Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+PICS

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+PICS

Post by The_Emperior5 »

Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin siiyay ardaydii ugu badnayd ee ka baxday Jaamacada Hargeysa
October 2nd, 2011 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyin gudoon siiyay 538 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Hargeysa, kuwaasi oo ka aflaxay toban kuliyadood oo lagu barto jaamacadaasi.



Image

Image

Image

Image

Image





Xafladii qalin jabinta jaamacada waxa kale oo ka qeyb galay Hoggaamiyeyaasha Axsaabta siyaasada, Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, waalidiin iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa bogaadiyay ardaydii qalin jabisay waxaanu yidhi “Marka u horaysa waxaan hambalyo aad iyo aad u balaadhan aan u soo jeedinayaa ardayda ka qalin jabisay jaamacadan Hargeysa iyo macaliimiinta iyo maamulka Jaamacada ee ardaydan wax baray waxaan doonayaa inaan u sheego in anigoo ku hadlaya magacii dawlada Somaliland inaanu ku faanayno qiimayn iyo qadarin aad u weyna aanu siinayno. Waxaan idin leeyahay intiina maanta qalin jabisay Hambalyo.”

“Jaamacada Hargeysa waa Jaamacada u weyn aad iyo aad u taariikhiya, waa jaamacad qaranka Somaliland iyo dadweynuhu aad ugu faanayaan, waxaan u rajaynaynaa inay guusha iyo heerka ay maanta marayso ay kor uga sii socoto,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxa kale oo uu sheegay inuu hambalyo iyo Bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee jaamacada Hargeysa gacanta ka geystay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee gacanta ka geysatay dhismaha jaamacada waxaan waliba ku sii guubaabinayaa inay halkaasi ka sii wadaan,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagu dawlad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu gacan ka geysano wax kasta oo ay jaamacaddaha dalku u baahdaan,waxaan idin leeyahay waxaanu wax idin kala qaban doonaa baahiyo badan oo aad sheegateen.” Wasiirka Wasaarada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadashay xafladaasi ayaa bogaadisay ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa waxaanu tilmaantay inay ku faraxsan tahay ardayda tiradaasi lee gee ka aflaxday Jaamacada.

“Jaamacada Hargeysa ma aha Jaamacad gobol mana aha jaamacad cidi leedahay ee waa jaamacad qaran,”ayay tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan. Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Jaamacada Muuse Aadan Axmed, oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca ardayda qalin jabinaysa uu u mahad celinayo marti sharafta uu u horeeyo madaxweynaha Somaliland ee ka qayb galay xafladan. Waxa kale oo uu bogaadiyay waalidiinta iyo marti sharafta kala duwn.

“Ardaydani waa dufcadii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jaamacadaha dalka, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa, waana 538 arday, oo hablo ay yihiin 150 arday oo u dhiganta 27% iyo 388 wiil,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Guddoomiyaha oo la dardaarmayay ardayda qalin jabisay waxa uu yidhi “Idin odhan maayo waad qalin jabiseen ee waxaad dhamayseen afartii sanadood ee hore waxbarashadiinuna waa bilow, bini’aadmiguna illaa maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu dhimanayo waxa uu ku jiraa waxbarasho. Waxa ku jira ardaydan qalin jabinaysa 29 arday oo bartay Cilmiga Tiro koobka (Statics-ka). Waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa in intii uu kari karo ardaydaasi jaamacada ka qalin jabisay uu shaqo u raadiyo. “ “Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka codsanaynaa jaamacadu waxay muddo ku jirtay maamul ku meel gaadh ah, ILAAHAY ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Muuse Cabdi Cilmi laba jeer oo ku meel gaadh ah ayuu galay, ninkii ku xigayna ku meel gaadh ayuu ahaa laakiin dan gaar ah ayuu u baxay , waxaan Anigu xilkii ula wareegay si ku meel gaadh ah 11 arday oo ka mid ah kuwii sanadkii hore jaamacada ayaanu macalimiin ayaanu ka dhignay markii ay muddo ku shaqaynayeen ku meel gaadh markii jaamacadu koorasyo u dirtay ee aqoontooda kor loo qaaday imika waxay yihiin macalimiin jaamacadeed oo rasmi ah. Waxaanu doonaynaa inaan jaamacadu ay qeyb libaax ka qaadato qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland haddii ay tahay daraasad iyo horumarinba,”ayuu yidhi Muuse Aadan Axmed.

Ardaydani waxay ka qalin jabiyeen toban kuliyadood oo jaamacada lagu barto oo ay ka mid yihiin Sharciga, ICT, daraasaadka islaamiga ah, Maamulka iyo maareynta, Ganacsiga, xalinta khalaafaadka iyo kuliyado kale. Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe iyo Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay dhamaantood bogaadiyeen ardaydii ka qalin jabisay jaamacada waxaanay sheegeen in ardaydan loo baahan yahay in loo abuuro fursado shaqo.
User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by HaragWafi85 »

The_Emperior5 wrote:

Image
.


:sland: :sland:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Keyse_0208 »

harag the one on the left is mine, u can have the other one :up:
User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by HaragWafi85 »

lol
Last edited by HaragWafi85 on Mon Oct 03, 2011 4:34 am, edited 1 time in total.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Keyse_0208 »

:lol: :lol: just accept the deal bro, they look like they could be sisters
User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by HaragWafi85 »

Keyse_0208 wrote::lol: :lol: just accept the deal bro, they look like they could be sisters

:lol: You can have both of them in that case.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by The_Emperior5 »

the one on the left is good looking tallow wa imisa jir wa 26 wa dadax waleh
User avatar
SSSM
Posts: 209
Joined: Fri Aug 20, 2010 6:06 am

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by SSSM »

well i see my father in one of the pictures :up:

Congradulation to all students espicailly my sis who graduated this year from Hargiesa University :sland:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Mr_Alfaas »

Image


ardaygi jamacadaha itoobiya u galay kaalinta kowaad Axmed shady oo ka tirsan Ciidanka qaranka JSL..... :sland: :up:
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Mr_Alfaas »

Image

Image


Image

Image
kan dhexe wasiirki warfaafinta xukumada udub maanu aheyn wuu naxee :shock:
Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Saraxnow »

MashAllah, guuuuuul :sland: :sland: :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by The_Emperior5 »

Alfaas yarka kaalinta koobaad ka galay jamacada Adis ababa ma ciidanka qaranka buu ku biiray?
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:Alfaas yarka kaalinta koobaad ka galay jamacada Adis ababa ma ciidanka qaranka buu ku biiray?
maya wuu ka tirsana sxb wuxu aha ardaydi schoolarshipka ka helley itoobiya marka secondarygisa ayu aha ardaydi somaliland u sareysey marka ciidanka qaranka aya lagu daray kadib jamacad aya loo direy itobiya ah oo dhakhtarnimo ah jaamacad military ayu ka qalin jabiyey sanadkan he friend of mine wa nin maskax Alle siiyey :up:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by Cali_Gaab »

Siciid iyo keyse, kacsigaidin haya iska joojiya. That's my cousin walahi.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland President SiilanyoAwards Somaliland students+

Post by The_Emperior5 »

Cali_Gaab wrote:Siciid iyo keyse, kacsigaidin haya iska joojiya. That's my cousin walahi.

Is she Adan madoobe
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”