NewYourk:"Waxaan Waqti badan u fadhiyey oo aan ku qado seegay Khudbadii Madaxweynaha Iiraan, Waana Been inaan khudbada Madaxweynaha ka baxay"Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.
26. september 2011
APL
NewYourk:(Allpuntland)-Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo kamid ah Madaxda dunida ee ka qaybgalaysa Shirweynaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay qodobadii kasoo baxay Shirkaas Iyo Sida ay dadka Soomaaliyeed faa'iido ugi noqon karaan, Waxaana uu sheegey in Shirkaasi uu ahaa mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed islamarkaasna ay kasoo bexeen qodobo muhiim ah.
Dr.Gaas Wuxuu Dhanka kale soo hadal qaaday warar been ah oo ay qureen qaarkamid ah Jiriiradaha Caalamka oo sheegey in Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo ergadii la socotay ee ka qaybgashay shirkii Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay guud ahaanba shirkaas ka bexeen markii uu khudbaynayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan Maxamuud Axmedii Nejad kaasoo khudbadiisii ay ka bexeen intabadan wadama reer galbeedku, Wuxuuna Mr.gaas sheegey in ay taasi been abuur laga sameeyey dalkiisa ay tahay islamarkaasna uu warkaas beeninayo.
"Ergadii aniga ila socotay ee shirka Golaha loo dhanyahay ka qaybgalay way dhagaysteen hadalkii madaxweyne Axmed Najaad, Waxaanu Waqti badan u fadhinay oo weliba waqtigii qadada aanu sugaynay hadalka Madaxweynaha Iiraan.... Xataa waanu ku qado seegnay... Waxaanu sidoo kalena dhagaysanay Hadalkii ka danbeeyey ee Ra'iisul Wasaaraha Turkiga, Marka Warkaasi waa been waxna kama jiraan wadamadii nala fadhiyey qaarkood baa kacay iyo deriskayagiiba laakiin Annagu waanu dhagaysanay kamana aanan bixin khudbadaas"Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Gaas oo la hadlay idaacada codka Maraykanka.
Cabdiqani Xayir


