Xiriirka kubada cagta dawladda Puntland ayaa daboolka ka qaaday in sanadkan dhamaadkiisa Garowe lagu qaban doono tartanka 19-aad ee kubadda cagta Somaaliya, waxaana socda qaban-qaabo loogu jiro sidii loo abaabuli lahaa koobkan oo sannadkii hore si heer sare u martigelisey Puntland.
Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Puntland Cabdulaahi Xaaji Max'ed Cawiif oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in bisha November,2011 ay isku diyaarinayaan in cayaarahasi ka furmaan Garowe,wxuuna xusay inay hada sugayaan xubno ka socda xidhiidhka kubadda cagta Somaaliya.
Gudoomiyaha ayaa dhinaca kele ka hadlay qabashada horyaalka kooxaha heerka kowaad ee Puntland,wuxuuna tilmaamay in kooxaha heerka kowaad ee deeganada Puntland ay haatan dhisanyihiin.
Tartankan ayaa waxaa ka qayb-galaya 15 gobol,waxaana ka maqan 3 gobolka oo kala ah Waqooyi Galbeed,Awdal iyo Togdheer,waana gobolada sheegtay inay Somaaliya inteeda kele ka go'een, balse xidhiidhka kubadda cagta Somaliya iyo kan Puntland ayaa sheegay in koobkani u furan yahay 18-ka gobol ee ka koobantahay Somaaliya.
Been having a shitty few weeks that were looking to get even uglier but now I have something nice to look forward to, I'd forgotten how long ago the last one was.
