Enlightened wrote:
If Majeerteen is involve in a conflict with any other clan (not that this has anything to do with qabil) they will side with the other qabil, even if it is habargidir or issaq. They are saying that they will get involved in the conflict in mudug and side with the leelkase just like they did they will get involved in Karshale conflict and wipe the idoors, which never happened. Cyber and fadhi ku-dirir warriors iga dheh.:
Waxaan gaf waaye walaal. We don't mind shots laakin been cad haa naga sheegin. Infact Beesha Sade mediated, and helped negotiate the current cease fire in Gaalkacyo along with Beesha Dhulbahante marka You should praise them. The one defining characteristic of Beesha Sade is we don't hold grudges. Just because there was a little conflict in Kismaayo doesn't mean a thousand miles away in Gaalkacyo We'll continue on. Bottom line is as far as geneology goes Beesha Tanaade and Beesha Kablalax wey noo simanyihiin and theres no other position Sade elders would take besides helping get a xabad joojin as soon as possible.
Gaalkacyo:Xabad joojin Rasmi ah oo Gaalkacyo looga dhawaaqay.
4. september 2011
APL
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Saacadihii u danbeeyey Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka soconayey Dadaalo nabdeed Iyo waan waan ay Wadaan Isimo iyo Waxgarad kasoo kala jeeda gobolada Puntland,
Degmada Caabudwaaq Iyo Wakiilo badan oo matalayey guud ahaanba isimada Iyo Waxgaradka ku abtirsada beesha Daarood kuwaas oo doonayey in si rasmi ah loo joojiyo Dagaalka Dhibta baahsan iyo barakaca muuqda keenay ee Gaalkacyo ka soconayey maalmihii tagay marka laga reebo shalay.
Odayaashan iyo Waxgaradka ayaa ay qaarkood kayimaadeen deegaano katirsan SSC iyadoo ay jiraan kuwo kale oo kayimid deegaano kale oo ku teedsan dhulka Soomaalidu dagto, Waxaana ay tageen dhamaan goobaha ay isku horfadhiyaan Malayshiyaadkii dagaalamayey maalmihii tagay oo ay weli xabadu isugujirto.
Waxgaradku waxay booqdeen meelo badan oo ay kujirto Xaafada Garsoor qaybteeda Koonfur Galbeed oo ahayd halkii ay ka dhaceen Dagaaladii ugu cuslaa Iyagoo dhinacyada ishorfadhiya Iyo Waxgaradka gobolka Mudug ka codsaday in Dagaalka la joojiyo islamarkaasna si taxadarleh loo fuliyo go’aamada iyo Talooyinka Waxgaradka matalaya beelaha waaweyn si loo dhameeyo dhibta baahsan,Waxayna kulamadii ugu waaweynaa la qaateen isimada gobolka Mudug Iyo culimada diinta ee sida weyn looga danbeeyo loona qadariyo.
Intaas kadib Waxaa ay odayaasha Iyo Waxgaradku dhinacyada usoo jeediyeen xabad joojin rasmi ah iyo qodobadan kala ah:-
1.in la dhaqangaliyo xabadjoojin.
2.in lafuro goobaha dadwaynaha sida meheradaha madaarista iyo Ganacsiga.
3.in dadwaynaha magalada ka qaxaya ay dib u soo laabtaan.
Waxaana la filayaa in si rasmi ah loo fuliyo qodobadan islamarkaasna wajiyada xiga laga dhigo Wadahadalo joogto ah Iyo kala qaadista dhinacyada ishorfadhiya oo aan weli u ekayn in hadii aan lakala qaadin ay kala badbaadayaan ayna jiraan gurmadyo soo gaaraya Iyo iskudayo waaweyn oo Dagaal kuwaas oo keeni kara Khatar intaas kabadan.
Wixii kasoo kordha APL kalasoco.
Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com
Allpuntland Team