinle iyo dad weyne fara badan ayaa reysalwasaaraha iyo waftigiisa uga hortagey meel burtinle ujirta 10km Reysal wasaare gaas ayaa ugu horeyn booqdey isbitaalka degmada burtinle halkaas oo uu warbixin kaga dhageystey agaasimaha isbitaalkadegmada burtinle.
Waftiga reysal wasaaraha ayaa waxaa kamid ahaa wasiiro badan oo kamidDowlada kumeel gaarka ah oo ay kamid yihiin wasiirka caafimaadka,wasiirka waxbarashada iyo wasiiro puntland oo ay kamid ahaayeen wasiirka amniga khaliif ciise mudan, wasiirka dhalinyarada , shaqadaiyo shaqaalaha iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha caliyuusuf cali iyo wasiirka caafimaadka cali c/laahi warsame.
Booqashada isbitaalka kadib reysal wasaaraha iyo waftigiisu waxeylatukadeen salaada ciida dad weyne badan oo ku tukanayey masjidka abuubakar sadiiq Kadib salaada waxaa waftiga lageeyay guriga nabada degmada burtinle halkaas oo odayaal iyo wax garad iyo aqoonyahano ay ku sugayeen isagoola qaatey kulan gaaban.
Waxaa madashaas ka hadlay suldaanada burtinle iyo odayaal kale oo hadalosoo dhaweyn ah kadib reysal wasaaraha uga mahad celiyey booqashadiisa degmada burtinle waxeyna sheegeen iney sharaf utahey imaatinka reysalwasaaraha iyo waftigiisawaxeyna uga warbixiyeen xaalada degmada burtinle iyo baahiyaha kajiraiyagoo ugu danbeyn dar daaran usoo jeediyey xaalada soomaliya ah.
Reysal wasaare gaas oo hadalka qaatey ugu danbeyn ayaa ka mahadceliyey soo dhaweyntiisa isagoo yiri burtinle ma'ahan markii koowaadaan imaado ee waa deegaan aan wax badan imid waxaana ku faraxsanahaymaanta inaan idin kula ciido degmada burtinle waxuuna sheegay inbaahiyaha jira uu kala hadli doona xakuumada Waftiga reysal wasaaraha ayaa intaas kadib u amba baxey dhanka gaalkacyo Booqashada waftiga reysal wasaaraha ayaa dad badan kusoo tooseenisagoo jooga degmada burtinle waxuuna si caadi ah ula hadlayey dadka.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Post by damu »

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Post by Aseelah-Raaida »

Nice :up:
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Post by udun »

:som: :up:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Post by quark »

:up: wlc Mr PM
User avatar
jamols2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 596
Joined: Tue Feb 24, 2009 9:31 am

Re: Burtinle: huge welcome for PM Gaas

Post by jamols2 »

sodhawow PM to Burtinle :up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”