Is badal aan caadi ahayn ayaa lagu sameeyey Ciidamada Xarakada alshabaab ee gobolka Gedo, iyadoo deegaano ka tirsan gobolkaasina dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Ciidamadaasi.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Xarakada alshabaab oo ka kala yimid gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan ayaa soo gaaray gobolka Gedo kuwaasoo lagu badalay ciidamadii kale Alshabaab ee horay ugu sugnaa gobolkaasi.
Waxaa la sheegay Ciidamadii hore Xarakada alshabaab gobolka Gedo in la badalay si ay u soo nastaan maadaama muddooyinkii ugu danbeysay ay la kulmeen dagaalo xariir ah oo ay la galeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Dagaal yahano ku hubaysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay maantay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaan Baardheere iyo duleedka Ceelwaaq ee gobolkaasi.
Ugu danbeyntii waxaa cabsi xoogan ka jirtaa in ciidamadani cusub ee lagu badalay ciidamadii hore in ay holciyana dagaal culus si ay dib ula wareegaan degmooyinka horay ay ula wareegeen Ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo kuwa ahlusunna Waljamaaca.
Maxamed Cabdi Yuusuf, Muqdisho/Somalia.
