
Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha iyo Wufuudii SSC ee Muqdisho.+Sawiro
Wafuudii SSC ee mudooyinkii udanbeyay ku sugnaa caasimada dalka soomaaliya ayaa waxaa y kulamo la qaateen madaxweynaha soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Ahmed iyo raysul wasaaraha soomaaliya Abdiwali Ali Gaas kulamadan ayaa ahaa kuwa albaabadu u xidhnaayeen walow ay qodabada ay ku heshiiyeen qarkood u soo ban dhigeen saxaafada..
Kolankan dhexmaray madaxda SSC ee ugu horeeyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyo hoggaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Ahmed Lana yeesheen madaxweynaha soomaaliya iyo warysul wasaaraha ayaa waxaa uu ka tarjumayay xaalada maamulka SSC iyo tan maanta ay ku jiraan umada soomaaliyeed ee dhibaataysan sidoo looga saari lahaa,
Madaxa Warfaafinta SSC Cumar Jaamac Saleebaan ayaa warbaahinta u sheegay qodobada lagu heshiyey, Kuwaasoo uu ka xusay dhawr arimood.
* In la sameeyo xidhiidh ka dhaxeeya maamulka SSC iyo dawlada soomaaliya
* In maamulka SSC uu yahay maamulada ka jira soomaaliya loona aqoonsado maamul jira madaama u shaqeeyana
* In la isku xidho soomaaliya lana ilaaliyo dadka danaha gaarka ah wato ee doonaya in ay soomaaliya kala gooyaan
* In la ogaado in ay soomaaliya mid tahay dhaqan diin iyo dad ahaanba aanan loo baahneen umad kala qaybsan
Sidoo akle waxaa jira qodoba kale oo aan saxaafada loo bandhigin kuwaas oo khaas u ahaa Madaxda SSC ee uu Hogaaminayaay Garaadka Guud Ee Deegaanada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Ahmed Kaar waxaana kulankii uu ku dhamaaday farxad iyo is afgarasho wanaagsan.

Garaad Jama Garaad Cali iyo Madaxweyne Somalia Shariif

Garaad Jama Garaad Cali iyo Madaxweyne Somalia Shariif

Garaad Jama Garaad Cali iyo PM Abdiweli Mohamed Ali

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka SSC Sulieman Xaglatoosiye iyo Madaxweyne Somalia Shariif

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka SSC Sulieman Xaglatoosiye iyo PM Abdiweli Mohamed Ali


