
Roobabkii Dayrta Oo Ka Da'ay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Cayn.
Monday, 26 September 2011 05:24
Buuhoodle(Jidbaale):-Roobabkii Dayrta ayaa ku hooray deegaano dhawr ah oo ku xeeran gobolka Cayn iyo weliba deegaano dhanka hawdka sare ee u tallaabsan dhanka Ethiopia.
Xidhiidho aan la samaynay waxgarad ka tirsan deeganada gobollka Cayn, ayaa noo xaqiijiyey in deeganada roobsaday ay ka mid yihiin Dandan, Qararro, Domco, Heegaale iyo deegaano kale. Degmada Horufadhi iyo hareeraheeda ayaa sidoo kale ka mid ah deeganada roobku ka da’ay, walow uusan ku badnayn.
Balli-cad iyo Xamar-lagu-xidh sidoo kale waxaa helay hoglo. Deegaanka u dhexeeya Qaawane iyo Aangalo ayaa ayaguna Roobsaday. Gudaha magaalada Buuhoodle waxaa helay Tumay. Sida uu noo xaqiijiyey caaqil ka mid ah kuwa deeganada SSC waxaa lagu jiraa jawi roobaad, waxaana Allaah laga rajeynayaa roobab dheeraad ah dhawaan.
Dhanka kale dhammaan dalka Soomaaliya qaybtiisa koonfureed ayaa dhex dabaalanaya abaar iyo macluul, ayadoo xili roobaadkii saddexaad aan weli hayn.
Jidbaale.com
Roobabkii Dayrta oo ka Da’ay deegaano ka Tirsan SSC
Roobabkii Dayrta ayaa ku hooray deegaano dhawr ah oo ku xeeran gobolka Cayn iyo weliba deegaano dhanka hawdka sare ee u talabsan dhanka Ethiopia.
Xidhiidho aan la samaynay waxgarad ka tirsan deeganada gobollka Cayn, ayaa noo xaqiijiyey in deeganada roobsaday ay ka mid yihiin, Dandan, Qararo, Domco , Heegaalle iyo deegaano kale. Degmada Horufadhi iyo hareeraheeda ayaa sidoo kale ka mid ah deeganada roobku ka da’ay walow uusan ku badnayn.
Balicad iyo Xamarlaguxidh sidoo kale waxaa helay hoglo, deegaanka u dhexeeya Qaawane iyo Aangalo ayaa ayaguna Roobsaday, gudaha magaalada Buuhoodle waxaa helay Tumay. Sida uu noo xaqiijiyey caaqil ka mid ah kuwa deeganada SSC waxaa lagu jiraa jawi roobaad, waxaana Allaah laga rajeynayaa roobab dheeraad ah dhawaan.
Dhanka kale dhamaan dalka Soomaaliya qaybtiisa koonfureed ayaa dhex dabaalaynaya abaar iyo macluul, ayadoo xili roobaadkii sadexaad aan weli hayn.
Horufadhi.com kala soco warar ka deeganada SSC iyo Soomaliyaba.