Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Oo Iscasilay
Posted: Wed Sep 07, 2011 3:59 pm
Tuesday, September 6th, 2011 | Posted by admin
Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Oo Iscasilay Iyo Sababta Uu Isu Casilay
Hargeysa (OWN)- Guddoomiyihii jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdiraxmaan Axmed
Xuseen, ayaa iska casilay guddoomiyenimadii Jaamacadda oo uu muddo gaaban
xilkeeda hayay.
Inkasta oo aanu si rasmiya u shaacin guddoomiyuhu is-casilaaddiisa, haddana
masuuliyiin ka tirsan Jaamacaddu waxa ay Oodweynenews.com u xaqiijiyeen in
guddoomiyuhu iska caslilay guddoomiyemimadii jaamacadda Hargeysa, ka dib markii
uu shaqo ka helay akademiga nabadda iyo horumarinta ee Somaliland.
Wararku waxa uu intan ku darayaa inu guddoomiyuhu sheegay in shaqada Jaamacaddu
kaga eeg tahay 15 bishan September, inta ka horraysana uu iscasilaadiisa u
gudbin doono wasaaradda waxbarashada.
Ilahaasi waxa ay Oodweynenews.com u sheegeen in Prof. Cabdiraxmaan Axmed oo ka
mid ah aqoonyahanka sida weyn ugu xeesha dheer qoraalka iyo cilmi-baadhista in
shaqadan uu akademiga nabadda iyo horumarinta uu ka helay inay la xidhiidho
cilmi-baadhista iyo diyaarinta qoraalada aqooneed ee afka ingriisiga.
Prof. Cabdiraxmaan Axmed ayaa xilka guddoomiyenimada Jaamacadda Hargeysa la
wareegay ka dib markii Gudoomiyihii ee Jaamacadu Marxuum Muuse Cabdi Cilmi uu
shil gaadhi ku geeriyooday 12-kii bishii Jully 2011.
Oodweynenews.com, Hargeysa Office