
Borama:- (Camuudnews) – Jaamacada Camuud ayaa markii ugu horaysay shaacisay inay bilaabaysa Waxbarashada labaad ee loo yaqaan Mastarka, taas oo ay bilaabayso kuliyada Caafimaadka, sida uu cadeeyay hormoodka kuliyadaasi caafimaadka Dr, Siciid Axmed Walhad.
Waxbarashadan cusub ee laga bilaabay jaamacada camuud ayaa noqonaysa mid dibada laga doonan jiray, sida uu sheegay Hormoodka kuliyada Caafimaadka Jaamacada camuud waxay Kuliyada Caafimaadku sanadkan bilaabaysaa Takhasuuska qaybaha kala duwan ee Aqoonta caafimaadka, ee shaahadada mastarka ilaa PHDga.
Hay’adda Somdev. Ayaa ka caawinaysa Jaamacadda Camuud bilaabista waxbarashada labaad ee shaahdada mastarka, hayada Somdev iyo Jaamacada Camuud ayaa manta ku kala sexeexday hirgelinta mashruucan xarunta kuliyada caafimaadka ee jaamacada camuud, waxaan heshiiska goobjoog u ahaa Gudoomiyaha jaamacada Camuud Sulaymaan Axmed Guuleed, Hormoodka iyo macalimiinta Kuliyada Caafimaadka iyo Madaxda hay’ada Somdev,
Hormoodka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada camuud Dr,Siciid Axmed Walhad oo faahfaahin ka bixinaya bilaabista Kuliyada Caafimaadka ee takhasuska qaybaha Aqoonta caafimaadka iyo heshiiska Hay’ada Somdev ayaa sheegay in kuliyadda caafimaadka ay sanadkan billaabeyso waxbarashada darajada Master-ka iyo PhD-ga, iyagoo la kaashanaya heshiis ay maanta la galeen hay’ad ka dhisan Mareykanka oo lagu magacaabo SOMDEV, taasoo ka caawineysa billaabidda waxbarashada heerarkaas.
Heshiiska ayaa waxaa maanta kala saxiixday mas’uul ka socday hay’adda SOMDEF iyo guddoomiyaha jaamacadda Camuud, iyadoo uu sarkaalka SOMDEV sheegay in ay tallaabadan tahay mid muhiim ah, isla markaana ay iyagu bixinayaan kharashka lagu hirgelinayo mashruuca.
Guddoomiyaha jaamacadda Camuud, Prof. Suleymaan Axmed Guuleed ayaa u mahadceliyay hay’adda SOMDEV, isagoo tilmaamay inuu heshiiskan muujinayo iskaashi iyo wada shaqeyn.
Sidoo kale hay’adda SOMDEV ayaa markii hore ka caawin jirtay jaamacadda Camuud darajada Baajulaarka
Sexeexa heshiska oo ay si aad ah u soo dhaweeyeen gudoomiyaha Jaamacada Prof Sulaymaan Axmed iyo Sarkaal ka socda hay’ada Somdef ayay ku sheegeen in Somdev, ay dhaqaalaha lagu hirgelinayo mashruucan ay ka caawinayso Jaamacada camuud, dhanka kalana waxaa uga mahadceshay isla markaana ku Amaanay hay’ada Somdev, heshiiskan ay kala sexeexdeen labada dhinac hirgelintiisa.
Waa markii ugu horaysay ee Jaamacada Camuud laga hirgeliyo waxbarashada takhasuuska caafimaadka ee shaahadada mastarka oo loo Aadi jiray Jaamacadaha dalalka dibadaha, Arintan ayaa faaiido u soo korodhay Jaamacada Camuud, Ardayda jecel waxbarashada iyo guud ahaa dalka.
source: http://www.camuudnews.com/?p=18798