Garashaa u aaba ah
Gudashaa u Hooyo ah
Gurigeedu waa Talo
Gogosheedu waa nabad
Gaarkeedu waa xeer
Gurmadkeedu waa Dhaqan
Gobanimadeedu waa samir
Guusheedu waa is maqal
Sinaantay ku gama'daa
Daacaday ku toostaa
haday weydo gacalkeed
Gudaf iyo Col weeyaan
Haduu gaabsho daankeed
Godob iyo dhib weeyaan
Da'galkeeda waxa guba
ee Gawraca nasiibkeed
sharafteeda gaasira
waa Gacmo aan gudoonayn
garoor keeda waxa dhaba
umad Qaaday Guushoo
reer reer ka durugtoo
garaad keed bislaadeen
Haday weydo Gobanimo
Gacal ay ku gudubtiyo
Garta wey taqaanaa
Wey gamasho leecdaa
idinkuna gargaarkeed
Gobanimadeeda Qiimee
