Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by XimanJaale »

Image
Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya oo ka tirsan beelaha Sade oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir ku laheyd qad Teleefan oo laga soo galay daafaha adduunka ayaa sheegtay inuusan jirin haba yaraadee wax la yiraahdo Ugaas guud oo ay beesha la wadaagto beel weynta Sade.

Waxgaradka Xasan Gaashireedle oo isugu jira aqoon yahano rag iyo dumarba leh, siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo oo beryahaanba uu shirar isdaba joog ah uga socday qad Teleefan ayaa maanta baaq wada jir ah kasoo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Dhinacyada dhaqanka, siyaasadda, nabad-gelyada, iyo abaarta ba’an ee gobolka Gedo ka jirta.

DHANKA DHAQANKA
Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya ayaa waxay daboolka ka qaaday in uusan jirin haba yaraatee wax la yiraahdo Ugaas guud oo ay beeshu la wadaagto beel weynta Sade ee reer Gedo, balse Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle ee dalka Soomaaliya uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, kaasoo sanadku markuu ahaa 1999 ay beeshu si wada jir ah u dooratay looguna caano shubay Tuulada Golweyn ee gobolka Gedo, mar kalena si cad loogu xusay bayaan kasoo baxay shirweynihii beesha Reer Yuusuf ee socday May 31-June 11, 2007 ee ka dhacay Tuulada Daabley ee gobolka Gedo in shaqsiga dhanka dhaqanka ugu sareeya beesha Xasan Gaashireedle uu yahay Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow (Guji halkaan si aad u aragto baaq ay horay usoo saartay beel ka mid ah beel weynta Xasan Gaashireedle.)

Si ay u suurtagasho wada shaqeyn hufan oo dhex marta Ugaaska beesha Xasan Gaashireedle iyo oday dhaqameedyada kale, waxay beeshu isku raacday in ay haboon tahay in ugaaska dib loogu caano shubo, ayada oo xafladda caano-shubkiisana ay kasoo qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha dariska la ah Soomaaliya, oday dhaqameedyada gobolka Gedo iyo kuwa ka howl-gala gobolada deriska la ah gobolka Gedo.

Waxgaradka bayaankaan soo saaray ayaa sheegay in goorta, waqtiga, iyo madasha shirweynaha dib loogu caano-shubayo Ugaaska guud ee Xasan Gaashireedle Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow dib laga soo sheegi doono.

Dhanka kale, beesha Xasan Gaashireedle ayaa waxay si diiran usoo dhaweyneysaa bayaankii dhawaan ay beesha Talxe soo saartay kuna sheegtay in ay beesha gooni u leedahay hogaan dhaqameed, kaasoo ah Ugaaska guud ee beesha Ugaas Cabdi Buule Xasan Dabac (Guji halkaan si aad u aragto baaqa beesha Talxe.)

Qodobada kale ee ay beesha bayaankooda ku xuseen waxaa ka mid ahaa:

DHANKA SIYAASADDA
Beesha Xasan Gaashireedle waxay ka xun tahay in Siyaasadda Soomaaliya ay noqotay mid sal dhigi weysay, taasoo qarankii Soomaaliya u horseeday bur-bur baaxad leh oo dhan walba leh, sidaas awgeed; waxay beeshu ugu baaqeysaa dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u turaan shacabkooda dhibaateysan, iskuna dayaan in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha jira, isla markaana loo helo hanaan dowli ah oo ku dhisan cadaalad iyo garsoor dhab ah oo loo siman yahay.

DHANKA NABAD-GELYADA
Si loo helo nabad waarta oo ka dhalata geyiga Soomaaliyeed, Beesha Xasan Gaashireedle waxay ugu baaqeysaa dhamaan kooxaha kala fekerka duwan ee ku loolamaya sidii ay qolo walba u hanan laheyd majaraha mamulka Soomaaliya in ay isfahan waaga ka dhaxeeya ku xaliyaan wada hadal, ayna ogaadaan inuusan xalku ku jirin qori caaradiis iyo in wax la dilo ama wax la bur-buriyo.

DHANKA ABAARTA
Beesha Xasan Gaashireedle waxay ugu baaqeysaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka Gedo iyo guud ahaan cid kasta oo uu ku jiro damiir bani’aadan-nimo in ay gurmad deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo ee la’il daran dhibaatada kasoo gaartay abaarta ba’an ee ku dhufatay qaar ka mid ah Koofurta Soomaaliya oo ay waliba wehliyaan barakacayaal naftooda kala soo cararay gobolada Bay iyo Bakool ee hadda ku sugan gobolka Gedo.

Baaqaan waxaa si wada jir ah usoo saaray waxgardka beesha Xasan Gaashireedle ee uu magacyadoodu yahay midka hoos ku xusan:
01. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow (Ugaaska guud ee beesha Xasan Gaashireedle)
02. Nabadoon Cali Xandule Caddow (Ku xigeenka Ugaaska guud ee beesha Xasan Gaashireedle)
03. Nabadoon Macalin Aden Cabdi Geesey
04. Suldaan Aden Xuseen (Aden Gaab)
05. Nabadoon Maxamed Mursal Aden (Irbey)
06. Nabadoon Cali Cabdi Xasan (Cali Madaxey)
07. Nabadoon Maxamed Sh. Cali Nuur
08. Caaqil Ismaaciil Cumar Macalin (Ismaaciil Afweyne)
09. Nabadoon Cabdi Macalin Muxumed (Madaxey)
10. Nabadoon Bashiir Macalin Cabdulahi (Bashiir Amxaar)
11. Nabadoon Maxamed Yacquub Xasan
12. Nabadoon Dhaqane Xasan Yarow (Ila-goo)
13. Nabadoon Bare Ismaaciil Muxumed (Bare Qabeyste)
14. Nabadoon Macalin Aden Dhiire
15. Nabadoon Bilow Cabdi Xaad
16. Nabadoon Mahad Macalin Cusmaan
17. Nabadoon Xuseen Cabdulqaadir Muxumed (Xuseen Dheere)
18. Nabadoon Xasan Daahir Xasan (Garab-roor)
19. Nabadoon Saney Nuur Xiirey
20. Nabadoon Cusmaan Cawir Cabdi Kaabey
21. Nabadoon Xuseen Cilmi Nuur (Xuseen Cawil)
22. Nabadoon Xuseen Aden Xasan (Xuseen Ganey)
23. Nabadoon Muxumed Daahir Cabdule
24. Nabadoon Cabdulahi Abuukar Duurow
25. Nabadoon Muxumed Afey Faarax
26. Nabadoon Muxumed Baraaki Xaydar
27. Nabadoon Bakaal Aden Geesaale
28. Nabadoon Mataan Aden Faarax
29. Nabadoon Cali Yare Xasan
30. Nabadoon Isaaq Xareed Sharmaake
31. Nabadoon Maxamed Xaaji Axmed Colujoog
32. Nabadoon Muxumed Cabdi Salaad Duqow
33. Nabadoon Axmed Jimcaale (Kaaradile)
34. Nabadoon Maxamuud Aden Taamboy
35. Nabadoon Faarax Cabdulahi Garmadow
36. Sh. Axmed Ismaaciil Xaaji (Gees-diir)
37. Xildhibaan Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab)
38. Xildhibaan Hilowle Aden Guumow
39. Col. Xasan Daahir Yarow (Xasan Dheere)
40. Col. Cusmaan Xaaji Axmed
41. Cabdi-yare Daahir Xasan (Garab-roor), Guddoomiye-ku-xigeenka jaaliyadda beesha Sade ee Koofurta Suudaan.
42. Faarax Cabdulahi Abayle (Faarax Rooti)
43. Maxamed Xuseen Cusmaan (Afmaran-diid)
44. Faarax Ilyaas Aden
45. Diiriye Cabdulahi Irbad
46. Dr. Shire Cabdi Maxamed (Shire Caley), Guddoomiyaha beesha Sade ee dalka Ugandha.
47. Mukhtaar Kaamil Kuulow
48. Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
49. Axmed Macalin Faarax
50. Shaakir Maxamuud Ibraahin
51. Axmed Sh. Cali Nuur
52. Bashiir Maxamed Cali (Bashiir Galey)
53. Cusmaan Maxamed Cali (Shuqaale)
54. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe)
55. Diyaad Cabdi Kaliil
56. Muuse Sh. Cali Nuur
57. Xuseen Ibraahin Isaaq
58. Maxamed-weli Aden Gaab.
59. Maryan Sh. Cali Nuur
60. Cabdulqaadir Bile Aden
61. Cali Macalin Faarax.
Bayaankaan waxaa lagala xariiri karaa saddexda nin ee hoose:
Col. Xasan Daahir Yarow
Wakiilka Ugaaska Xasan Gaashireedle ee dalka Kenya
Tel. 254-713-476-030
Nairobi, Kenya
Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
Madaxa Guddiga Farsamada Beesha Xasan Gaashireedle
Cleveland, Ohio (USA)
Tel. 216-258-2700
xalane161@hotmai.lcom
Axmed Sh. Cali Nuur
Tel. 476-211-0292
Oslo, Norway
Intresting, more sub-clans of Beesha Sade are rejecting 'Ugaas Guud'. They are all creating their own ugaas. First it is was Beesha Talxe Amaanreer and now is Beesha Xasan Gaashireedle. I wonder which sub-clan will be next? I see a pattern...all the Reer Guri's are rejecting 'Ugaas Guud'.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by Voltage »

Looks like internet blabber. If the reer Xassan Gaalshireedly are rejecting the Ugaas Guud they could do that in Gedo where they sit with the other traditional heads. They don't need notions of "qadka telefoonka" and online piece from Cleveland speaking for them.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by XimanJaale »

Voltage wrote:Looks like internet blabber. If the reer Xassan Gaalshireedly are rejecting the Ugaas Guud they could do that in Gedo where they sit with the other traditional heads. They don't need notions of "qadka telefoonka" and online piece from Cleveland speaking for them.
No this is not fake at all. Look at the list of people, they are all respected figures of Beesha Xasan Gaashireedle.

Go call Gedo and ask around.
User avatar
DropkickMurphy
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 822
Joined: Sat Jul 02, 2011 9:13 pm
Location: Xaafada Iskufilan

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by DropkickMurphy »

Somalida iskama qabtaan divisive ignorant old men. Imagine Abdirisak-22 in a position of power.
abdirisak22
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 495
Joined: Tue Aug 07, 2007 6:01 pm
Location: Buurdhuubo - greater Gedo region of Somali republic.

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by abdirisak22 »

DropkickMurphy wrote:Somalida iskama qabtaan divisive ignorant old men. Imagine Abdirisak-22 in a position of power.

none taken bro, we might differ in many issues. however, i would never deny your precious dignity and human rights like some our past leaders and i am sorry you had been victimized in past in our homeland and remeber you are not alone.
Last edited by abdirisak22 on Wed Sep 21, 2011 12:19 am, edited 2 times in total.
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by XimanJaale »

I support this new trend!

For the last decades we have been all over the place, if all sub-clans have ugaas it will bring order and kala dambeyn. :up:

I am waiting for Beesha Ina Nuur to appoint their Ugaas.
abdirisak22
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 495
Joined: Tue Aug 07, 2007 6:01 pm
Location: Buurdhuubo - greater Gedo region of Somali republic.

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by abdirisak22 »

Voltage wrote:Looks like internet blabber. If the reer Xassan Gaalshireedly are rejecting the Ugaas Guud they could do that in Gedo where they sit with the other traditional heads. They don't need notions of "qadka telefoonka" and online piece from Cleveland speaking for them.
Voltage
son: i dont understand what is eating you inside, dont forget people have a right to elect their leaders.......Marehan is too big to be led by one or 2 ugaas, there has never been a unified leadership of beesha.

to tell you the truth the present ugaas ship of Rer Dini stand interest of rer Diini jifo only and dont tell me otherwise, it is about the time u accept other jifo to handle what your rer abti failed.
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by grandpakhalif »

Ugas of Garaad has given beyca to mujahideen 8-)
User avatar
Garbo_Gedo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1138
Joined: Sun Mar 29, 2009 10:42 am
Location: Gedo, Baladki Amiirada

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by Garbo_Gedo »

abdirisak22 wrote:
Voltage wrote:Looks like internet blabber. If the reer Xassan Gaalshireedly are rejecting the Ugaas Guud they could do that in Gedo where they sit with the other traditional heads. They don't need notions of "qadka telefoonka" and online piece from Cleveland speaking for them.
Voltage
son: i dont understand what is eating you inside, dont forget people have a right to elect their leaders.......Marehan is too big to be led by one or 2 ugaas, there has never been a unified leadership of beesha.
to tell you the truth the present ugaas ship of Rer Dini stand interest of rer Diini jifo only and dont tell me otherwise, it is about the time u accept other jifo to handle what your rer abti failed.
That clearly proves the fact you are not Marehan and know nothing of the history of the people you are claiming. For us the noble Sade, Ugaas stands for soomething significant and without him our existence would have been at stake. Sheegato, at least if you want to claim us, first overcome the ignorance that shadowed your insignificant brain and ASK us the noble before you make an ignorant statement.
abdirisak22
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 495
Joined: Tue Aug 07, 2007 6:01 pm
Location: Buurdhuubo - greater Gedo region of Somali republic.

Re: Beesha Xasan Gaashireedle rejects 'Ugaas Guud'

Post by abdirisak22 »

Garbo_Gedo wrote:
abdirisak22 wrote:
Voltage wrote:Looks like internet blabber. If the reer Xassan Gaalshireedly are rejecting the Ugaas Guud they could do that in Gedo where they sit with the other traditional heads. They don't need notions of "qadka telefoonka" and online piece from Cleveland speaking for them.
Voltage
son: i dont understand what is eating you inside, dont forget people have a right to elect their leaders.......Marehan is too big to be led by one or 2 ugaas, there has never been a unified leadership of beesha.
to tell you the truth the present ugaas ship of Rer Dini stand interest of rer Diini jifo only and dont tell me otherwise, it is about the time u accept other jifo to handle what your rer abti failed.
That clearly proves the fact you are not Marehan and know nothing of the history of the people you are claiming. For us the noble Sade, Ugaas stands for soomething significant and without him our existence would have been at stake. Sheegato, at least if you want to claim us, first overcome the ignorance that shadowed your insignificant brain and ASK us the noble before you make an ignorant statement.
:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”