





Magaalada Muqdisho iyo wilaayaatka dalka Somaliya ayaa maanta siweyn looga ciiday munaasabadda Ciidul Fidriga.
Mas'uuliyiin katirsan mujaahidiinta Soomaaliya ayaa shacabka Muslimka Soomaaliyeed kula ciiday magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya.
Kumanaan qof oo qof ayaa ku tukaday Musalaha Xerada Maslax ee xaafadda Suuqa Xoolaha magaalada Muqdisho waxana halkaasi shacabka ku Tojiyay Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere, Abuu Cabdi Raxmaan waaliga Banaadir.
Dhanka degmada Lafoole iyo Ceelasha Biyaha waxaa shacabka Tojiyay Mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Muktaar Roobow Abuu Mansuur.
Salaadii Ciidda kadib ayay boqolaal katirsan ciidamada mujaahidiinta Socdaal kusoo mareen wadoioyinka Muqdisho.