H.D abdiweli: Somaliland is part of Koonfuria
Posted: Tue Sep 27, 2011 6:49 am
Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya oo sheegay in
Somaliland ay ka mid tahay
maamullada ka jira
Soomaaliya
Talaado, September 27, 2011 (HOL) —
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo
wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga
ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo
badan oo ay ka mid tahay howlaha
horyaalla xukuumadda iyo aragtida
dowladda ee ku wajahan gooni isu-
taagga Somaliland.
Dr C/weli Gaas, wuxuu sheegay inay ka
go'an tahay muddada halka sano ah ee
ay shaqeynayaan inay la dagaalamaan
musuqmaasuqa lagu eedeeyo
dowladda ayna tusaan caalamka
dowlad wanaag.
"Annaga waxaa naga go'an in
Soomaaliya hal sano kaddib wajiga ay
leedahay mid ka duwan ay yeelato.
Wajigaas wuxuu yahay.. . hadda
waxaan ku guuleysannay inaan
Muqdisho ka bixinno Al-shabaab,
gobollada kale ee dalkana aan ka
saarno," ayuu ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya ku sheegay wareysiga uu
siiyay BBC-da .
Sidoo kale, raiisul wasaaruhu wuxuu
sheegay in qorshahooda halka sano uu
ka mid yahay in dalku uu yeesho
saldhig nabadgalyo oo buuxa, isla
markaana la isku- xiro dowladda dhexe
iyo gobollada.
Ra'iisul wasaaraha Soomaliya wuxuu
sidoo kale sheegay inay dowladdu
horumar ka sameysay isku- keenidda
maamullada gobollada, isagoo xusay
inay isaga iyo Sheekh Shariif ay tageen
Puntland iyo Galmudug, Faroole iyo
Caalinna ay Muqdisho tageen oo ay ka
qaybgaleen shirkii watashiga, wuxuuna
sidoo kale uu daboolka ka qaaday in
shirkaas ay ka qaybgashay Ahlusunna.
"Soomaalidu maanta waqti ay isaga
dhowdahay inay isku timaaddo oo ay
wax wada-qabsato ma jirto. Runtiina
anigu aad ayaan ugu rajo weynahay in
Soomaalida la isku keeni karo
midnimana la abuuri karo," ayuu yiri
Dr C/weli Gaas.
Mar uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan
gooni isku taagga Somaliland ayuu
sheegay in Soomalinad Insha allaah
iyaduna waqtigeeda imaan doonto,
isagoo sheegay inuu ku rajoweyn yahay
oo ay diyaar u yihiin inay la hadlaan
Somaliland.
"Somaliland waxay noola mid tahay
Soomaaliya, waxaana u arkaan in sida
Puntland ay Soomaaliya ka mid tahay,
laakiin waxaa loo baahan yahay si
wanaag ku jiro in loo wada hadlo
dantana meel loo wada arko," ayuu yiri
ra'iisul wasaare C/ weli Gaas.
Dr C/weli Gaas, wuxuu sheegay in
xilligan aanay Soomaaliya kala go'in
karin dal ahaan iyo dhaqaale ahaan,
isagoo ku baaqay in lagu dadaalo in la
adkeeyo midnimada Soomaaliya,
isagoo xusay in dunida ay Soomaaliya u
aragto hal dal oo keliya.
Somaliland ayaa sheegtay inay ka
go'day Soomaaliya inteeda kale
sannadkii 1991-kii , markaasoo xukunka
laga tuuray dowladdii uu
hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad
Barre, inkastoo Somaliland aysan weli
helin wax aqoonsi ah.
Humpty Dumpty makes a grave mistake!
Soomaaliya oo sheegay in
Somaliland ay ka mid tahay
maamullada ka jira
Soomaaliya
Talaado, September 27, 2011 (HOL) —
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo
wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga
ee BBC-da ayaa ka hadlay arrimo
badan oo ay ka mid tahay howlaha
horyaalla xukuumadda iyo aragtida
dowladda ee ku wajahan gooni isu-
taagga Somaliland.
Dr C/weli Gaas, wuxuu sheegay inay ka
go'an tahay muddada halka sano ah ee
ay shaqeynayaan inay la dagaalamaan
musuqmaasuqa lagu eedeeyo
dowladda ayna tusaan caalamka
dowlad wanaag.
"Annaga waxaa naga go'an in
Soomaaliya hal sano kaddib wajiga ay
leedahay mid ka duwan ay yeelato.
Wajigaas wuxuu yahay.. . hadda
waxaan ku guuleysannay inaan
Muqdisho ka bixinno Al-shabaab,
gobollada kale ee dalkana aan ka
saarno," ayuu ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya ku sheegay wareysiga uu
siiyay BBC-da .
Sidoo kale, raiisul wasaaruhu wuxuu
sheegay in qorshahooda halka sano uu
ka mid yahay in dalku uu yeesho
saldhig nabadgalyo oo buuxa, isla
markaana la isku- xiro dowladda dhexe
iyo gobollada.
Ra'iisul wasaaraha Soomaliya wuxuu
sidoo kale sheegay inay dowladdu
horumar ka sameysay isku- keenidda
maamullada gobollada, isagoo xusay
inay isaga iyo Sheekh Shariif ay tageen
Puntland iyo Galmudug, Faroole iyo
Caalinna ay Muqdisho tageen oo ay ka
qaybgaleen shirkii watashiga, wuxuuna
sidoo kale uu daboolka ka qaaday in
shirkaas ay ka qaybgashay Ahlusunna.
"Soomaalidu maanta waqti ay isaga
dhowdahay inay isku timaaddo oo ay
wax wada-qabsato ma jirto. Runtiina
anigu aad ayaan ugu rajo weynahay in
Soomaalida la isku keeni karo
midnimana la abuuri karo," ayuu yiri
Dr C/weli Gaas.
Mar uu ka hadlay aragtidiisa ku aaddan
gooni isku taagga Somaliland ayuu
sheegay in Soomalinad Insha allaah
iyaduna waqtigeeda imaan doonto,
isagoo sheegay inuu ku rajoweyn yahay
oo ay diyaar u yihiin inay la hadlaan
Somaliland.
"Somaliland waxay noola mid tahay
Soomaaliya, waxaana u arkaan in sida
Puntland ay Soomaaliya ka mid tahay,
laakiin waxaa loo baahan yahay si
wanaag ku jiro in loo wada hadlo
dantana meel loo wada arko," ayuu yiri
ra'iisul wasaare C/ weli Gaas.
Dr C/weli Gaas, wuxuu sheegay in
xilligan aanay Soomaaliya kala go'in
karin dal ahaan iyo dhaqaale ahaan,
isagoo ku baaqay in lagu dadaalo in la
adkeeyo midnimada Soomaaliya,
isagoo xusay in dunida ay Soomaaliya u
aragto hal dal oo keliya.
Somaliland ayaa sheegtay inay ka
go'day Soomaaliya inteeda kale
sannadkii 1991-kii , markaasoo xukunka
laga tuuray dowladdii uu
hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad
Barre, inkastoo Somaliland aysan weli
helin wax aqoonsi ah.
Humpty Dumpty makes a grave mistake!