Walle Puntland are bitcheswaxaa guud ahaan dalka Soomaaliya ka soconaya Imtixaano loogu tartamayo Deeqo Waxbarasho oo dawladda Turkigu ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed, waxana Imtixaanadaas laga soo qaaday Ardaydda waxbarata Koonfurta Soomaaliya iyo Magaaladda Hargaysa, waxana uu hada ka soconaya magaaladda Gaalkacyo iyada oo diyaar garow xooglehna ay ku jiraan Ardaydda Garoowe oo la filayo in uu Sabtadda ka bilawmo
Deeqahan waxbarasho ayaa isku jira Heer Jaamacadeed iyo Dugsiyo sare waxaa ay Ardaydani wax ka baran doonaan dalalka Turkiga, Masar iyo Suudaan waxana ay Dawladda Turkigu balan qaaday in ay daboolayso dhamaanba Baahiya Ardaydani inta ay waxbaranayaan
Deeqahaas waxbarasho ayaa gabi ahaanba laga qadiyey Ardaydda SSC oo aysan jirin haba yaraatee wax ay DFKM ahi ugu talo gashay, waxana niyad jab ay Ardaydani kala kulmeen magaaladda Garoowe ka dib markii Cabdi Faarax Juxa uu u diiday Arday SSC in ay isdiiwaangaliyaan oo ay Imtixaanka loogu tartamayo Deeqda waxbarasho ee Turkiga ay galaan, waxa uu Juxa bilaabay in uu liiska ka saaro Ardaygii sheegta in uu ka soo jeedo Sool iyo Cayn
Ardaydan oo muddo meehanaab iyo iska daba wareeg ku jiray ayaa kolkii danbe ku soo laabtay magaalooyinkii ay ka tageen inkasta oo tiro yar lana jifiyo ah Shakhsiyaadka Xilalka u haya Faroole ay ku sugan yihiin Garoowe kuwaas oo rajo yar ka qaba in ay Imtixaanka galaan oo Juxa ay ka Mustafeeyaan Xubnaha Faroole u shaqeeya
Xiligan la xaqiray Ardayda SSC ee laga qadiyey Deeqdan waxbarasho ee Turkiga waxa Wasaaradda Waxbarashadda ee Soomaaliya Maamulkeeda haya ragg ka soo jeeda SSC, Wasiirka Dr Axmed Caydiid Ibraahim iyo Agaasimaha Guud Muuse Faarax Xayd ( Muuse Dari) ayaa labaduba ka soo jeeda SSC, waxase Bulshadu ay isweydiinaysaa sababta ay cagta hoosteeda u galiyeen Ardayda SSC xili ay Waqooyiga Gaalkacyo u Ogolaadeen 400 Arday kuwaas oo isku jira Jaamacad iyo Dugsi Sare iyaga oo fulinaya amarka Raysulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Gaas, waxase loo balaynayaa in xaqii Ardayda SSC ay dhaafsadeen Kuraastooda


