Haddii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa maxay caddaaladu
Xildhibaano Puntland ah oo jawaab kulul ka bixiyay, eedaynta ku aadan natiijada deeqdii waxbarasho ee Turkiga laga helay.
Qaar ka mida mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool ayaa wax laga xummaado ku tilmaamay, eedayn isi soo taraysay muddooyinkii danbe taasoo ku aadan natiijada deeqdii waxbarasho ee dawladda Turkigu ugu deeqay Soomaaliya, waxaana xildhibaannadu ay si gaar ah eedayn dusha uga tuureen maamulka Somaliland iyo qeybo ka mida dadka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag, iyo Ceyn oo iyagu caddaalad darro ku tilmaamay habka uu u dhacay imtixaankii lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta dawladda Puntland.
Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mida mudanayaasha baarlamka ee laga soo doortay gobolka Sool ayaa sheegay in imtixaanku uu ahaa mid u furan ummada Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana aysan jirin wax sharuud ah oo lagu xirayay qofka ka qayb-qaadanaya. Waxaana isagoo sii wata hadalkiisa uu yiri “Haddii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa maxay caddaaladu”.
Mudane Saadiq, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ardayda gobolka Sool oo fursad laga siin waayay deeqo waxbarasho oo Somaliland ay heshay, ay dabadeed si furan oo aan sharuud lahayn uga qayb-qaateen imtixaankii Garowe lagu qabtay, arrintaasina ay naftooda ku abuurtay kalsooni dheeriya, waxaana xildhibaan Saadiq Abshir Garaad uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah ardaydaasi ay nasiibkooda ku guulaysteen imtixaankaasi.
Dhanka kale, xildhibaan Faarax Sulub oo ka mida mudanayaasha baarlamka Puntland ayaa qiray in muddadii ay socotay sixitaanka imtixaanka ay jireen xubno ka tirsan golaha baarlamaanka Puntland, oo markhaati ka ahaa natiijada ardaydii nasiibka u helay fursadii waxbarasho ee dawladda Turkigu Soomaaliya ugu yaboohday.
Hadaladaan kasoo baxaya qaar ka mida mudanayaasha baarlamaanka Puntland, ayaa u muuqda kuwo difaacaya eedaynta iyo astakada kasoo yeeraysa gobolada Puntland ee ku aadan natiijada imtixaankaasi, balse 26-kii bishaan Septembar ayay ahayd markii ay wasaaradda waxbarashada Puntland xafiiskeeda imtixaanaadku iska fogeeyay masuuliyada imtixaankaasi, kuna tilmaamay mid ay wadatay dawladda Turkigu.
Source: http://allboocame.com/?p=6841
Hadii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa maxay
Moderator: Moderators
- Cinque Mtume
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4005
- Joined: Fri Mar 06, 2009 5:36 pm
- Location: Tres Puntos
Re: Hadii tartan furan lagu tilmaamay caddaalad darro, waa m
Every single individual from SSC that has been spreading false accusations to discredit Puntland should be arrested, imprisoned and tortured for treason and public disorder, if they set foot in Garowe and Bossaso.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 707 Views
-
Last post by Sbashi
-
- 11 Replies
- 1119 Views
-
Last post by tightrope
-
- 0 Replies
- 600 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 4 Replies
- 904 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 430 Views
-
Last post by 13enigma
-
- 0 Replies
- 405 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 7 Replies
- 2418 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 3 Replies
- 637 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 3 Replies
- 1447 Views
-
Last post by sahal80
