
Maxaad Kala Socotaa Tirada Dadka Ajaanibka Ah Ee Isaga Baxay Dalka Jamhuuriyada Somaliland Ee Ka Gudbay Xuduudka Wajaale?
(Hadhwanaagnews) Sunday, September 18, 2011
Taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka Gabilay Mr. Maxamed Cabdi Gaas ayaa sheegay in illaa hadda marka la´eego qiyaata dadka sharci darrada ku jooga Somaliland ee ka gudbay Xuduudku Itoobiya ay dhan-yihiin qiyaastii wax aan ka badneyn Boqolkiiba
Hargeysa(HWN) - Taliyaha laanta socdaalka ee Gobolka Gabilay Mr. Maxamed Cabdi Gaas ayaa sheegay in illaa hadda marka la´eego qiyaata dadka sharci darrada ku jooga Somaliland ee ka gudbay Xuduudku Itoobiya ay dhan-yihiin qiyaastii wax aan ka badneyn Boqolkiiba laba, (2%).
Sidaa waxa uu Taliyuhu ku sheegay mar uu waramayey qaar ka mida Saxaafada ayaa waxaa uu tilmaamay in marka la eego in kasta oo qiyaasta guud ay kooban-yihiin dadka ka baxay Somaliland tan iyo maalintii lagu dhawaaqay haddana ay maalinba maalinta xigta kordhayaan. Weli waxaanu ku jirnaa wacyigelintii aanu ka wacyigelinaynay dadka ajanebiga ah ee dalka ku sugan siddii ay isa-ga bixi lahaayeen. Ajanebiga dalka jooga way shaqeeyaan oo waxyaabaha ay qabtaan waxa ka mid ah beeraha way ka shaqeeyaan, Xoolaha way ka shaqeeyaan iyo waxyaabo kale oo kala duduwan doraad, (Arbaca) waxaanu kormeer ku soo marnay oo aan ka baxnay Wajaale oo aan uga sii gudubnay Geed-balaadh. Alley-baday, Fara-weyne, Dhaboolaq, halkaas ayaanu ka galnay Abaarso, Salaasadii waxaanu ku jirnay laameyda iyo wixii ka hooseeya markaa annagu gobol ahaan (Gabiley) dadka meel wanaagsan ayaanu isla mareynaa waxaanan ku rajo-weynahay inay ku baxaan (Ajanebigu) mudadii loo cayimay. Sidaas ayuu yidhi Taliyaha waaxda Socdaalku, waxaana uu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su´aal la xidhiidha illaa maalintii la iclaamiyay go´aanka Xukuumadda Somaliland, tiradda dadka baxay oo uu yidhi. "Way isa soo tareysaa marka laga bilaabo maalintii iclaamka la sameeyey maalintii ka danbeysayba waxa dalka ka baxay 25-qof oo ajanebiya maalin walba waxa kor u sii kacaya bixitaanka dadka maanta oo kale (Khamiis) in ka badan 200 oo qoys oo ajanebi ahi way baxeen. Ayuu yidhi, waxana uu intaas ku daray oo uu yidhi. Waxaan rajeynayaa inay arrintaasi guul-wanaagsan ku dhamaan doonto kaantaroolidda dadkana aanu kasban doono, dadka baxayaa aad ayey u socdaan marka aynu u eegno qiyaas ahaan tirada dadka ajanebiga ah ee dalka ku jira waxa baxay kama badna %2 (Boqolkiiba laba)
Taliyaha oo ka jawaabayey suaal ahayd dadka ajanebiga ah ee dalka ka baxay haddii ay dib u soo noqdaan waxaa waaxda socdaalka uga meel-yaalla iyo qaababka ay dadkaas ku garan karraan. Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi Laanta socdaalku waxay leedahay siyaabo baddan oo ay dadka ku garto ..waanay noo fasaxan tahay wax kasta oo aanu ku ogaan karno inuu qofku yahay Somalilander ama sida dhabta ah ee aan u ogaan karno qofku halka uu ka soo jeedo waa wax noo furan, farsamo ahaana qofna shaqadiisa looma tilmaamo oo waa shaqo socdaal. Dadka imika waddanka laga saarayaana maaha dad soo noqonaya. Waxaana uu intaas raaciyay oo uu yidhi isaga oo ka hadlaya hawsha ay qabtaan waax ahaan. Annagu hawlahayagu waa hawlo socdaal (Immigiration) oo dhameystiran, wixii dalka soo galaya oo aanu joojino iyo wixii ka baxaya oo aan joojino (Control).
waxaa kalle oo uu jawaab ka bixiyay doorka ay ku leeyihiin arrimaha koontarabaanka ah.Markii hore iyo imikaba way jiraan dad soo galaya iyo alaab badan oo la soo galinayo dalka iyo wax baddan oo ka baxaya muhiimadu waxa weeyaan wixii soo galayana waa inaynu celinaa waxa baxayana la baadho.
Taliye Maxamed Gaas waxa kalle oo aanu su´aal ka weydiinay, dhibaatooyinka dadka reer Somaliland ee ku socda dalka Ethiopia ay kalla kulmaan xuduudeedka dhanka Itoobiya ee Wajaale, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhiWaxa la goaansaday in labada dal Somaliland Iyo Ethiopia sifo sharciya la isugu talaabo oo ciddii ka imaneysa Ethiopia waa inay sitaan Basaboorkoodii oo fiisaysan, inaguna marka aynu u talaabeyno Ethiopia waa inaynu sidanaa basaaboorkeena iyo fiisaheena sidaasi marka ay jirto wax dhibaato ah oo dhacayaa ma jirto, laakiin haddii ay iyaguna tahriib inoogu yimaadaan waynu celinaynaa, innaguna haddii aynu tahriib ugu tagno way na soo celinayaan laakiin qofku marka uu sito sharicigiisii iyo basaboorkiisii haddii gudaha Ethiopia lagu qabto waanu tagi karnaa oo waanu kala hadli karnaa oo wax dhibaato ahi ma jiro, taasi waa nidaam caalami ah
Taliye Maxamed Gaas oo ka jawaabayey waxyaabaha ay kalla kulmeen kormeerka uu sheegay inay ku mareen deegaanada Geed-balaadh. Alley-baday, Fara-weyne,Dhaboolaq iyo Abaarso, waxa uu ku jawaabay ooo uu yidhi Waxyaabaha iigu layaabka baddan ee aan soo arkay waxa ka mid ahaa tusaale ahaan Magaalada Arabsiyo iyo deegaanadeeda ayaa ah meelaha ay ugu xooga badan yihiin (Ajanebigu), waxyaabaha ay ii sheegeen maa-mulka degmada Arabsiyo waxa ka mid ahaa inay jiraan shan nin oo Oromo ah oo maalintiina Duurka gala ha-beenkiina Magaalada soo gala oo waxay doonaan sameeya, oo waxaan ogaaday meelaha qaarkood inay dadka ajanebiga ah ay dadka muwaadiniinta ahi ka baqdaan, waxaanan ogaaday inaan dadku baxa oo kaliya ku bax-ayn, laakiin anaga oo tagna mooyaane.
Mar uu ka jawaabayey su´aal la xidhiidha sababta uu is leeyahay waxay keentay in wakhtigan xukuummada Somaliland tidhaahdo dadka ajanebiga ah ee ku sugan Waddanka gudihiisa ha baxeen. Waxana uu ku jawaabay oo uu yidhiKolay mar walba waxa la qaadaya talaabo, oo marwalba wax ayaa inoo kordhaya,waynu ognahay oo dadku isku dhaqan maaha, oo waynu ognahay heerka ay nabadgelyadu taagan tahay waynu ognahay dhaqaaluhu sida uu yahay oo marwalba talaabo ayaa jirta oo dhinicii dhaqaalaha wax baddan ayaa kaga maqan, tusaale ahaan waxa lagu qiyaasaa inay dalka ku sugan yihiin 90,000 (Sagaashan Kun oo ajanebiya) oo ah dadkan aynu maanta leenahay ha inaga bax-aan, haddii ay dadkaasi 10,000 sifo sharci ah ku soo hadhaan oo sanadkii qofka dalka jooga waxa uu ku joogaa $300 Dollar, miyaanay tobankaa kun dhaqaale ahaan noqonayn Sadex million, waa meelaha aynu doonayno in-aynu dhaqaalaha waddanka ka eegno, nabadgelyada u wanaagsan inaynu ka eegno, dhaqanka u wanaagsan inaynu ka eegno waa waxyaabaha aynu u baahanay inaynu maalinba wixii aynu talaabo qaadi karno ee marka hore inaga dhinaa aynu ku siqno, tanuun maaha ee waxyaabo baddan ayaa u baahan in la hindiso.
Jamhuuriyada Somaliland 4 Septmber 2011 soo saartay go´aan dadka ajinabiga ah ee sharci darrada ku jogaa loogu qabtay inay muddo Bil gudeheed ah kaga baxaan dalka.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland