DR C/qaasim- USA ma rabto in dowlad ka dhalato Soomaliya

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

melo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2483
Joined: Mon Nov 29, 2010 4:27 pm

DR C/qaasim- USA ma rabto in dowlad ka dhalato Soomaliya

Post by melo »

DR. C/QAASIM SALAAD XASAN: "Mareykanka ayaa wligii hortaagnaa dowlad ka dhalato Soomaaliya"

Axad, September 11, 2011 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa ku eedeeyay dowladda Washington inay mas'uul ka tahay degenaasho la'aanta dalka Soomaaliya iyo inaysan ka dhalan dowlad.

Dr. C/qaasim oo wareysi siinayay BBC-da ayaa wuxuu sheegay in burburkii Qarankii Soomaaliya uu ka dambeeyay Mareykanka, illaa iyo haddana uusan ogoleyn dowlad ka dhalata Soomaaliya.

"Markii aan isku daynay inaan soo celinno Qarannimadii Soomaaliya Mareykanku wuxuu billaabay inuu mar kale faragelin ku sameeyo siyaasadda Soomaaliya si looga hortago in Qarankii Soomaaliya uu soo laabto," ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad.

Sidoo kael, wuxuu sheegay in Mareykanku oo adeegsanayo erayo ay ka mid yihiin argagaxiso uu isku dayay inuu Soomaaliya soo geliyo ciidammadii Itoobiya si ay u burburiyaan dowladdii uu isagu madaxda ka ahaa ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti.

"Innaga ayaa ka hortagnay in Mareykanka uu ciidammadii Itoobiya soo geliyo dalka Soomaaliya, waxaana geynay deegaannadii uu Col. C/llaahi Yuusuf sheegay inay ku sugan yihiin xubno Al-Qaacida ka tirsan, wayna beenowday arrintaas," ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Burburkii xukuumaddiisii ayuu mas'uuliyaddeeda dusha ka saaray Mareykanka isagoo xusay in illaa maanta uu wado qorshe ku saabsan inuu ka hortago dowlad Somalia ka dhalata, uuna mar walba oo ay muuqato in la isku tasho uu faragelin ku sameeyo Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu ku ammaanay Mareykanka howlgalkii UNITAF ee loogu gurmaday dadkii Soomaaliyeed 1992-kii markaasoo abaartii ugu xumayd ay ka dhacday Soomaaliya, wuxuuse sheegay in faragelintaas ay ahayd siyaasad dahsoon.

Madaxweynihii hore ayaa hadalladan ku sheegay wareysi ku saabsan sida uu u arko weerarradii 11-kii September 2001 lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee xaruntii ganacsiga dunida oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya


Mudane Cabdiqaasim as usual spot on, ilaahay ha xifdiyo. Some ppl on this forum think they want good for wadanka :lol:
User avatar
abdalla11
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8228
Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one

Re: DR C/qaasim- USA ma rabto in dowlad ka dhalato Soomaliya

Post by abdalla11 »

He was political destroyed and he´s wife was dissed by AY. Who listens to such a moron
User avatar
Ismail_Boss
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:12 pm
Location: Burco - Somaliland

Re: DR C/qaasim- USA ma rabto in dowlad ka dhalato Soomaliya

Post by Ismail_Boss »

Wallahi what C/QAASIM said is the truth when sheikh Sharif was at UK the somalis asked him why he did not have peace talks with Alshabab and his and he replayed the West wont let me looooool subhanallah
User avatar
afisoone
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5509
Joined: Wed Jul 22, 2009 9:46 pm
Location: We all want to become president even though Amisom controls Mogadishu

Re: DR C/qaasim- USA ma rabto in dowlad ka dhalato Soomaliya

Post by afisoone »

C/qaasim. Siduu u hurdo ayuu hal mar hurdada kasoo kacaa. Hala yaabinina inuu lasoo daahay hadalkaas..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”