Wafdi ka socday ganacsato Masaari ah ayaa gaaray Mukhayamka Aala Yaasir oo ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin daryeel heer sare ah ugu fidisay kumanaan shacab ah oo kasoo barakacay gobolada dalka oo ay Abaaro ka jiraan.
Ganacsatada Carabta ah waxay sheegeen in ay gacan ka geysanayaan horumarinta dhaqaalaha wadanka iyo daryeelidda dadka abaaruhu saameeyeen, saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa wafdigan ka socda dowladda Masar kusoo wareejiyay Mukhayamka Aala Yaasir.
Wadfiga Masaarida ayaa Shabaabul Mujaahidiin ku amaanay sida hagar la'aaneed oo ay u nidaamisay Kaamka Aala Yaasir oo leh Isbitaal,Iskuul,gooba laga cunteeyo iyo goobo lagu daryeelo dadka waayeelada ah oo ay abaartu dilootay.
Ganacsatadan Masaarida ah ayaa isbarbar dhig ku sameeyay Kaamka Badbaado ee dhibaatada ku caan baxay iyo Kaamkan Aala Yaasir ee nadaafadda iyo amaanka leh, waa markii ugu horeysay oo ay ganacsato carab iyo muxsiniin carbeed gaaraan wilaayada shabeelaha Hoose oo ku dhaqanka shareecada alle laga hirgeliyay.


