Hargeysa (Ishanews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xalay Xili Danbe Qasriga Madxtooyadda, Waxana uu Madaxweynuhu Si kululu isla markaana Cadho ay ku jirto uu uga Jawaabay Eedomo iyo Dhaliilo kala duwan oo loo soo jeediyay Xukuumada uu hugaaminayo.
Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay in uu ahaa nin Basaas ah isla mar ahaantaasna daba gali jirey Mujaahidiintii SNM waxana uu yidhi
Madaxweyne siilaanyo isaga oo ka hadlaya “Faysal Cali Waraabe waxa maalmahan ka soo burqanayey, iyada oo uu caado iyo dhaqan u leeyahay marka uu dhibaatooyin dhex-dabaasho ee uu masuuliyadiisa iyo xilkiisa ka soo bixi-waayo, iyada oo taariikhdiisa la ogaa waddaninimadiisa la ogaa, oo waxa uu UFFO ku sameeyey berigii la ogaa qarankana (Somaliland) halgankii uu ka galay la ogaa, siddii uu u basaasi jirey iyo dhibaatooyinka uu dadka u geysanayey la ogaa inuu maalin-walba cay iyo aflagaado ula soo taagan yahay ummada iyo dawlada wax la qaadan karo maaha.
“Faysaloow taariikhda, waxaad ummada ka heshay ama taageerooyinkii aad ku wada dhacday ee aad meel ku gaadhi-weyday ee ummadu kugu diiday ee ay sanka kaa qabsatay ee aad qabyaalada ku hadashay ee aad xumaanta ku hadashay ee aad tidhi Hargeysa annaa leh, ee ay ummadu kuugu diiday waad ogayd, taariikhda halka aad ka gashayna waa la ogaa, maalin-walba ninkii lahaa halkan ayaan wax ka qabanayaa, Koonfur ayaan tagayaa halkan ayaan tijaabinayaa adiga (Faysal) ayuu ahaa. Maalin-walba halkaas ayaad ka hadlaysaa oo aad intaa aflagaado iyo xumaan aad wadaa, taasina waxa lagaa qaadanayo maaha, wax lagaa aqbalayo maaha, cidd aad ugu hanjabeysaana ma jirto.”
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sidoo kale waxa uu Jawaab kulul ka Bixiyay Isla markaana Eedaymo culculus u jeediyay Wasiirkii Horre ee Hawlaha Guud iyo Guryaynyta Siciid Sulub iyo Wasiirkii Horre ee Duulista iyo Hawadda Cali Maxamed Waran Cadde waxana uu Yidhi “Waxaan leeyahay qoladan UDUB ee Cali Maxamed Warancade iyo Siciid Sulub ee iyana halkan aflagaadada la soo jooga waxaan leeyahay walaalayaal doorashadii ayaa la idinka adkaaday, ummada muddo badan ayaad horjoogteen, ummadu way iska kiin garatay, way isla kiin aragtay waxaad tihiin iyo waxaad qabtaanba sidaas ayaanu weliba asaxaan idiin sameynay marka runta la doonayo oo idin saamaxnay, oo idin ilaalinay, oo is-nidhi dalkan midnimadiisa, isku-xidhnaantiisa, walaaltinimadiisa ha jirto, oo musuqmaasuqa aad gasheen, boobkaad sameyseen, dhacaad sameyseen iyo dunuubta aad ummada ka gasheen aanu idinku saamaxnay. Waxaad maanta ummada ku akhriyeysaan cid wax idinka dhageysanaysa ma jirto.”
Madaxweynaha Somaliland Waxa uu Si Adag u Difaacay Danjiraha Somaliya u Qaabilsan Qaramadda Midoobey Dr Mahiga waxana uu sheegay in Mahiga uu Xil gaar ah ku lee yahay Somaliland isaga oo ka hadlayaana waxa uu yidhi ““Ummada Somaliland waxaan leeyahay, walaalayaal ha dhageysanina, waxa la inagu direy Mahiiga waad aragteen walaalayaal waxa laga qorayey ninkaasi iyo aflagaadooyinka loo geysanayo, Mahiiga waxa uu u shaqeeya Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa oo waa nin xil gaara inagu leh, waxa runtu tahay meel uu ka hadlay iyo wax Somaliland ku lid ah midna muu odhan, been iyo inamo isku sawirey oo laga markhaati kacay oo imika haddii aad gasho Mareegaha (Websites-ka) oo intaa la caayayo oo la leeyahay ninkani (Mahiiga) Somaliland ayuu u shaqeeya waad ka warqabtaan oo waanad heli kartaan.Markaa waxaan leeyahay ummada reer Somaliland yaan Xasad, hinaase iyo been lagu hagin, yaan jidka la idinka luminin”
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sidoo kale ka hadlaya Mucaawimadda Ay Somaliland u Qaaday dalka Somaliya, waxana uu sheegay in ay waajib tahay in Somaliland ay u gurmato Somaliya, madaama Somaliland ay tahay Dal Muslim ah, waxa uu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in Somaliland Xil ka saaran yahay Gurmadka iyo kaalmadda somaliya in ay geeyeen wixii ay ku dhaamaan “Marka ugu horeysa arrinta mucaawinooyinka dadka reer Somaliland waa dad muslim ah, waa dad caalamka ka mid ah dhibaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliya ee caalamka oo dhami u gurmadayna ka qeybgalay, iyada oo ay jirto inay abaartu ina saameysay waxyaabo badana caalamku ina tarey oo aynu ugu baaqnay, haddana waxaa waajib ah oo xil inaga saran yahay inaynu dadka muslimka ah, dadka Soomaaliyeed ee walaalaheen ah ee ay dhibaatadu soo gaadhay aynu u gurmano oo aynu inana (Somaliland) wax ka tarno waa waajib iyo xil inna saaran ayuu ahaa, tii ayeynu yeelnay oo aynu caalamka kala mid ahayn oo uga sii dhaweyn, waxaanan ILAAHAY kaga baryeynaa inuu ajar iyo Xasanaad inagu siiyo adduunkana waxay tahay mid ayanu ku faanayno oo aynu caalamka iyo dunidaba ugu faanayno, dadweynaheenuna wuu ku mahadsan yahay intii qaaday, intii ka hawlgashay iyo intii bixinteeda gacan ka geysatayba” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale Fariin culus udirey Madaxweynaha Somaliland waxana uu yidhi “Ninka Sheekh Shariif la yidhaahdo ama walaalahayagaa Koonfureedna waxaanu leenahay haddaanu soo gurmay, oo aanu dadkayaga u soo gurmanay, oo nabadgelyo u soo gurmanay maaha inaanu ka noqonay madaxbanaanidayadii, gooni isku taagayagii iyo inaanu nahay dal madax-banaan oo xorriyadoodi qaatay oo xorra oo u soo halgamay una soo dagaalamay oo gacantooda ku sameystay (Somaliland) ayaanu nahay, sidiina waanu ku wadaynaa ilaa aanu ictiraaf dunida ka helayno.”
Madaxweyne Somaliland waxa uu dardaaran u direy Shacabka Somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, madaxweyne Siilaanyo waxa uu shacabka ka codsaday in laga shaqeeyo nabad gelyada, Midnimadda iyo Arimaha kale ee ka dhaxeeya Shacabka Somaliland waxana ka mid ahaa hadalkiisii “Waxaan leeyahay dad-weynaha Somaliland yaan la idin bahdilin, yaan been la inoo sheegin, aynu gacmaha is qabsano, aynu wada-jirno, aynu xorriyadeenii iyo ictiraafkeeni sidii aynu u wada raadin jirnay aynu u wada doono ayaan leeyahay dibada iyo gudahaba.”
Madaxweynaha Somaliland oo ay khudbadiisu ahayd Mid aad u dheer ayaa sidoo kale ka hadlay Deeqihii waxabarasho ee Dawladda Turkigu siisay Ardeyda Reer Somaliland waxana uu yidhi “Mida kale, deeqo waxbarasho ayey dawlada Turkigu ina siisay (Somaliland) oo aynu ardeydeenii u dhoofinay oo aynu u dirnay waxbarasho si ay u soo bartaan tacliin. Basaboor Somaliland ah ayey qaateen markaa Jidka ay marayaan (Ardeyda) iyo meesha ay u sii marayaan waa wax aynaan isku dhajinayn oo aynaan si gaara u eegayn.”
Hadalkan Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya Wakhti ay Asxaabta Mucaaradka ah iyo Waliba Siyaasyiinta Madaxbanaani ay ka Dayriyeen Siyaasadda Madaxweynuhu ku hagayo Dallka, Waxana ay dad badan u cuntami wayday Arimaha Siyaasdeed ee dalka.
si kastaba ha ahaate dadweynaha reer somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey hadalkan madaweynaha mid ka mida dadkaasina wuuu yidhi oo magaciisa ku soo koobey xasan
“Waxaan Saaka indhaha ku kala Qaaday Mareegaha oo soo Tabinaya madaxweynihii Inta badan Amusnaa oo Xalay Saqdhexe Hadlay Xili Inta badan Umaduhu kala Seexday iyo Waliba Xili Saxafadu Huruday, Hadalkaas oo la Odhan karo waa mid aan ku soo Begmin Xiligi Ku haboona”
Ishanews Media Group
Hargeisa,Somaliland
madaxweynaha maxa ka cadheysiiyey
