What are some of the best Reer waqooyi vs Reer xamar jokes?
Posted: Mon Sep 12, 2011 12:03 am
Ee aad waliga maqashaqay...ku qor Af_Somali please hadii kale maraxos ayuu noqanaya:
Largest online Somali community!
http://somalinet.com/forums/
Lil, Alleylehe tan haddaad nagu dul aliftay ee naga daa bahasha!Lillaahiya wrote:Nin reer Hargeysa ah ba shaqadiisa Xamar lagu beddelay. Xafiiski u ka shaqaynaaye raadiyow bu dhigtay si u idaacada ka dhegaysto. Galab walba wuxuu ka maqla 'hebel hebel amba heblaayo ayaa maanta lagu duugay Wardhigley'. Siddu maalin kaste ka maqlaye qofkaas ba la duugay, wuxuu is idhi adiguna orod isaaso duug. Shoow miskiinka muruq ba galay oo wuxuu moodaya baafinka xayeysiisMar calaa mar marku xafiiska ka baxay ayuu taxi qabsaday oo ki waday ku odhay "meesha Wardhigley la yidhaahdo i gee". Darawaalki intu soo jeestay bu waydiye 'xaa ka rabta Wardhigley'. Ninki ba idhi uun 'inaan is duugo ba doonaaya'
![]()
Taqsilahi ka maba qasna, inleen wa camalkiisi, gaadhigana wu sii daaye. Ninka meeshi ba la geeye. Qabuuraha deyr weyn oo askaryo ilaashada ba ka dhisan. Darawaalki ba joogsaday oo askariga albaabka taagan ba gaadhiga ku soo dhowaaday. Ki intu lacagta bixiye ayuu ka soo dhadhigayTaqsilahi ba askariga ku idhi "Ani ninka ma kasaayo, wuxuu iri waan is duuga, waan ku si daaye". Xuuf, gaadhiga wu dhaqaajiye. Ki reer Hargeysa ah iyo askarigi ba isku hadhay.
Ninka: Albaabka iga fura
Askari: War maxaad rabta?
Ninka: Inaan is duugo baan doonaaya
Askari: Aboow, shaydaanka iska naar
Ninka: War meeshi dadka lagu duugi jire miyaanay ahayn meeshan?
Askari: May wey tahay, laakin maxaad isku duugi?
Intay islaa murmayn, ki askariga ahaa ba foodhiye oo deyrka hareerahiisa dhowr askaryo ka soo baxayn. Ninki ba la xidhay oo police stationki la geeyeInta la fadhisiye ayaa niman kale loo yeedhay si ay la tashadan
![]()
Askari: Xaa ku haaya?
Ninka: Bal qoodha iyo xeerada! Maxaad igu diidisan duugashada?
Askari: Is deji nooh
Ninka: Dadka kale waad duugtan oo galab walba idaacada ka maqle ee maxaa igu ka diray? Ma idinko keliya baad is duugtan? Dadka kale ma ogolid?!
Askari: Ma ado nool ba is duuga?
Ninka: Hadda ma ano dhintay ba lay duugi lahaa?
Askari: Dadka dhintay ba la duuga aboowe
Ninka: Weger. War idinko dhintay haddi la idin duugo, anago nool ba la na duuga.
Marki dambe dambe, oo la xiiqay ayaa lays fahmayNinki reer Hargeysa ahaa ba u sharraxay wuxuu ka waday duugasho (massage),asagana wa loo sheegay duugasho micnaheeda kale (to bury). Maandhaafid iyo nus iga dheh
Lillaahiya wrote:Ninka: Albaabka iga fura
Askari: War maxaad rabta?
Ninka: Inaan is duugo baan doonaaya
Askari: Aboow, shaydaanka iska naar
Ninka: War meeshi dadka lagu duugi jire miyaanay ahayn meeshan?
Askari: May wey tahay, laakin maxaad isku duugi?
looooooooooolNorthwind wrote:Sheekadani waxay dhacday xilligii Kacaankii:
Laba nin baa ku wada jiray dugsigii Xalane ee tababarka lagu qaadan jirey ee ku yaalay magaalada Muqdishu xilliyadii todobatanaadkii iyo sideetamaadkii 1970s, and 1980s. Labada nin midi waa reer Muqdisho oo gurigooda ayuu Jimcaha u caraabaa. Ka kalena waa reer Hargeysa oo isagu magaaladan cid kama yaqaan oo inta badan xerada Xalane dhexdeeda ayuu iska joogaa. Waxa dhacaysa in ninkii reer Muqdishaad uu mar walba cuntooyin kala jaad ah uu u soo qaato Xalane sanduuqna ku qufusho oo sariirtiisa hoosteeda gashado maca dharkiisa. Habeenkii danbe ayuu kii reer Hargeysa gaajooday intuu saqdii dhexe kacay ayuu sanduuqii intuu gabigiisiiba banaanka u qaatay ku soo jabsaday oo wax ka soo cunay ka dibna ninkii halkii uu hore u yaallay u dhigay sanduuqii.
Xilli ay weli waaberigii ku dhowdahay ayuu u kacay kaadi ninkii reer Muqdisho, markuu sariirta hoosteedii eegayba mise waaba sanduuqii oo walhanaya oo afka kala haya, YAAB!. Ayaamahaas uun baa Matato (ama Nigis) qofba siduu u yaqaan ayaa Talyaaniga alaab looga keenay ku jiray sanduuqa. Matatihii oo koonaha sanduuqa ku jiray ayuu markiiba tebay ninkii lahaa oo yidhi; "Waar yaakhii yaa arkay Matatahaaygii!?" isagoo kor u qaylinaya oo dadkii hoolka hurday oo dhami maqlayaan. Dadka qaar baa sariirahoodu is kor saaran yihiin ee la soco. Wuxuu hadalkii kor u sii qaadaba, oo marba gees u socdo, isagoo uu xataa hanjabaayo isagoo leh; "Walaahi Eber aan ka dhigaa ka aan ku qabto Matatahayga". Haddaba cid u jawaabta waa la waayey oo dadkii oo dhami wax hurda oo aan maqleeyninba, iyo wax isnabaya oo is leh waar yaa ninkan idinka aamusiiya ayaa la noqday. Kama danbeeystii ayuu qayladii la ag tegay sariirta kii xaday laftiisii isagoo leh; "Waar Matatahaygii yaa arkay, yaa arkay Matatahaygii", Haddaba kii reer Hargeysa oo khaatiyaan taagan oo leh waar aad ka seexatide yaa kaa kaxeeya ayaa mar qudha la soo boodaya; "Waar annagaa cunaye, naga seexo!", isagoo u haysta in Matataha la yidhaa mac-macaankii uu ninka ka cunay. Halkii baa dadkii hoolka hurday oo dhami ay qosol la wada tooseen, xataa kii raadinayey baa qosolkii ku daray.
Hab Adeegsiga Sheekada
Waar marka lagugu wareeriyo waax maad aragtay ayaad odhan; "Waar annagaa cunaye na daaya" eesh qiyaasak!
Northwind wrote:Sheekadani waxay dhacday xilligii Kacaankii:

934 wrote:Am gonna try my best to write it in af-somali...so here goes.
Nin reer waqooyi ah oo gabadh reer konfureed la sheekeysan jiray bah holiday carabaha u dhoofay
markuu soo laabtay bu hadiyad gabadhi u keenay. markay gabadhii aragtay inuu cadar u keeney bey yaabtay markaasey ninkii weydiisey.."abow, ma urteydaad u adkeysanweydey"