Biography of Marxuum-Mujaahid Cali Saleebaan Bidde

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Biography of Marxuum-Mujaahid Cali Saleebaan Bidde

Post by HaragWafi85 »

The brother of abwaan Axmed Saleebaan Bidde. He was part of the SNM especially Guutadii Sayid Ali ee Cadaadley.


Image



AUN
Xuska Afar Iyo Toban Guuradii Ka Soo Wareegtay Geeridii Marxuum-Mujaahid Cali Saleebaan Bidde + Taxanihiisii Nololeed Oo Aanu Halkan Idiinku Soo Gudbinayno.

Oslo (Ramaas) Sept.02, 2011 - Alle ha u naxariiste Muj. Cali Saleebaan wuxu ku dhashay magaalada Hargeysa hilaadii 1949kii, iyadaanu ku korey. Wuxuu Quraanka ku bartay malcaamadii Alle ha u naxariiste Macalin-Haaruun ee ku taalay dhinaca waqooyi ee doox Hareysa ahaydna badhtamaha magaalada. Dugsiga hoose wuxuu ka baxay Dumbuluq Elemntary-School Hargeisa, Dugsiga Dhexena wuxuu ka baxay Trading-school-kii hargeisa.
Wuxuu ka mid ahaa ardeydii ugu horeysey ee looqaatay Dugsigii Farsamada Gacanta ee Burco ee Jarmalku dhisay. Wuxuu ka baxay sanadkii 1968, markii uu dhameystay qaybta farsamada Baabuurta, wuxuu shaqo ka bilaabay magaalada Muqdisho. Waxaana uu ka mid noqday ardeydii loo qaatay wasaaradii Gadiidka, isaga oo masuuul ka noqdey xafiiskii Gaadiidka Dadweynaha
ee u xilsaara bixinta Liisamada.
Alle ha u naxariistee wuxuu Cali Saleebaan waxbarasho sare u tagey Dalkii Ruushka sanadkii 1973dii. Haddaba waqtiga waxaa jirtey in la xidhay mar oo wax laga weydiiyey sababta uu u sameeyey heesihiisii ay ka mid ahayeen:- (Hadaan daayo heestaba, Doqonow Jacaylow iyo Siinleydii oo uu ka qayb-qaatay)
Mujaahid Cali Saleebaan Bidde markii u ka soo laabtey Ruushkii muddo yar ayuu shaqeeyey
kadibna waxaa loogu direy mar labaad waxbarasho sare dhinaca Gaadiidka ah Dalka Jarmalka. Markii uu soo dhamaystey Aqoontiisi jamacadeed ayuu Dalka ku soo noqdey isaga oo ah (Mecanical Ing.), waxaanay ahayd kadib xilligii Dagaalkii Somalida iyo Ethoipia. Wuxuu Cali ka mid noqdey Ragii loo xilsaaray in ay sameeyaan Wakaaladii Gadiidka Qaranka, isaga oo ka soo furay Gobolka Baydhaba kana ahaa muddo Isu-duwaha Wakaalada Gadiidka Qaranka.Ka dib waxaa loo soo direy in uu ka furo Goboladii Waqooyiga ee Jam.Somaliya, halkaasoo uu noqdey Isu-duwihii Wakaalada Gadiidka Qaran ee Goboladii Waqooyi ee ugu horeeyey.
Cali Saleebaan waxaa la xidhay dhamaadkii 1978kii, waxaanu jeelka ku jirey muddo, kadib markii la sii daayeyna wuxuu ku biirey ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga somaliyeed(SNM).
Mujaahid-Cali Saleebaan Bidde wuxuu talaabay 18-05-1982, taas oo Ilaahay ugu beegay markii danbe maalinta dib ula soo noqoshadii gobanimada ee Somaliland. Keligii kuma ahayn Cali taariikhdaa cajiibka ah ee ku aadan maalinta 18-05-1982 ee waxa la wadaaga Alle ha wada naxariiste oo ku wehelinaayey ku biiristii SNM ragaa kala ahaa:-

1. Mujaahid-Col.Shakiib Suldaan Cabdilqaadir-Alle ha u naxriiste.
2. Mujaahid-Muxumed maxamed Ismaciil-Kaneeco Alle ha u naxariiste.
3. Mujaahid-Nuuradiin M.Xaashi-Alle ha u naxariiste.
4. Mujahaahid-Maxamed Ismaciil Gaabuush.

'
Mujahid Cali Saleebaan wuxuu ka mid ahaa ciidamada SNM ee rigliga ahaa 1982 ila iyo gudo-galkii sanadkii 1988. Maruumku wuxuu ka mid ahaa ciidanki soo galay cadaadley 28-05-1988 ee soo jabiyey Jeelkii Mandheera, isaga oo ka mid ahaa xubnihii ugu horeeyey ee jeelka gudihiisa u daata kana fuliey hawl-galkii furasha xabsiga,ka dibna wuxuu ahaa ciidankii qaybta Hargeysa ku soo biirey.Mujaahid cali wuxuu ka mid ahaa masuuliyaana hogaaminta ciidanka Snm,gaar ahaan qaybaha Gadiidka SNM oo xirfadiisu ahayd.

Mujaahid Cali Saleebaan Bidde wuxuu ahaa nin abwaan ah oo curiya Maansooyinka uu kaga soo qayb-qaatay Halgankii dhinaca suugaanta ee SNM kula jirtey Afweyne, isla markaana wuxuu ka tegey suugaan fara badan Alle ha u naxariiste oo kala ahayd mid halgan iyo mid bulsho oo caadi ahayd.
Mujaahid-Injineer-Cali Suleman maxamed(Bidde), Wuxuu hal abuurey ama curiyey heeso fara badan oo ay ka mid yihiin qaar lagu heeso oo caan ah iyo qaar aan weli qaadin oo uu ka hor xijaabtey isaga oo aan fanaaniin u dhiibin. Maansooyin Halgan sida maansadii-Cashar, Mushxarad, Gabogabe-Rigaaxiyo baroordiiq iyo qaar kale oo fara badan.


Heesaha marxuumka ee caanka ah waxa ka mid ahaa kuwa uu qaadi jirey Alle ha u naxariiste-Mujaahidkii weyna ee Maxamed Mooge Libaan,sida:-

1. Kal-laxiiba baan leeyhay iyo laabta xuunshade,waa waxaa i lumiyee.
2. Doqonow Jacaylow Dumarkaba ma leysida ma ragga lagu direy oo laguug dowgalay.
3. Hadaan daayo heestaba miyaa lay hudhudi oo hadal layga yeedhsiin.
4. Hanyara nafteyd halkuu ila galay jacaylku.
5. Gardiid.
6. Deyr iyo Dabar.
7. XiloJano.
8. Xagal daac iyo qaar kale oo badan.

Heesha Xasan Adan Samatar qaado waxaa ka mid ah:

1. Maa Heesta deysaan.
2. Muxuu hadalku tarayaa.
3. Hibasho.
4. Balanbaalis Qalimo leh, hadba laan ka boodaad

Heeshaa Maxamed Axmed Kuluc qaado waxaa ka mid ah:

1. Debed galow.
2. Loolis.

Kuwa Khadra Dahir Cige qaado waxaa ka mid ah:-


1. Cabdi waa nin doore-Daayinow Allow Mid na deeqda noo sii.
2. Laacdan Temeshlo(Sida laba is-jeceloo laydhsanaaaya fiidkii)

Waxaa kale ee heesihii qaadi jirey:-

1. Muse Ismaciil Qalinle.
2. Cabdi Salaad Beer-dilaacshe.
3. Shankaroon Axmed (Sagal).
4. Maxamed Axmed-Dhabarlow).
5. Cadar iyo Kinsi X. Aadan, Aadan Hurre iyo Weli Maxamed, Intii dhimatey Fanaaninnta kalana Alle ha u naxariisto dhamaantoodba.

Haddaba hadii aan dib ugu laabano bal in aan wax ka sheegno qoyskii u ka soo jeeday Cali Saleebaan Bidde Alle ha u naxariiste wuxuu yahay sidatan:-
Waxaa dhalay Aabo- Saleebaan Maxamed Xirsi-Gabay Alle ha u naxariiste oo qudhiisu gabyi jirey iyo Hooyo Dhudi Guleed Shire oo Buraanburka tirisa lafteedu. Waxaa uu la dhashay marxuum Cali:
Khadija Saleebaan, Aadan Saleebaan, Ardo Saleebaan, Axmed Saleebaan, Faadumo Saleebaan, Jaamac Saleebaan, Cabdiraxmaan Saleebaan, Faarax Saleebaan iyo Cabdillaahi Saleebaan Bidde, waxaa maanta ka nool Khadija, Axmed iyo Cabdillahi. Intii kale wey ka horeysey iyo Aabihiiba alle dhamaantood ha u naxariiste. Inkasta oo reerku wada yihiin hal abuur, hadana waxaa caan ah oo dadku si fiican u yaqaaniin Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo leh Riwaayado fabadan iyo heeso badan intaba. Waxaa jira waqti ay labada abwaan Axmed iyo Cali suugaan is dhaafsadeen, sida Wali Dhahar ma nool yahay iyo silsiladii ka bilaabantay.
Cabdillahi iyo Cali laftoodu marbey si weydaarsadeen heesihii (Naxli iyo nidar).
Alle ha u naxariista Cali Saleebaan Bidde wuxuu ku qori jirey wargeyskii la odhan jirey Xidigta Oktoobar qormo la odhan jirey (KALGACAYL RAADIS)oo todobaadle ahaan jirey bilowgii sanadkii 1970kii, kaasoo u tilmaamo gaar ah kaga bixin jirey quruxda hablaha iyo mida uu isagu raadinaayo ama baadi goobaayo.
Marxuum Cali Allle ha u naxariiste wuxuu ifka kaga tagey laba hablood oo kala ahaa cawo iyo Hibaaq-(Halgan), isna uu ugu yeedhi jirey Cosob. Wuxuu guursadey afar haween ah oo kala ahaa:-(Khadija, Amina, Shamso iyo Cibaado-alle ha u naxariiste.).
Mujaahid Cali wuxu ka tagey Buug aan weli la daabicin oo uu ku soo ururiyey in badan oo ah sugaantiisii. Mujaahid Cali wuxuu markii ugu danbeysey ka hawlgelaayey xarunta Sooyaal ee Mujahidintii SNM qaybta tababarada, waxaana uu u geeriyoodey xanuun caadi ah Magaalada Hargeysa oo lagu Aasey,Alle ha u naxariiste 02-09-1997.

Waxaa faahfaahin inta dheer la warsan kara saxiibadii,Mujaahidintii SNM, sida Boobe, Gaariye, Hadraawi iyo Rashiid Sh. Cabdillahi Gadhweyne, Saraakiishi SNM iyo ardeydii ay waxbarasha gudo iyo dibadba ay wada qaateen, sida saxiibkiisa gaarka ahaa- Suldan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir.

Xagga Riwaayadaha: Raggu Waa Isgargaarsi Gacmona Waa Wadajir, waxaa la dhigay sanadkii 1968dii, waxaa laga dhigay Burco iuo Sheekh, waxaana dhigay Ardey iyo Macalimiin.
Aduunyooy Shalay Iyo Maanta, Waxaa lagu dhigay Jabuuti, waxaana metelaayey Arbaha iyo Qalanjada Nimco Jamac iyo Maxamed Aadan Obsiiye, waxaana dhigay kooxda Hilaac ee reer jabuuti iyo isaga.

Cali Saleebaan Alle ha u naxariistee taxanihiisii taariikheed qormo iyo labo ku soo koobi kari mayno, balse tani waa xus ku aadan sanad guuradii 14aad ee ka soo wareegay maalintii xaqu u yimi.



Qormadan waxaanu ka xiganay walaalkii
Cabdillaahi Saleebaan Bidde
Oslo, Norway.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Biography of Marxuum-Mujaahid Cali Saleebaan Bidde

Post by hargaysaay »

Allow kuu naxariiso halyeey aftahanimo dagalyahanimo intaba wuu lahaa
JSLBerbera
Posts: 235
Joined: Tue Aug 16, 2011 5:15 pm
Location: Berbera

Re: Biography of Marxuum-Mujaahid Cali Saleebaan Bidde

Post by JSLBerbera »

hargaysaay wrote:Allow kuu naxariiso halyeey aftahanimo dagalyahanimo intaba wuu lahaa
Amiin :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”