
DHUSAMAREEB:Madax katirsan mujaahidiinta Al Shabaab ayaa galabta ilaa iyo caawa ku sugnaa degamada Dhusamareeb ee gobolka Galgaduud oo ay mujaahidiinta Somaaliya dagaal ku qabsadeen.
Mas’uuliyiin uu kamid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lasoo sheegayaa in ay Dhuusamareeb gaareen oo ay lahadleen shacabka degmadaasi ku nool uga nasteexeeyeen khuraafaatka ay Ahlu shirkigu wadaan.
Ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa gaadiid dagaal iyo hub farabadan kasoo qaatay saldhigga Dhuusamareeb oo laga faramaroojiyay mushrikiinta.
Qaniimooyinka kale ee Mujaahidiintu Dhuusamareeb ka heleen waxaa kamid ah gaadiid nuuca dagaalka ah iyo rasaas farabadan oo loo adeegsan karo dagaalka.
Caawa Fiidkii ayaa la sheegay in ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ay dib ugasoo gurteen magaalada waxayna degeen Geed Timirka oo dhaca duleedka degmada.
Weli Maleeshiyaadka Mushrikiinta ah kumasoo laaban magaalada waxaase lafilayaa in berri marka uu waagu baryo ay soo galaan degmada oo wixii hub ahaa ay mujaahidiinta Somaaliya ka qaateen.