Beesha Sade oo shirar wada-tashi ah ay uga socdaan Nairobi

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Beesha Sade oo shirar wada-tashi ah ay uga socdaan Nairobi

Post by XimanJaale »

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ka socda shirar is-daba joog ah oo ay leeyihiin waxgaradka, odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee beesha Sade, kuwaasoo looga arrinsanayo helitaanka Ugaas beddela Allaha u naxariistee Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.




Shirarkan ayaa ka dambeeyey markii uu Nairobi dabayaaqadii toddobaadkii hore soo gaaray Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo ah ninka loo wado in loo caleemo saaro Ugaasnimada cusub ee beesha Sade, kulamada waxaa diiradda lagu saarayaa cidda ay tahay in hoggaanka dhaqanka ay qabato, waxa looga baahan yahay iyo tashiyo lala yeelanayo dhammaan jifooyinka beesha oo ay matalayaan Nabadoonno iyo waxgarad kale.


Guddi ka kooban 13-xubnood oo gudaha iyo dibadda dalka isaga yimid ayaa Nairobi badankood ku sugan hadda, waxay shirar la qaateen odayaal dhaqameed ay kala hadleen soo jeedintooda ku aaddan cidda ay tahay in ay Ugaaska Sade ee xiga u igmadaan.


Sida ay qaar kamid ah xubnaha guddigan sheegeen jifooyinka waxay ku talo bixiyeen in Maxamed Ugaas Xaashi uu noqdo Ugaas beesha Sade si loo helo midnimo iyo qof leh hoggaamin wanaagsan, Maxamed waxaa uu kulamo u badnaa salaan iyo is-arag la qaatay Jaaliyadda Sade ee Kenya.


Qorshaha waxaa uu yahay in marka la soo gabagabeeyo shirarkan la aado gobolka Gedo si loo shaaciyo Ugaaska cusub, sidoo kale xubnaha guddiga waxay warbixin siin doonaan dhawaan saxaafadda, oo ay kaga hadli doonaan wixii u qabsoomay.


Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi waa aqoonyahan ah oo Ugaas Cumar uu adeer u ahaa, aabihii ayaa mar Ugaas ahaa, wuxuu muddo ku noolaa qurbaha isagoo la soo shaqeeyey dowladdii Kacaanka iyo hay'ado samafal. Dadka yaqaano waxay ku sifeynayaan nin qalbi furan oo leh awood hoggaamineed, kartina u leh in uu dadka hadal siin karo, iskuna keeni karo beesha.


Waxaa loo badinayaa in beelweynta Sade isku raaci doonto in Maxamed Ugaas Xaashi loo dhiibo Ugaasnimada.
Image << Majority of Beesha Sade want this guy to become the new Ugaas. The odds are that he will become the new Ugaas. Even Ugaas Omar before he died said that he wanted his nephew to become the new ugaas.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Beesha Sade oo shirar wada-tashi ah ay uga socdaan Nairo

Post by Voltage »

Is that guy talking to the mic, Edson the Majerten Consul-General of Somalia to Kenya? Was that the airport welcoming ceremony of Ugaas Maxamed to Kenya?
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Beesha Sade oo shirar wada-tashi ah ay uga socdaan Nairo

Post by XimanJaale »

^

Yeah

He came from Canada on Sunday. He was welcomed by Sade elders, youth, women and qunsulka somalia for kenya, the edson dude.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Beesha Sade oo shirar wada-tashi ah ay uga socdaan Nairo

Post by Murax »

The title Ugaas is not what it used to be. There was a time when hogaaminta beesha used to be the ugaas...Now it looks like the authority of the ugaas is not the same and I think its a good thing. I don't think ugaasnimo and siyaasad go together.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”