Mashallah Ciidamada Beesha Sade ee Ahlu Sunna left Caabudwaaq and quickly went to the place of fight, they stopped it by force. Now they will bring peace between the two clans.All-Ahlusunna: Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in la dhexdhaxaadiyay dagaal beeleed ka dhacay inta u dhahaysa tuulooyinka Xanan-buure iyo Marjiicleey oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb shalay galinkii danbe ayadoo ay arintaasi isku xilqaameen maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee ka arimiya gobalada dhexe ee soomaliya
Dagaalkaan ayaa wuxuu u dhexeeyay beello ka soo kala jeedaa Dhuusamareeb iyo Xeraale ayadoo dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaayo 7 qofood inta la xaqiijiyay waxaana jira dhaawac gaaraya 25 oo lakalageeyay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq sidaan ku helayno warar lagu kalsoonyahay, Mid kamid ah dhaawicii la keenay magaalada Caabudwaaq ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray dagaalkaas.
Xalay ayaa waxaa ku baxay ciidamo farabadan goobta ay dagaaladu ka dheceen ciidamadaan oo ka tagay magaalada Caabudwaaq ayaa ku guulaystay in ay kala dhex dhaxaadiyaan maleeshiyaad beeleedkaas ayagoo kala dhex dhigay ciidan xoogan laguna balamay in maalinta birito ah lafuro wadahadal labada dhinac ah.
Fidnadaan ayaa ka qaraxday kadib markii la isku qabsaday baraag laga qodayay meel u dhaw tuulada Marjiicleey oo u dhaw Xanan-buure kadibna si kadis ah uu dagaal uga qarxay halkaasi.
All-Ahlusunna News Agency
Mahad Xassan Diini
Caabudwaaq- The noble city

