Mamulka Gobolka Mudug iyo Odayaasha Dhaqanka kulan kaqaatay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Mamulka Gobolka Mudug iyo Odayaasha Dhaqanka kulan kaqaatay

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);- Xarunta mamulka Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay kulan balaaran oo laaga hadlayay xaalka Gobolka Mudug iyo hawlgalada dhiiga badan ku daatay ee Dawlada kawado xafada Garsoor ee magalada Galkacyo

Kulanka waxaa goob joog ahaa Gudomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jamac,Gudomiye ku xigeenada Gobolka Farxaan Cali Xaad iyo Axmad Muusa Nuur Duqa Degmada Galkacyo Siciid Cabdi Farax,Taliya xigeenka ciidanka Policka Puntland iyo guud ahaan Odayaasha dhaqanka beelaha Gobolka Mudug waxaana lagu gorfeeyay marxalada magalada waqtigan ku sugantahay.

Gaaraad Maxamed Cilmi Shirwac oo kamidaa isimadii kulanka goobjooga ahaa ayaa madasha ka aqriyay hadal ka soo yeeray Odayaasha beesha lagu xaglinayo in dagaalka qaybtiisa ugu wayn qaadatay kaa oo ahaa in xabadjoojin ku baaqeen doonayaane in dagaalka lajoojiyo.

Odayaasha ayaa sheegay in xaafada Garsoor ay ka dhaceen mashaakil aad ubaahsan waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in mamulka iyo odayaasha Gobolka kala hadlaan xaalada Gobolka iyo sidii lagu joojinlahaa.

Mamulka Gobolka iyo guud ahaan Odayaashii madasha joogay ayaa aqbalay in lamahuraan ay tahay in lajoojiyo dagaalka waxaana ay sheegeen in dagaalka uu ahaa hawlgal ay Dawlada qaaday ujeedka iyo waxa laga gaarayna ay utaalo ka hadalkeeda madaxda Dawlada Puntland.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa si deg deg ah kulanka lagu keenay in dil loogaystay Maxamed Muuse Ilka dheer waxaana shirkii uu isku badalay xaalad kacsanaan iyadoo mamulka Gobolka ay ku baaqeen in ladiyaariyo gudi farsamo oo darsa xaalada dagaalka iyo sidii laga yeelilahaa.

Qaarkamida waxgaradka Gobolka ayaa dhaliilay kulanka waxaa ay ku tilmaameen natiijo la’aan maadaama uu Gobolka dagaalka ka socda dadkana ay barakacayaan iyagoo ku baaqay in laqaato go’aan dhaba oo Gobolka laga qaato.

Markii ay bateen shaqsiyaad kulanka hadalada kajeedinaya eedana ujeedinaya mamulka iyo xubnaha kulanka soo xaadiray ayaa waxaa sarajoogsaday oo ka hadlay dagaalka iyo cida uu u dhaxeeeyo.

“Leelkase dagaalka kuma jiro Dawlada ayaa dagaalka qaaday Al-shabaab ayay ladagaalamaysaa waxaa hawlgal ciidan oo xafada Garsoor laga fulinayo”waxaa sidaa yiri masuul sare oo katirsan madaxda degmada Galkacyo.

Gunaadkii kulanka Gudomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jamac Tigey ayaa warfidiyeenada u sheegay in kulan kale ay isugu imaanayaan gudina loo saaarayo xaalada waxaana uu intaa ku daray in Wasiirka Amniga ama mamulka Gobolka ay galabta ka hadlidoonaan xaalada Gobolka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”