Ya allah give the mother jannatul-fardos and protect her 5 children. Amiiiiiiiiiin
Janaalle – GMN – Hooyo Aamina Xuseen Xasan isla markaana leh shan caruur ah ayaa shalay gelinkii dambe waxaa lagu fuliyay xukun qisaas ah oo dhagax lagu dilayo, waxaana xukunkaasi oo ay qaaday maxkamad ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose, iyadoo haweeneydaasi lagu eedeeyay inay ka tagtay ninkeeda isla markaana guursatay wiil 25-jir ah laguna magacaabo Aweys Daa’uud Nuur, kaasi oo lagu xukumay 100-Karbaash bacdamaa sida la sheegay aanu horay u guursan.
Boqolaal dadweynaha degmada Janaale oo lagu khasbay inay ka soo qeyb galaan daldalaada haweeneydaasi ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sharci ahayn isla markaana dembiga haweeneydaasi loo cuskaday dilkeeda aanay waxba ka jirin, halka culumaa’udiinka Janaale ay sheegeen in xukunka Shabaab uu yahay mid aad loola yaabay oo marnaba aan macquul ahayn.
Dilka haweeneyda shanta caruurta ah leh oo Shabaabka Janaale ay ku fuliyeen ayaa qaar ka mid ah eheladeeda waxay si weyn uga xumaadeen xukunka lagu fuliyay, iyagoona sheegay in ninka sheegay inuu horay u qabay ay kala tageen caruurtana ay isaga u dhashay.
Ehelada haweeneyda ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ninka maseyr uu ka qaaday wiilka ay guursatay awgeed uu dacwad u gudbiyay maamulka Shabaab ee degmada Janaale, isagoona ku andacooday inay ka tagtay, isla markaana iyadoo aan la furin ay aroostay nin kale inkasta oo ehelada haweeneyda la dilay qaarkood ay isaga barakaceen degmada Janaale.
Falkan naxdinta leh, ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed soo xasuusay fal midkan la mid ah oo Gabar yar ay Shabaabka Kismaayo dhagax ku dileen, taasi oo ay si weyn uga wada xumaadeen Shucuubta Adduunka.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com




