Page 1 of 1

Mujaahid Taardhuleed was almost martyred today

Posted: Mon Sep 12, 2011 4:38 pm
by AhlulbaytSoldier
Gudoomiyaha Ahlu Sunna ee Guriceel oo ka badbaaday qarax lala eegtay


Guriceel: (Sh. M. Network) Qarax Miino oo gaystay qasaaro dhimasho ah ayaa waxaa maanta bartamaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagula eegtay gudoomiyaha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolkaasi.



Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay gudaha degmadaasi, iyadoo qaraxaani uu noqonayo kii afaraad oo lala eegto gudoomiyaha intii loo magacaabay xilkaasi.



Gudoomiyaha oo ay la xiriirtay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu cadeeyay in qaraxa lala eegtay islamarkaana uu ka badbaaday hase ahaatee ay geeriyoodeen labo ruux oo ka’agdhawaa goobta qaraxa lagula eegtay.



Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada amniga ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay bilaabeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan amaanka islamarkaana lagu baacsanayo cidii ka dambeysay qaraxaasi.



Ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegtay Mas’uuliyadda qaraxaasi hase ahaatee inta badan Mas’uuliyiinta Maamulka Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa qaraxyo ciinkaani oo kale ah oo qasaaro gaystay lagula eegtaa gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.




Shiikh Taardhuleed xafidullaah is alive, and this comes as an shock to the khawaarij: Ka naxoow nafta waa.

Re: Mujaahid Taardhuleed was almost martyred today

Posted: Mon Sep 12, 2011 4:40 pm
by Advo
Bummers, lucky sufi....I guess it's good for him that survived though.

Re: Mujaahid Taardhuleed was almost martyred today

Posted: Mon Sep 12, 2011 4:45 pm
by AhlulbaytSoldier
^You claim to be neutral yet loves whatever shabaab loves, and hates whatever shabaab hates. :down: