ONLF Soldiers and Ehtio troops Clash in occupied territories

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

ONLF Soldiers and Ehtio troops Clash in occupied territories

Post by The_Emperior5 »

Dowladda Itoobiya iyo ONLF oo qaab kala duwan uga hadlay dagaal ka dhacay Killilka Shanaad

Sabti, September 03, 2011 (HOL) - Xukuumadda Addis Ababa iyo jabhadda ONLF ee ka dagaalanta deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaallo khasaare dhaliyay oo ka dhacay deegaan u dhexeeya magaalada Jigjiga iyo Dhagaxbuur.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay oo bari kaga beegan xarunta Itoobiya ee Addis Ababa qiyaastii 500-km ayaa waxaa la sheegay inay howlo shidaal-baaris ah kawadday shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Warsaxaafadeed ay soo saartay ONLF Jimcihii shalay ayay ku sheegeen in dagaalka oo dhacay Talaadadii lasoo dhaafay ay ku dileen 25-askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo tababar sare qabay iyo dhowr ka mid ah maleeshiyo taageerta.

Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in ciidamada ay dileen ay ilaalo ka hayeen goobta ay shidaalka ka baarayso shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Petro-Trans ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaas ka rarayeen dad beeraley ah iyadoo marmarsiiyo looga dhigayay in goobahaas ay ka dhici karo dhul-gariir.

Sidoo kale, warbixinta jabhadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha shiineyska ah ay ku milmeen ciidamada Itoobiya iyagoo xira dharka milateriga intii dagaalku socday, iyagoo sheegay inay taasi meesha ka saarayso in loola dhaqmo sidii dad aan hubeysnayn sida uu qabo sharciga calaamiga ah ee dunida.

Afhayeenka dowladda Itoobiya, Shimelis Kemal ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay sheegashada ONLF, isagoo sheegay inay weerareen goobo ay dad shacab ahi ku nool yihiin, balse ay ka horteen maleeshiyo deegaanka ah oo fashiliyay qorshihii ay kooxdu wadatay, isagoo sheegay in laga dilay ONLF 11 dagaalyahannadooda ah.

"Waa beentoodii caadada u ahayd ONLF, ma jirin weerar loo geystay ciidamada Itoobiya, kuwaasoo sida la sheegay la socday shirkad Shiinuhu leeyahay," ayuu yiri afhayeenka Itoobiya. Wuxuuna intaas ku daray in howlaha shidaal baaristu ay si caadi ah ku socoto.

Jabhadda ONLF ayaa dagaallo ay ugu magacdartay gobonimo-doonka gobolka ay Soomaalidu dagto ee Itoobiya kula jirtay dowladda Itoobiya sannado badan, iyadoo dowladda Itoobiya ay ku dartay kooxda liiska kooxaha argagaxisada ah.

Sannadkii 2007, ONLF waxay weerar ku qaadday goob ay shirkad uu lahaa Shiinuhu ka baaraysay shidaal iyagoo halkaas ku dilay 65-qof oo Itoobiyaan ah iyo sagaal ka mid ahaa shaqaalaha Shiinaha.

Dowladda Itoobiya ayaa xilligaas billowday dagaal adag oo ay gobolka Soomaalida ee Itoobiya ay kula gashay jabhadda ONLF, iyadoo tan iyo xilligaas loo diiday inay gobolkaas booqasho ku tagaan wariyeyaasha, waxaana laga eryay dhammaan shaqaalihii hay'adaha gargaarka.

Bishii July ee sannadkan ayaa waxay ciidamada Itoobiya qabteen laba wariye oo u dhashay dalka Sweden kuwaasoo ku dhaawacmay dagaal ku dhexmaray Killilka Shanaad jabahadda ONLF iyo ciidamada Itoobiya, waxaana labada wariye ay xiran yihiin xabsi ku yaalla dalka Itoobiya iyadoo maxkamad lasoo taagayo toddobaadka soo socda.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”