Oromos deportation continues

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Oromos deportation continues

Post by The_Emperior5 »

Madaxda Dawladda Iyo Cid Kale Toona Lagu Ixtiraami Maayo Inay Guryahooda Kuwa Jooga Laga Tago Way Baxayaan Dhamaan Ajanabiga Dalka Sida Sharci Darada Ah Ku Soo Galay” Agaasimaha Guud Ee W/Arrimaha Gudaha

Hargeysa, September 26, 2011 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ku dhawaad 6,000 qof oo ka mid ahaa Ajaanibkii sharci darada ku joogay dalka ay labadii todobaad ee u dambeeyey ka baxeen dalka kadib markii xukuumaddu ku amartay inay muddo 30 maalmood ah ay dalka kaga baxaan dhamaan Ajnabiga Sharci darada ku joogay dalku.

Hase yeeshee Muddadii dadka sharci darada ku joogay dalka loo qabtay oo ay hadda ka hadhsan tahay muddo ka yar todobaad ayaa hadana wali aanay fari ka qodnayn tirada dadkaasi ee Caasimada dalka ee Hargeysa ku sugan, iyadoo wali lagu arkayo suuqyada iyo xaafadaha kala duwan ee Caasimada Ajaanib koox koox u socda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha C/laahi Xuseen Cige (Black) ayaa sidoo kale beeniyey inay jiraan Masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo damacsan inay waraaqo u sameeyeen Ajaanibka guryahooda u ilaaliya, isla markaana uga shaqeeya Beeraha ay ka dhex samaysteen, iyadoo aanu jirin ilaa hadda Masuul kaliya oo ajnabiga guryahooda jooga dalka ka saaray, balse ay wali ku sugan yihiin guryahooda gaarka ah.

Agaasimaha Wasaarada Arimaha Guduhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay waraysi xafiiskiisa ku siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta dalka.

“Tirada aanu ilaa hada hayno ee dalka ka baxday dadkii sharci darada ku joogay dalku waa ilaa 5,000 ilaa 6,000, kuwaas oo baxay 15-kii cisho ee ugu horeeyey maalintii lagu dhawaaqay inay dalka ka baxaan, inkasta oo xadkeenu uu dheer yahay hadana wararka aanu ka soo ururinay meelaha inta badan dalkeena laga soo galo ee lagana baxo waa 5,000 iyo dheeraadkaas oo baxay labadii todobaad ee ugu horeeyey, imikana waad dareemi karaysaa sida ay wali u socdaan, isla markaana ay caasimadda looga dareemay culays badani inuu ka dagay”.

Agaasimaha guud ee daakhiliga C/laahi Xuseen Cige(Balaaki) mar uu ka hadlayey halka uu marayo Baaqii ay ka soo saareen dadka Ajanabiga ah ee dalka sharci darada ku jooga, waxa uu yidhi “Baaqii xukuumadda ee dadka Ajaniga ah ee dalka ku sugani ilaa hada si wanaagsan ayuu u socdaa, isla markaana dad badanina dalka ayey si nabad galyo ah uga baxeen oo Ajiibay go’aankii ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, inta hadhay ee ku hadhayna waxa aanu faraynaa inay dalka si dhakhso ah uga baxaan ka hor mudada loo qabtay, qofkasta oo Ajaanib ah oo sharci daro dalkan ku joogaa dalka waa inuu kaga baxaa mudadii loo qabtay ka hor, Cidii mudadaa loo qabtay kaga bixi wayda waxa laga qaadayaa talaabo sharciga Waafaqsan”.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Daakhiliga C/laahi Balaaki mar la waydiiyey inay xoog u adeegsanayaan cidii ka bixi wayda iyo in kale, waxa uu yidhi “Xoog ku saar maaha arintu, cid xoog lagu saarayaana ma jirto laakiin cidkasta oo dalka Sharci daro ku joogaa waxa uu mudanayaa Ciqaabta sharciga dalka u yaalaa uu u ku xukumay dadka sharci darada ku soo gala dalka”.

C/laahi Balaak mar wax laga waydiiyey waxa laga yeelayo dadka Ajanabiga ah ee jooga guryaha Madaxda dawladda sida wasiirada iyo wixii la hal maala, waxa uu yidhi “Madaxda dawladda iyo cid kale toona lagu ixtiraami maayo inay guryahooda kuwa jooga laga tago way baxayaan dhamaan Ajanabiga dalka sida sharci darada ah ku soo galay. Qof aan sifo sharciya dalka ku joogin oo halkan waraaqo loogu samaynayaana ma jiro, mana qurux badna in madaxda la yidhaahdo waxay diidan yihiin in la celiyo Ajanabiga guryahooda jooga. Waxa jira shaqooyin badan oo dadkeenu aanay qaban oo Ajanabigaasi gacanta ku hayeen, meel walbana way joogaan Masuuliyiin uun maaha oo Hutelada ayey ka shaqeeyaan, Beeraha ayey ka shaqeeyaan oo baabuurta ayey wadaan. Ma jirto Masuul ama cid laga aqbalay oo noola timid inay guryahooda u joogaan Ajanabiga sharci darada dalka ku joogaa”.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Oromos deportation continues

Post by The_Emperior5 »

Go back to your Xabashi land

out out out out of Somaliland right now


well done Somaliland government




when i come to hargeysa in a few months i dont want to see a single dhako laxoox running around and begging nacala wasiirtini hore ku taal
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Oromos deportation continues

Post by The_Emperior5 »

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Markii U Horeysay Shaaca Ka Qaaday Tirada Rasmiga Ah Ee Ajaanibka Ilaa Hadda Dalka Ka Baxay, Digniin Kama Dambeysana U Diray Qofkii U Hogaansami Waaya Go’aankeeda.
posted by: Bidaar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shaaca ka qaaday tiradda rasmiga ah ee ajaanibka illaa hadda Dalka ka baxay, waxaanay digniin culus u dirtay Wasaaraddu dadka sii jooga Waddanka ee Ajaanibka ah, oo ay sheegeen in haddii ay si dhakhso ah uga bixi waayaan ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo la xidhiidha iska dhergo tirka go’aanka Xukuumaddu ay dalka kaga saarayso.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa beenisay warar la isla dhex marayey oo sheegayey in Sharci ay dalka ku joogaan loo sameynayo ajaanibka ka dhex shaqaysta dalka, kuwaas oo la sheegay in dadka ay u shaqeeyaan ay u ololaynayaan sidii ay ugu sameyn lahaayeen Sharci ay kula sii joogaan oo ay ugu sii shaqeeyaan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo shalay xafiiskiisa ugu waramayey Wargeysyada Saxansaxo iyo Haatuf ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono ciddii qarisa qof sharci darro dalka ku jooga, waxaanu tilmaamay in ay illaa hadda si wanaagsan dalka uga baxayaan, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Arinkaa Dawladdu soo saartay ee Dadka Dalka ka baxaya ilaa hadda si wanaagsan bay u socdaan dad badanina dalkay ka baxeen, iyaga oo nabad qaba oo ajiibay go’aankii Xukuumaddu soo saartay, inta hadhayna waxaau filaynaa in ay ka bixi doonaan ka hor mudada loo qabtay ka hor, cidii mudadaa ka bixi wayda waxa la qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan, qofkii mudadaa loo qabtay ku bixi waayana waxa uu mudan doonaa cawaaqib xumo kaga iman doonta sharci darrada uu dalka ku joogo, tirada rasmiga ah ee ilaa hadda baxdayna waa shan kun iyo dheeraad aanay ku jirin inta aanu hayno, waxaana jira qaar ka baxay xuduudaha dhinacyada kale”.
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadlayey warar sheegayey in la sameeyey guddi diiwaangelisa dadka sharci darrada dalka ku jooga, waxa uu yidhi “Wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, qofka kasta oo sharci darro dalka ku jooga ama masuul ha u shaqeeyo ama cid kale ha u shaqeeyo ee wuu ka baxayaa, qof aan sifo sharciya ku joogin oo waraaqo loo sameynayaa ma jiro, waxa jira shaqooyin badan oo ay dadkeenu qaban jirin oo ay iyagu gacanta ku hayaan ayaa jira, wuxuu doono ha ahaadee dalka wuu ka baxayaa”.
Agaasimaha oo ka hadlayey dhinaca isku socodka Itoobiya iyo Somaliland oo la sheegay in uu yara adkaaday, waxa uu yidhi “Itoobiya waa Dal aynu jaar nahay oo aynu saaxiibo nahay dadka dalka ku dhaqanina labada dhinacba way degaan, wax dhibaato ah oo dadka kaga yimid dhinaca isku socodku ma jirto, dadkan baxayaana hadhaw aayar dadka iskuma soo gali karaan oo sifo sharci ah ayaa loo sameeyey, Degmooyin iyo Tuuloyinka Xuduuda ku yaala, iyagaana wixii isku gudbaya ka wada shaqeeya”.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Balaaki oo ka hadlayey arrimo dhinaca Amniga ku sabsan waxa uu yidhi “Dhaqdhaqaaqa dhinaca Amaanka ee aanu wadno wuxuu ka mid yahay adkaynta Nabadgelyada, nimanka la qabtay ee laga shakisan yahayna waxay ka mid kuwii hore ee la qaban jiray, kuwaa iyo kuwo kale oo badana waa la qabanayaa, dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa in ay gaan kuu siiyaan Ciidamada”..
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Oromos deportation continues

Post by Keyse_0208 »

10,000 in two weeks, thats impressive, emperior do they provide them transport to the border or just tell them to walk.? :lol:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Oromos deportation continues

Post by Keyse_0208 »

10,000 in two weeks, thats impressive, emperior do they provide them transport to the border or just tell them to walk.? :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Oromos deportation continues

Post by The_Emperior5 »

Keyse_0208 wrote:10,000 in two weeks, thats impressive, emperior do they provide them transport to the border or just tell them to walk.? :lol:
No man heestan ba lo shiday dhaka laxoodi dhaqanka xuma




and they packed their xamaan iyo xafash

some of them had donkeys and went on their donkeys to wajaale we are not going to waste petrol on these bastards
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Oromos deportation continues

Post by Cumar-Labasuul »

Keyse_0208 wrote:10,000 in two weeks, thats impressive, emperior do they provide them transport to the border or just tell them to walk.? :lol:
loool ma sida xoolaha ayaa loo dirayaa ethiopia :lol:

Image

:lol:
anonymousfaarax
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1987
Joined: Thu Aug 11, 2011 4:35 pm

Re: Oromos deportation continues

Post by anonymousfaarax »

out with all of them :up: :D :sland:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Oromos deportation continues

Post by Keyse_0208 »

So far 11,400 have been deported with these latest 400 families :arrow: :arrow: http://somalilandpress.com/somaliland-i ... gees-23981

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”