A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Somalia

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Somalia

Post by EastAfrica »

A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Somalia-

Image





Opinion:- All faiths have their own share of dangerous clerics. On 20 March 2011, the Pastor Terry Jones staged a mock trial of the Quran, found it guilty and burned it to the horror of Muslims all over the world. The burning sparked protests in many parts of the world including Afghanistan where 12 innocent people lost their lives when Muslim zealots attacked a UN building in Mazar-e-sharif in a retaliatory attack.

In Somalia, we have Sheikh Siiro who is known for his fiery Friday sermons. He is the type of Muslim cleric who uses the Quran as a means of justifying certain behaviors in society. For example, while the Quran calls for Muslim Unity, he preaches to his congregation the virtues of a separate Somali enclave known as Somaliland: an enclave that is based on defunct colonial borders. He always manages to find verses from the Quran that justify his distorted and divisive stands that may sometimes be against the main pillars of Islam. Most of his Friday sermons are politicized. He is instrumental in the downfall of Rayale, the former president of Somaliland. He is now waging a verbal war against the current president who he suspects of working clandestinely for becoming the President of a United Somalia.

While Pastor Jones uses fear to rally his congregation against Islam, Siiro uses distorted Quranic verses and questionable sayings of the Prophet to rally his followers in the Hawadle Mosque in Hargeisa for whatever cause he happens to be supporting at that point in time.

For example, in a sermon he gave a few years ago on the occasion of the Muslim Eid, he encouraged his followers to send 500 men to the Northeast to marry from the clans there that are opposed to the dismemberment of Somalia. He compared this action with the behavior of the Prophet of Islam, Peace be upon him, who used to marry from the clans opposed to his message so as to win them over to the Muslim Faith. The Sheikh always manages to find a justification for his distorted and divisive messages.

The most recent plunder by the Sheikh occurred during a sermon on the occasion of the latest Eid-el-Fitr when Muslims ended their month-long fast in Ramadan. He blasted the Somaliland administration for collecting $600,000 earmarked for the famine victims in Southern Somalia. The Sheikh contends that the thousands of poor people in Hargeisa, the capital of Somaliland, are more worthy of receiving this money than the dying children in the South. He also belittled the Somaliland administration for failing to secure some of the billions of dollars collected for the famine victims in the South.


While it is true that there are thousands of destitute people in Somaliland and other places in Somalia, the scale of starvation in the South dwarfs such poverty. The death of 29,000 children in the South has not moved the Sheikh like other normal human beings. The emaciated limbs of starving children have not shaken the Sheikh. The grieving mothers who abandoned their weakest children to the hyenas have not moved the Sheikh one iota. The Quran Siiro uses to preach his divisive messages calls for mercy and compassion. The Quran Siiro uses to preach his divisive messages calls for Muslim Unity and empathy.

It seems that the Sheikh is driven by hate for all Southern Somalis. He fears that the lending of a helping hand by Somalis in the Northwest to the starving children in the South will rekindle the hunger most Somalis have for a strong and united Somalia. He fears that such empathy will reawaken the “Somali-Spirit” that seems to have been lost over 20 years of anarchy and divisive Siiro preaching.

Let us hope that Somalis in the Northwest will ignore Siiro and help their brothers in the South. Let us hope that they will remember the famous Somali saying: “Bawdo Rag, maalinba midbaa Qaawan”. As for the Sheikh, I would recommend that he takes a strong doze of Oxytocin which has been found to enhance social-empathy in human beings.

Ali H Abdulla
Last edited by EastAfrica on Thu Sep 08, 2011 3:41 pm, edited 2 times in total.
User avatar
TheSultaan
Posts: 140
Joined: Tue Sep 06, 2011 11:43 am
Location: Rack City BiiiiJ

Re: A Dangerous Cleric who preaches hate and division in Som

Post by TheSultaan »

Any evidence of all of this nonsense any source video he saying that or is it just Nonsense being spewed to attack a well respected Somali Sheikh
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: A Dangerous Cleric who preaches hate and division in Som

Post by Babygirl- »

This is the Guy who advised Somalilanders not to support the famine in the South because we need the money! and he says he is a sheikh!!

This guy said Somaliland is like The saxaaba we should attack anyone who is against it its a holy war !! loool subxanalaah he is blinded by hate! and no Sheikh.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by EastAfrica »

Warlord Adan Siiro oo Ka Hadlay Xuska Maanlinta Somaliland (Dhagayso)

[youtube]olrUewQ6ZSY&[/youtube]



Diintii oo noqotay in loo adeegsado siyaasadda jaahwareersan ee ka jirta waddanka somaliya gaar ahaan dhulka ay isku hayaan qabaa ilka somaliyeed qaybo kamid hadaba siyaasi aadan siiro oo kahadlaya maalinta Jabhadda SNM ay sheegeen inay u dabaal dagayaan xus ay kusheegeen maalintii gooni isu taaga iyo gobolada ssc o iyaguna udabaal dagaya maalinta nadaafadda goboladda ssc hadaba aadan siiro muxuu arinkaas ka yiri


a ninka Sheekha Sheeganaya Ee colaada iyo xiqdiga masaajidada Ilaahay in lagu caadubo xumaantana layskaga reebo u isticmaala borogogaadada jabhada argagixisada ah ee SNM.


-----------------------
Shaydaan Aadan Siiro:- Dhulbahantaha Inaga Laaluusha



Burco(Jidbaale):-Sida uu ka sheegay Khudbad uu jeediyey ninka lagu magacaabo Aadan Siiro ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in maamulka SNM laaluush siiyo Dhulbahantaha iyo wixii kale ee ka soo horjeeda maamulkaasi. Wuxuuna sheegay isaga oo kala mid dhigaya Maamulka Hargeysa sidii dawladihii islaamka in ciddii markaa ku kacda maamulkooda lalaaluusho. Halkan Ka Dhagayso Aadan Siiro



Isaga oo sheegay in dhiig badan loo soo daadiyey Maamulka SNM. Arrimahan ayaa waxa ay imaanayaan markii dhirbaaxo kulul ay ku dhufteen ciidamada Mujaahidiinta shacabka SSC ee ku sugan Kalshaale Malayshiyada Marya calasta ah ee SNM ee 20 sanno sheegan jiray ciidan habaysan.
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by EastAfrica »

Hogaamiye cunsuriyadedka Rer Hargaysa ee lagu magacabo Adan (siiro) oo xaran ku sheegay lacagta loo ururinayo abaraha kajira koonfurta Somalia
Hogaamiye qab yaaladedka Rer Hargaysa ee lagu magacabo Aadan Maxamuud (Siiro) oo ka mid ah dadka qabyaladu madax martay ee Hargaysa oogu caansan ayaa sheegay in lacagta loo aruurinayo abaaraha ka jira Koonfurta Soomaaliya in ay tahay Xaaraan, mar uu ka hadlayay masjid ku yaala Xaafada Xawaadle ee Magaalada Hargeysa,
Hogaamiyahan Aadan ayaa ku tilmaamay arintaas mid aan diinta sal ku lahayn, asaga oo sheegay in abaaraha ka jira Somaliland ay tahay in lacagtaas loogu Deeqo waasifuu hadalka u dhigaye.
Hogaamiyahan Cunsuriyadu madax martay ayaa ku canaantay in Maamulka Siilaanyo, in ay u jan jeerto Somaliweyn, waxa uuna sheegay arintaas ay tahay waxa ay SNM ka Dagaalanatay oo dhiig loo daadiyay magaca Somaliweyn.
“ Waxaa la yidhii lacag ayaa loo aruurinayaa Koonfurta Soomaaliya, waxaan leeyahay dadka lacagaha aruurinaya waa dad dano gaar ah wata, oo meesha dan ka arkay, waxaan u sheegaynaa in ay tahay arintaas Xaaraan cad oo aan diinta islaamka meel uga Oolin” ayuu yidhi Cunsuri Sare (Siiro).
“ abaaraha ka jira Dhulka Isaaqa maa lacagta loo Aruuriyo, Xukuumada hada jirtana ee Siilanyona waxaa lagu xantaa in ay u jan jeedho Somaliwey, Waxaan leenanay lacagtaas waa xaraan in Xamar la geeyo” yidhii asaga oo la hadlayay Taagerayaal gaar ah oo ku dukada Masjid uu asagu dhisay.
Sidoo kale waxa uu ku xadgudbay Hogaamiyahan shanta tiir ee islaamka oo uu ku sheegay mida koowaad in ay tahay ashahaadka halka mida kale uu ku sheegay in ay tahay Qadiyada Isaaqnimada , Taas oo ay Culumada Rer Hargaysa ka hadlin.
Siiro ayaa waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay Wadad ku sheeg Qadiyada qabaa’ilka ay madax Martay.


-------------------------
Warmaha Sh Aadan Siiro Tuurayaa waa wax ula jeedo leh!

Aanba iraahdo Sh Aadan Siiro anoon Jecleyn inaan wax ka dhimo Xaq ama Sifo uu leeyahay, waxaase iga yaabiyay Dhiiranaantiisa iyo Arxandarada ka muuqata maruu isla jaljaleecinayay Mikarofonka asagoo Ciidda Fidriga Khudbo jeedinayay ama Jimcihii xigay, waxaaa dad badan isweydiinayaan intee Damiirkiisii iyo Diinkiisii iyo Dadnimadiisii ku dhinteen? Arxan darada Intaas la eg miyaa Dad Diin Islaam ku abtirsada ku jirta?, Caro intaas gaartay miyaa Nin labis Culimo leh dad Gaajo u dhimanaya wax lagu sadaqeestay ka muujiynaaa? inteese Diinta Daliil uga helay inuu sheegto inay Xaraan tahay in loo gargaaro Soomaliya Masaakiinta Gaajada u dhamaneysa ee Gaal iyo Muslimba ka dhiidhiyeen?.

Sh Adan waxaa muuqata hadalkan iyo Doodan uu ka kiciyay Maalinkii Ciida iyo Jicaha Xigayba waxaa uu ka leeyahay ula jeedo kale iyo iska horkeen Dowlad iyo Shacabka Somaliland, waxaana arintaas muujinaya Khudbooyinkiisii soo jireenka ahaa ee Xambaarsanaa Dhinbilaha Dabka ah iyo Fidnida asagoo si gaar ah ula beegta Khudba kasta inuu Falanqeeyo Siyaasada Madaxweyne Siiraanyo asagoo ay ka muuqato inuusan marna ku farxin guushii uu ku gaaray Hogaaminta Somaliland, waxaanan ka aqriyay jaraa’id kasoo baxa Magaalada Hargeysa mudo Shan bil laga joogo inuu ku Eedeyay Dwlada Siilaanyo inuu gacan saar la leeyahay kooxaha loo yaqaan Argagixisada taasoo uu ula jeeday inuu iska hor keeno Maamulka Somaliland iyo Dowlada Itoobiya, marka waxaa muuqata Sh Adan dantiisa waa inuu dhabar jabiyo Siyaasada Dowlada Siilaanyo hadey Arimaha Gudaha tahay iyo hadey Arimaha Debada tahayba.

Marka labaad waxan ugu baaqayaa inta Iimaanka iyo Insaannimada ku hartay ee Dagan Somaliland ama afka Soomaliga ku hadasha ee Muslimiinta ah qodabadan soo socda.

1- Marka koowaad u kalmeynta dadka Koonfurta Soomaliya ku dhamaanaya waa tii Rabi jano looga rajeyn lahaa Ajarna lagu Doonan lahaa waxaa Daliil ah Axaadiistan soo socoto:

Waxa uu nabiga Xadiis saxiix ah uga Sheekeeyay Umadihii hore waxaa jiray Naag Zaaniyad aheyd oo wax wanaag ah aan sameyn .. Maalin ayadoo socota ayhay haraaday waxay dhex gashay Ceel si ay biyo uga Cabto markii ay kasoo baxday Ceelkii ayay aragtay Eey Haraad dartii la Cunaya Ciidii Ceelka hareertiisa Biyaha gaareen inta ay ka Naxday haraadka Eeyga haya ayay Ceelkii ku laabatay oo Kobteedii biyo ugu soo qaaday Eeygiina waraabisay, arintaas darteed ayuu Nabiga Raxmada badan ku Sheegay Raxmada ay Eeyga ay u muujisay aawadeed inuu Allaah haweyneydaas ugu Naxariistay oo Dembigeediina ku Dhaafay Jano ku geeyay, waxaa kaloo la yaab leh xasuusina mudan waxa ay wax siisay waa Eey, waxa ay ku siisayna waa kab, waxaana lagu Abaal mariyay Dembi Dhaaf iyo Jano, bal ka warama waxa hada Sadaqada la siiyay waa Dad, hadana Muslimiin ah, hadana Ehel ah dhan kasta ama Nasab ama Xidid intaba kula wadaaga maxaa Alle looga rajeynayaa?!

Arintaas waxay Daliil u tahay Ruuxii naf Go’eysa nooleeya ee badbaadiya inuu Ajar weyn leeyahay Xayawaanba ha ahaado waxa uu badbadbaadiyay, Allaahna waxaa uu Quraanka ku Sheegay: [Cidii nooleysa Nafna waxay la mid tahay isagoo Nooleeyay dadkoo dhan].

2- Dadka Dhamaanaya waa Dad Muslimiin ah Muslimiintana waa waloolo Dhamaantood waxaana intaas usii Dheer waa Dad dadkii ugu dhawaa Dadka ku Nool Soomaliland ama Hargeysa gaar in ay Caawiyaan waa Waajib Sharci ah waxaana u Daliila Daliilada soo socda:

Waxaa uu Allaah Quraanka ku Sheegay in dad Mu’miniinta ahi Waloolo yihiin sida ku Cad Suurada Al-Xujuraat Aayadeeda:

Waxaa kaloo Nabiga Suuban xadiis Saxiix ah ku Sheegay in ay jir Qura isu yihiin Muslimiinta oo haduu Jirku Xubin ka mid ah Bukooda sida Caadada ah waxaa la Bukooda jirka oo dhan sidaas ooo kalana Hadii Muslim Xanuun iyo Dhibaato soo gaarto waxaa la xanuunsada oo ka Murga Dhibtiisa Muslim kasta.

Dhanka kalana Dad ku wada hadla Afka Soomaliga waxaa ka dhaxeeya wax aan ka dhaxeyn dadyoyga kale ee Caalamka hadey tahay Nasabkii Dhalashada iyo hadey ama Xididnimo waayo waa dhamaantood waa Abti iyo Adeer, waxayna isku leeyhiin Xuquuqo ka sii Dheeraada Xaqii Diinka, arintaasoo sababeysa inay si gaar ah isugu Damqadaan isna Caawiyaan Xiliga Dhibaatada, Allaahna waxaa uu Quraanka ku leeyahay: [Ka Dhowrsada Eebihiina aad wax isku warsataan iyo Qaraabada, Eebana wuxuu yahay Korkiina ilaaliye]

Nabiga raxmada Badan waxaad Ogtihiin inuu Maalin Malmaha ka mid ah Arkay Duruufeysan oo Reer Mudar ah oo Goyaal huwan Dhar iyo Cuno toona aan heysan, arintaasoo uu aad uga naxay Nabiga raxmad darteed Wejigiisa la Doorsoontay asagoo ku Murugeysan Dhibaatada Dadkaas Muslimiinta ah ku Dhacday, markaa ayuu Muslimiintii Faray in la Caawiyo Dadkaas taasoo ay Muslimiintii kaliftay inay ku tartamaan caawinta Masaakiintaas Dhibaatada ku habsatay.

Marka waxan leeyahay Soomaali oo dhan waxay isu yihiin Jigjiga, wajeer, D’Jabuti, Hargeysa, Boosaaso iyo Muqdisho meel ay Caalamka ka joogaanba wixii Nabiga Reer Mudar u ahaayeen, waxay kaloo isu yihiin waxii ay Nabiga Suuban Reer Masar u ahaayeen, waxaad Xasuusataan Markii uu Nabiga Noolaa waxa uu Muslimiinta ugu Bishaareeyay inay Guulo badan gaari doonaan Dhul badana Gacantooda Hoos Imaan doono, Dhulkaas oo uu Tilmaan ka bixiyay nooca Lacagta ah ee laga Isticmaalo asagoo faray dadkaas in loo Raxmado lana Xil dhowqro asagoo yiri waxay igu leeyhiin: {Nasab iyo Xidid} Bukhaari oo wariyay xadiiskan waxaa uu Cinwaan uga dhigay inay kuwa Qarabada ah kheyrka ay heestaan wax ka siiyaan Qaraabadooda, waxaana ay Culimadaa yiraahdeen waxaa soo wada galaya Nasan iyo Xidid inta kula ehel ah ruuxa.

Marka Xigtana Dadka ku nool ama Maamulka ka jira Soomaliland 600kun ma Malaayiinba d Doolarba hadii ay siiyeen Masaakiin iyo Dad gaajo u dhimanaya maxay hantidooda u dhintay maxaase ka soo gaaraya oo dhibaata ah?.

Hadii aan su’aashaas ka Jawaabo Somalilan waxba uma dhinto 600 kun iyo Malaayiin Doolar oo ay sadaqo ahaan u bixieen, waxaaba la hubaa inay ka faaiidi doonaan afar jeerba marka hore Alle agtiisa waxay u tahay Ajar iyo xasano ay geesteen taasaanaba ku filan, marka labaadna Sadaqada Maalkooda ma Nusqaamin ee Maalka ayaa ku barakakooba, marka sadaxaadna sadaqadu waxay kla badbaadisaa Dadka la baxay Balaayo iyo Dhibaato kusoo fool laheyd, Marka Afaraadna waxa aad Sadaqada siiseen waa dad Insaan ah amaba Muslim ah amaba Qaraabo aha oo waxaa imaan karta Maalin ayagana markooda loo baahdo ileen waa Aduune oo waa galad walaal la gashaday iyo Ixsaan loo hormarsaday Dadkuna waa isu Abaal gudaaye!

1- Boowdada Markii aan ka Jabay, Boqonka Taagtiisa.

2- Habeenkiiba wey Bidhan lahaa, Bahalki Cawlaaye

3- Ragii Buurta Dheer igala baxay, Beerka ka Ogsooni

4- Bah Cilaamo goortey Dhamaan, Iga Dul Booyeysay

5- Bah Sadheyna Baga inay I tiri, Beerka ka Ogsooni

6- Ninkii Burunji inuu igu Cunaa, Ii Bariidinayay.

7- Ee aan bar kale ii tareyn, Beerka ka Ogsooni.

8- Ninkii Balad Shiheeye iga jiray, ee soona Bixi waayay.

9- Ee inaan bogsadaa Jeclaa, Beerka ka Ogsooni.

10- Lexaad waa Badhaadhee, haduu ii Bogsadao Xoogu.

11- Hadii uu Biixiyaha Eebahey, isugu key Beego.

12- Abaal Badh ah, Abaal Bur ah, Abaal Bur iyo dheeraad ah.

13- Ninba Kiisa kaan ugu Badli, Beerka ka Ogsooni!

Gunaanad: Dooda garadarada ah iyo Shubahad uu daliilada u raadsanayo Sh Adan waa wax ula jeedo, marka koowaade dan siyaasadeed ayuu ka leeyahay ee sadaqada dan kama laha , marka labaadna waa Dood gaf iyo Xaqdara ah waayo Shareecada waxaa ka buuxa Daliilo badan iyo Nusuus fara badan oo muujinaya Ruuxa inuu asagoo baahan walaal kale oo ka baahi badan wax u door bidi karo waa haduu Diin dank a leeyahay, sida inuu Nin saxaabada ka mid ahuu caruurtiisa seexiyay markii uu Ogaady in Cunada Reerka u taala aysan wada deeqin Marti iyo caruurtiisa si uu Martidiisa u sooro Aqalkiisiina Mugdi yuu ka dhigay si martigu ugu qaato in lala Cunaya Cunada taasoo uu Nabiga aad ugu farxay markii loo waxyooday waxa ay sameeyeen Qoyskaas!.

Waxaanan Allaah ka baryayaa inuu xaqa kuwa ku dhagan oo hawada aan raacin naga dhigo iyo in Sh Adan inuu Siirada fahamsiiyo Fidnadiisana ka ilaaliyo Guud ahaan Soomali gaar ahaan dadka ku nool Somaliland.

W/Q: Asad Cali Axmad

asadcnx@hotmail.com
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by EastAfrica »

Somaliland.org " Sh Aadan Siiro wadaad iyo waranle mid uun ha udhaco"

http://www.somaliland.org/blog/2011/09/ ... ha-udhaco/

Waxa baryahan dambe saxaafada ka muuqda hadalo la yaab leh oo ka soo baxa had iyo jeer sh aadan x maxamud oo la magac baxay adan siiro , aadan waxa uu gacanta ku hayaa masjid ka mid ah masaajidada dadka wax garadka ahi ku tukadaan , had iyo jeer wadaadku waxa uu soo dhex galiyaa arimaha diiniga ah ee dadku uyimi masjidka , arimo siyaasadeed oo aanay dadku masjidka iyo isaga toona usoo doonan , waxa ay had iyo jeer cidhiidhi ka dareemaan marka uu dhex dabaalanayo arimahaas ka baxsan cibaadadii dadku yimi masjidka. Arintaasi oo keentay in dad badan oo ku xidhnaa masjidku ay ka wareegaan masaajidkoodii udhawaa una lugeeyaan qaar ka fog , iyada oo cabasho badani ay dadkaasi ka soo baxayso. hadaba waxa aan ra’yigayga talo usoo jeedin lahaa sh adan siiro inuu dib isugu noqdo oo ka fogaado hadaladaas wax udhimaya , sumcada masjidka , dadkana kala fogaynaya , waxa ugu dambeeyay hadaladii qaawanaa ee uu sida cad ee buhtaanka ah ugu weeraray hogaanka dadku u doortay dalka oo uu ku sheegay inaan talo gacanta ugu jirin , arintaas oo dadweynuhu aad ula yaabeen sida ay uga soo baxday Afka nin culimo ah , oo dadkiisu ay ka filayeen islaax iyo wax isu soo jiid , inuu dadka uga waramo wax ay uga war roon yihiin oo aanay waxba ka jirin. waxa aan qoraalkaygan ku soo gabgabayn lahaa sh adan siiro wadaad iyo wabiin dhan uun haw dhaco.

C/Casiis C/Laahi Yuusuf
--------------------------------------------------------------------------------

Aadan Siiro “ lacagta Koonfurta la gaynayo Diinta islaamka meel ay uga taalo ma jirto, dalka ayaa u baahan lacagtaas….

Sheikh Aadan maxamuud Siiro ayaa waxa uu dhaliil u soo jeediyay lacago Culumada Somaliland, ay u aruurinayaan dadka Soomaaliyeed ee abaauruhu aafeeyeen.
Siiro ayaa ku dhaliilayu Xukuumada Siilaanyo in ay u jan jeerto Somaliweyn, waxa uuna sheegay in ay arintaas tahay Wixii laga Dagaalamay waa sida uu hadalka u dhigay.
“ waxaa la jiro 700-Boqool kun ayaa la gaynayaa Muqdisho ama Koonfur taasi waa xaaraanb cad Diinta islaamka meel ay uga taalo ma jirto, Axdiga koowaad waa ashahaadka tan labaad waa Somaliland, tan Sadxaxaad waa hour marka dalka” ayuu yiri aadan siiro.
“ Xukuumada hada jirto Waxay u jan jeertaa Somaliwayn, waxan leenahay waxaas waa waxaan la dagaalanay ee hala daayo” ayuu markale yiri.
Aadan Siiro ayaa ku tilmaamay lacagaha la gaynayo Muqdisho in la geeyo Gobolada Somaliland oo ay abaaruhu ka jiraan


-----------------------------------------------------

Togaherar.com "Seekh Aden Siiro isagaa is sheegay in uu yahay Wadaad Waree…… oo karkaarka Waydaaraty ee haloo caqli celiyo!!!!


ASALLAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATUH .

Kadib markii aan dhegaystay khudbadii uu jeeediyay sheekh aadan siiro maalintii ciida ee garoonka xawaadleh ayaa waxaa igu dhalatay in aan ereyo ka idhaahdo bal khudbadan lama arkaanta noqotay ee uu wadaadku umada isla hortaagey.
Marka ugu horeysa sheekh aadan siiro gafaf badan ayuu dawlada ka galay intuu uu khutbadiisa ku dhex jiray, waxaana ka mid ahaa inuu dawlada ku tilmaamay mid aan awood lahayn oo ay cid-kale u taliso dalka.
Waxaan aad ula yaabay wadaadku sida u daadufeeyay ugana xumaaday caawimada iyo gacanta-walaalnimo ee ay dawladu ufidisay umada tabaalaysan ee walaalahooda ee koonfurta somaaliya.
Inkasta,oo ay ku amaanantahay dawladu talaabadaa ay qaaday hadana waxaan odhan-karaa way la,daahday waayo gurmadka ay dawlada somaliland u fidisay koonfurta somalia waxa uu yimid kadib markii ay gaal iyo islaamba u kaceen aduunka dacaladiisa.
Hadaba sheekha malaa 600$ ee kun ee doolar ee koonfur looo raray ayaa u qaadan waa ku noqotaye waxay ahayd inay dawladu intaa ka badiso waayo cida wax la siinayaa waa walaalaheen soomaaliyeed oo u baahan caawimadeena,malaa dee sheekhu yuhuud inay dawladu wax siinayso ayuu moodaye.
Sheekh aadan siiro miyuu ilaabay xadiiskii saxeeexa ahaa ee rasuulka (SCW) laga wariyay ee uu yidhi
“” MIDKIIN MUU RUMANYNIN OO IIMAAN DHAB AH LAMUU IMAN ILAA UU WALAALKII LA,JECLAADO WAXA UU NAFTIISA LA,JECELYAHAY “”.

عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (لا يؤمن أحدكم حتى يحب لأخيه ما يحب لنفسه) متفق عليه

sheekha waxaad moodaa baryahan dambe sheekhnimadiisii iyo hawshii uu bulshada u hayay inuu ilaaway oo uu ku dhex milmay siyaasad aanu waxba ka,garanayn taaasna waxaa cadaynaysa masaakiinta lacaawinaayo ee ay dawladu u gurmatay ayuu siyaasadeyay oo uu yidhi waa wado ay dawladu furtay oo ay xidhiidh-kula samaysanayso somaaliya.
Hadaba akhriste sida uu cinwaanka mawduucayguba tilmaamayo wadaadku in uu wareersanyahay oo uu karkaarka waydaaratay isagaa is tilmaamay !!..hadii aad dib u dhegaysato khudbadiisa waxa uu yidhi isagoo tilmaamaya in aan qof-qaldan aan qaladkiisa lagu raacin iyadoo la,eegaayo qabiil waana wax,sax ah runtii, hadaba sheekhu waxa uu yidhi (( hadii suldaan cadhoodo yaynaan qabiilnimo ku dabo gelin … hadii siyaasi cadhoodo yaynaan qabiilnimo ku daba gelin … hadii wadaad wareersan laftarkiisu uu karkaarka weydaarto yaynaan qabiilnimo ku daba gelin.!!))
Hadaba dadwaynihii dhegaysanaayay wadaadku aadbay ugu qosleen ereygaa u dambeeyay ee wadaadku yidhi waayo waxay dareen-sanaayeen una muuqatay isla daqiiqadaa in uu wadaadku wareersanyahay islamarkaana karkaarka weydaartay oo aanu is ogeyn in uu is sharaxay isagu.
Sheekh aadan siiro waxa uu tilmaamay in aan sakada hargeysa aan berbera ama boorame loo qaadi karin, taasna been ayuu ku sheegay waddaadku waayo ma,jirto meel ay ku xusantahay qur’aanka iyo sunaddii rasuulka (SCW) toona in aan sekada inta wadan laga qaado aan wadan kale lageyn karin.
Waxaan sheekha xasuusin-lahaa in ay diinteena xaniifka ahi ina farayso in ay dadka muslimiinta ahi isku duubnaadaan oo ay walaaloobaan oo haday qaar dhibaato iyo masiibo qabsato inta kale ay u damqadaan oo ay wax-taraan hadii aanay karina ay u duceeyaan.
Sheekh aadan miyuu ilaabay xadiiskan rasuulka (SCW) laga weriyay ee tilmaamaya isu naxariisashada iyo isu damqashada muslimiinta dhexdoodu inay ka dhigantahay sida jidh-qofkaliya oo hadii ay meeli xanuunto jidhkaas ay dhamaan xubnaha inteeda kalena lawadaageyso xumada iyo xanuunka iyo soo jeedka .!!

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ((مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم كمثل الجسد الواحد إذا اشتكى منه عضو تداعى له سائر الجسد بالسهر والحمى ))



Waxaan qoraalkaygan ku soo gebo gebeynayaa hadii aad sheikh aadanow adigu ka damqanweyday dhibaatadada iyo gaajada dadka soomaaliyeed ku habsatay ee walaalahaaya waxay ahayd in aad ka xishooto waxyaabaha aad ku hadashay iyo daasada aad ka daba garaacday dawlada Somaliland alle ha barakeeyee ee u gurmatay walaalahooda baahan sida ay dhamaan dawladaa islaamkuba ugu gurmadeen, dadkana waxaa u liita qofka-dadka bakhaylnimada kula dardaarma iyo in aanay waxba bixin.

Hadaba waxaan kula dardaarmayaa dadkii uu sheekhu khudbada u jeedinaayay iyo inta ku xidhan sheekha ee ka,agdhowba inay u caqli celiyaan, waayo wadaadku waayadan dambe waa la,soo hayaayoo waad aragteen waxa uu ka,dhamaanla,yahay dawlada Somaliland iyo dawladaa KAN tidhi iyo dawladaa KEER tidhi .. markaa hadii wadaadka siyaasada hunguri ka,hayana waxaad tidhaaahdaan horta cumaamada meel soo dhigo ka,dibna xisbi furo ileen waatanoo axsaabtii dawladu way furtaye .

Wa,billaahi tawfiiq.

Khaalid aadam muxumed ( abu-cabduraxmaan)

Al-qassim-buraydah.k.s.a.

Khaalid770@hotmail.com



*
*
*

Get Shareaholic for Firefox
User avatar
TheSultaan
Posts: 140
Joined: Tue Sep 06, 2011 11:43 am
Location: Rack City BiiiiJ

Re: A Dangerous Cleric who preaches hate and division in Som

Post by TheSultaan »

Babygirl- wrote:This is the Guy who advised Somalilanders not to support the famine in the South because we need the money! and he says he is a sheikh!!

This guy said Somaliland is like The saxaaba we should attack anyone who is against it its a holy war !! loool subxanalaah he is blinded by hate! and no Sheikh.

he said any one who rejects the Flag of tawxeedka is a person that is against the holy words of Allah Somaliland and he also said zakaada waxa ugu fadli badan dadka kugu xiga oo ah gurigaga ehelkaaga , he did not say dont give to the people of Somalia he just said Somaliland needs the zakaat
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by EastAfrica »

Oodweynenews.com "Sh. Aden Siiro Qudbadiisu Baydka Ilahay Ka Akhriyayey Ma Waxay Dhafi Wayday Afarta Shilin Ee Masakinta Loo Uruurinayo "

Marka hore salan diran saxafada xortee somaliland iyo dhamanba akhristayasha hadii aan u dadgo dulucda maqalkayag runtii malmahan danbe wax saxafada qaar tabinayeen hadalo aan aad ula yabay waxay ahay habeenkii ciida markii indhahaygu ku dhaceen warka HCL sh aden siirro oo ka qud badaynaya garonka xawadleh saladii cida markan maqlay isagoo leh dowlada [...]

http:///articles/103565-sh-aden-siiro-qudbadiisu-baydka-ilahay-ka-akhriyayey-ma-waxay-dhafi-wayday-afarta-shilin-ee-masakinta-loo-uruuriyeysh-by-kamal-mohamed.html
User avatar
TheSultaan
Posts: 140
Joined: Tue Sep 06, 2011 11:43 am
Location: Rack City BiiiiJ

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by TheSultaan »

East africa i said bring evidence him saying all of that you accused him of that he said that the Dhulbahantes are Like infidels that needs to be converted to Islam do you have a video an audio tape, dont post nonsense about him talking About Somaliland or its independence day :lol: youre not Convincing anybody :lol:
User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by EastAfrica »

[youtube]olrUewQ6ZSY&[/youtube]

Warlord Siiro:- Dhulbahantaha Inaga Laaluusha


Sida uu ka sheegay Khudbad uu jeediyey ninka lagu magacaabo Aadan Siiro ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in maamulka SNM laaluush siiyo Dhulbahantaha iyo wixii kale ee ka soo horjeeda maamulkaasi. Wuxuuna sheegay isaga oo kala mid dhigaya Maamulka Hargeysa sidii dawladihii islaamka in ciddii markaa ku kacda maamulkooda lalaaluusho. Halkan Ka Dhagayso Aadan Siiro



Isaga oo sheegay in dhiig badan loo soo daadiyey Maamulka SNM. Arrimahan ayaa waxa ay imaanayaan markii dhirbaaxo kulul ay ku dhufteen ciidamada Mujaahidiinta shacabka SSC ee ku sugan Kalshaale Malayshiyada Marya calasta ah ee SNM ee 20 sanno sheegan jiray ciidan habaysan.
User avatar
TheSultaan
Posts: 140
Joined: Tue Sep 06, 2011 11:43 am
Location: Rack City BiiiiJ

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by TheSultaan »

Where did he say in the video Dhulbahante hala laalusho oo lacag hala siiyo did you even listen to what you posted ?
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by Babygirl- »

^ Why are you following me around?
Re: hello

Sent: Fri Sep 09, 2011 4:16 pm
From: TheSultaan
To: Babygirl-
walaal isaaq did never do you harm , Majeerteen is the cadaw of your clan
TheSultaan wrote:Can we please not talk about Daarood or inject them in this Topic, we are talking about the righteous Blessed Musa care Nation of the Larger Garxajis , lets not Bring Filth in this topic lets keep it Clean.
stop accusing ppl of hate when you are it's definition Darood ku waas. :arrow: :arrow: :arrow:
siren
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7879
Joined: Fri Nov 28, 2003 7:00 pm
Location: PREPARE- D-DAY IS COMING!

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by siren »

Babygirl- wrote:^ Why are you following me around?
Re: hello

Sent: Fri Sep 09, 2011 4:16 pm
From: TheSultaan
To: Babygirl-
walaal isaaq did never do you harm , Majeerteen is the cadaw of your clan
TheSultaan wrote:Can we please not talk about Daarood or inject them in this Topic, we are talking about the righteous Blessed Musa care Nation of the Larger Garxajis , lets not Bring Filth in this topic lets keep it Clean.
stop accusing ppl of hate when you are it's definition Darood ku waas. :arrow: :arrow: :arrow:
:lol: :lol:
User avatar
TheSultaan
Posts: 140
Joined: Tue Sep 06, 2011 11:43 am
Location: Rack City BiiiiJ

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by TheSultaan »

Where did i say i hated daarood i just said lets stick to the topic a person by the name sahan galbeed was talking about daarood in a topic about a habaryoonis subclan. But walaal babygirl stop hatin on isaaq they are not your enemy majeerteen is. If you keep hating on isaaq you will go to hell fire and i dont want you to go there.
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: A Dangerous Cleric Who Preaches Hate And Division In Som

Post by ToughGong »

^
Horta waxaad qortey maad akhridey
Mise the meaning of "filth" baanad aqoon
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”