Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo soo dhaweeyey Go’aankii ay Maxkamadda Sare ee Somaliland ka soo saartay khilaafkii Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.
waxaanu Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaacil Cali ku amaanay sida uu murankaas sharciga u waafajiyey.
Suldaan Maxamed Suldaan waxa uu sheegay in go’aanka Maxkamada sare ka gaadhay khilaafkii cakirnaa ee Xisbiga UCID uu ahaa mid Cadaalada ah oo uu soo dhawaynayo, waxaanu Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaacil Cali ku amaanay sida uu murankaas sharciga u waafajiyey.
Suldaan Maxamed oo xalay u waramayey qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu ka hawl galay sidii khilaafka Xisbiga UCID loo damin lahaa, balse labada dhinac ku adkaysteen Maxkamada.
“Waxa aan soo dhaweynayaa Go’aanka ay Maxkamadda sare ka soo saartay khilaafkii kala dhex yaalay labadda garab ee isku hayay ee xisbiga UCID” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi qaadir, waxaanu intaasi ku daray oo yidhi “Anigu waan isku dayey in aan labada garab ee isku hayay xisbiga UCID aan isugu yeedho, laakiin labadooduba waxa ay ku adkaysteen in ay Maxkamadii kala saarto, xukunkaasna anigu waxa aan u arkaa in uu yahay mid helay wadadiisii. Guddoomiyaha Maxkamadda Sarena wakhti hore kiis uu ka qaaday gobolka saaxil kumuu socon mid madaxtooyo mid kalena kumuu socon ee tii sharciga ahayd ayuun buu qaaday, markaa ninkan Guddoomiyaha maxkamada sare ee waa nin sharcigiisa iyo mabda’iisuba ay cad yihiin, sababta loogu doortay in uu noqdo guddoomiyaha maxkamada sarena waa sumcad laga waana ka adag shaqadiisa, shuruucda iyo qawaaniintana yaqaana, waxaanan anigu u arkaa in uu yahay gantaal helay meeshiisii in uu ahaa”
Suldaan Maxamed oo la waydiiyey markii uu isku dayay in uu khilaafka xisbigaasi dhexdhexaadin ka galo in uu jiro garab is hortaagay ama qaadacay waxa uu yidhi “Horta aniga garabna ima diidin, laakiin mid waliba waxa uu u arkayey in arrintiisa maxkamad ka garnaqda mooyaane aan xal kale loo helayn, maxkamaddaas dastuuriga ahi in ay kala saari karto oo shuruucda xisbiyaddana haysa, markaa maan sii cadaadin”
Mar aanu waydiinay bal dareenkii ay shacabka reer Somaliland ka bixiyeen hadalkii uu khilaafka xisbiga UCID Ka jeediyey bal in uu dadka u faahfaahiyo waxa uu yidhi “Bani aadamku in ay wuxuun iska fasirtaan baa jirta, marka adigu aragto in wax burburkiisa labada garab aanay isu dambaynin, ee labadan garab iyagu aanay burburka wadin laakiin ay isku qabteen shuruucda ayuun baan anigu ka hadlayay, cida u faro dhuuban ee burburintan samayn kartaa inay xukuumadu ku lug leedahay baa dhici karaysay”
Su’aal ahayd in uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID la qabo in Khilaafkii soo kala dhex galay hogaanka xisbiga UCID ay Xukuumadu ka dambaysay waxa uu yidhi “Aniga Sida ay iila muuqato horta mid baa jirta, xukuumaddu xisbi ayay ka tirsan tahay oo xisbul xaakim baa jira, wakhtigii UDUB xukunka hayeena waxyaabo dadka iska hor keeni karana waa la tilmaami jiray, mid waliba marka uu arko xisbi ku soo dhadhaw ee uu dareen siyaasi ahi galo in uu xisbul xaakimku iska yara cadaadiyo waa wax dhici karta waana wax aduunyada oo dhan ka dhaca, markaa waa loo fahmi karayay in ay xukuumadu ku lug leedahay”
Supreme Somaliland Sultan Suldan Maxamad is happy this time
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- samatar133
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: Supreme Somaliland Sultan Suldan Maxamad is happy this t


-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 2047 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 3 Replies
- 1273 Views
-
Last post by halfoshalfom-614
-
- 1 Replies
- 377 Views
-
Last post by Coeus
-
- 9 Replies
- 784 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 16 Replies
- 2973 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 8 Replies
- 1226 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 50 Replies
- 6670 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 12 Replies
- 1079 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 21 Replies
- 4852 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 2 Replies
- 885 Views
-
Last post by bashe19