The boys are back in bussines,Sabti, September 03, 2011 (HOL) - Ugu yaraan toddoba qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo maanta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dhexaray ciidammo kawada tirsan DKMG ah, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Dagaalka ayaa billowday markii ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo isugu jiray booliis, nabadsugid iyo milateri ay weerarro ku qaadeen ciidammo ku sugnaa isbaarooyin degmadaas yaalla, waxayna ku guuleysteen inay isbaaradii hore qaadaan, balse kooxihii goobtaa laga eryay oo dib isku soo abaabulay ayaa weerar rogaal-celin ah soo qaaday kuwaasoo ku guuleystay inay isbaaradii dib u qabsadaan.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL inay arkeen dhimashada dhowr qof oo yaalla halkii lagu dagaalamay kuwaasoo qaarkood xirnaa dharka ciidamada, iyadoo laga awood badiyay ciidamadii doonayay inay isbaarooyinka qaadaan.
"Weerarku wuxuu ahaa mid lagu soo qaaday dadka deegaanka si dhibaato loogu geysto," ayuu warbaahinta qaarkeed u sheegay guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci).
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Wadajir wuxuu sheegay inuu dagaalku khasaare kasoo gaaray dhankooda, balse ay dib ka faahfaahin doonaan, iyadoo degmada Wadajir ay tahay degmada ee Muqdisho oo ay yaallaan isbaarooyinka.
Dagaalka ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay ganacsiga suuqa xaafadda Buulo-xuubey iyadoo qaar ka mid ah ganacsatadu ay sheegeen in ganacsigooda laga boobay kaddib markii ay ka carareen dukaannada oo furan.
Wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo Khamiistii lasoo dhaafay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa isku raacay in la mamnuucay ka ganacsiga hubka iyo in la qaado isbaarooyinka yaalla degmooyinka ay dowladdu ka taliso.
Ma ahan dagaalkan kii ugu horreeyay oo dhexmara ciidamada dowladda KMG ah oo ujeedadoodu ahayd inay qaadaan isbaarooyinka iyo kooxaha isbaarooyinka ay u yaallaan oo tallaabadaas ka horjeeda.
isbaaro spots are back in bussines,
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- abdisamad3
- SomaliNet Super

- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
isbaaro spots are back in bussines,
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 473 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 301 Views
-
Last post by muslim-man
-
- 14 Replies
- 908 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 1 Replies
- 567 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 16 Replies
- 1564 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 13 Replies
- 1387 Views
-
Last post by SPLIF!MAN
-
- 5 Replies
- 582 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 30 Replies
- 2663 Views
-
Last post by TROUBLE_MAKER
-
- 22 Replies
- 2713 Views
-
Last post by Righteous