Page 1 of 1

Ra’isulwasaare Gaas oo ka dhoofay magaalada Gaalkacyo

Posted: Wed Aug 31, 2011 5:04 am
by FBISOMALIA
Image

Gaalkacyo (RBC Radio):- Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya Dr, C/weli Maxamed Cali ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

Image
Ra’isulwasaare Gaas ayaa ku sii wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana Ra’isulwasaaraha sii dhoweeyay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda dowladda Puntland, siyaasiyiinta gobolka Mudug qaarkood, Maamulka gobolka Mudug iyo Maamulka degmada Gaalkacyo iyo dadweyne farabadan.