Page 1 of 1

Meydka General Cabdullahi Damaas aa lagu arkay Ceelwaaq

Posted: Sun Sep 11, 2011 10:20 am
by grandpakhalif
Mas'uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa hadda gaaray Ceel Waaq saacado kadib markii gacanta cadawga ay ka baxday degmadaasi.

Weriyaha SomaliMeMo ee Jubbooyinka Cabdi Raxmaan Yare oo khadka taleefanka kula xariiray taliska mujaahidiinta Buusaar ayaa soo xaqiijiyay in Meydadka ciidan gaaraya 21 ay daadsanyihiin wadooyinka carra guduudka ah ee Ceel Waaq.

Taliyihii ciidanka Ceel Waaq u qaabilsanaa Maleeshiyada DKMG ah magaceeda sheegata Ninka lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Dhamas ayaa Meydkiisa lagu arkay agagaarka xarunta shirkadda Hormuud halkaasi oo ay ku dileen ciidanka Mujaahidiinta.

Mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Gedo ayaa gudaha u galay Ceel Waaq waxaana hadda socda Khodabado ay jeedinayaan madaxda mujaahidiinta.

Weriyaheeda wuxuu soo sheegay in Khodbaddu hadda socoto 15 Daqiiqo waxaana shacabka loogu bishaareynayaa in magaalada laga dahiriyay xumaantii sida Khamriga,khaatka,Beybalkii ay saraakiisha Kenya wateen.

Cabdullaahi Dhamas wuxuu ka sareeyay Maxamed Carab wuxuuna tababar kusoo qaatay dhanka Seydeelow oo gudaha Kenya ah, Hoog iyo Shalaay wuxuu usoo galay kuwa isku dayay in ay Nuurka Alle dimiyaan.

Dagaalkii maanta Ceel Waaq ka dhacay iyo dagaalkii ka horeeyay ee Buusaar wuxuu baal dahab ah ka geli doonaa taariikhda Jihaadkan Casriga ah ee Somaliya ka socda.

By Abaa Cabdalla News Desk Muqdisho.