


Moderator: Moderators
War Deg Deg ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Kedis Ah Ku Tegey Magaalo Madaxda Gobolka Oodweyne Iyo Khudbado Uu Ujeediyey Bulshada Reer Oodweyne.
Published By Webmaster On Friday, October 7th 2011.
Oodweyne-(Qori)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Saaka ka soo kicitimay Magaalada Hargeysa kuna so jeeda Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa hadda ku sugan Magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daadhmadheedh. Waxa madaxweynaha Safarkiisan ku wehelinaya Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Weris Maxamud Jirde, wasiiro iyo xildhibaano.
Madaxweynaha waxa magaalada oodweyne ku soo dhaweeyey siyaasiinta, salaadiinta iyo Waxgaradka Gobolkaasi, waxaana loo soo dhaweeyey sidii ugu meeqaam sarraysey ee Madaxweyne loo soo dhoweeyo, waxaana illaa saaka Magaalada Burco ka baxayey kuna sii qulqulayey dhinaca oodweyne Baabuur aad u tiro badan oo dhammaantood ka qaybqaadanyey soo dhoweynta Madaxweynaha. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay meel fagaare ah kala hadleen Shacabka degmadaasi Oodweyne oo uga mahadnaqeen soo dhaweynta heerka saraysa ee ay u sameeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.
Warkaas oo faah faahsan Goordhaw la soco
http://virus detected/2011/10/07/magaalo ... -oodweyne/
Madaxweynaha Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyay Gobolada Oodweyne Iyo Togdheer
October 7th, 2011 Comments Off
Burco (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaaanyo) ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayay waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Burco Maamulka gobolka Togdheer, maamulka degmada iyo Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu saaka socdaalkiisa shaqo ka soo bilaabay deegaamada Gobolka Oodweyne waxaanu soo maray deegaamada Haro-sheekh, Xaaxi deegaamadaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay waxa uu warbixin ku saabsan xaalada nolasha,ammaanka iyo horumarinta bulshada la xidhiidha uu ka dhegaysanayay maamulka iyo waxgaradka deegaankaasi.
Weftiga Madaxweynaha waxa la siiyay caano geel oo xoor leh markii uu soo gaadhay degmada Haro-sheekh oo qeyb ka ahaa soo dhawaynta iyo qaabilaadiisa.
Maamulka iyo waxgaradka degmada Haro-sheekh ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo dhiso saldhig boolis iyo Cisbitaal. halka maamulka degmada Xaaxina ay ka dalbadeen inuu ka taageero dhinaca horumarinta dhul beereedka degmadaasi caanka ku tahay.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dedaal badan u geli doonto sidii ay u wax uga qaban lahayd baahiyaha aasaasiga ah ee deegaankaasi uu u baahan yahay.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu si qoto dheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa sanad iyo labadii bilood ee ay jirtay waxaanu tilmaamay in mudadaasi ay wax badan ka qabteen horumarinta adeegyada bulshada waxaanu xusay inay ku guulaysteen inay lacagtii giimbaarta ka bedalaan gobolka Togdheer.
Madaxweyne Siilaanyo waxa kumanaan dadweyne ahi waxay ku soo dhaweeyeen magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Oodweyne, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu socdaalkiisa gobolada bari ka bilaabo gobolka Oodweyne, waxaanu dadweynaha uga mahad celiyay sida xushmada leh ee ay ku qaabileen weftigiisa.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay wax badan ka qaban doonto balan qaadyadii xiligii olalaha doorashada ay u sameeyeen deegaankaas waxase uu u soo jeediyay inaanay ka deg degin waxqabadka xukuumada.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha uga xog waramay xaalada deegaanka Oodweyne Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Oodweyne Faarax Cabdilaahi Caano-kariye, Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf Waabeeyo oo ka mid ah Mudaneyasha Golaha Wakiilada kaga jira xisbiga KULMIYE ee laga soo doortay Gobolka Oodweyne.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiiradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku Xigeenka wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan, Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Md. Cabdi Casiis Maxamed Samaale Iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Oo Ku Wajahan Magaalada Laasacaanood
Laasacaanood (RBC) Waxa Qaban Qaabo Xoogan ay ka socotaa Magaalada Laasacaanood ee Gobalka Sool taas oo loogu diyaar garoobayo soo dhaweenta wafdi ballaaran oo u horkacaayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo oo ku soo wajahan saacadaha na soo aadan magaalada.
Magaalada ayaa aad loo adkeeyay Amaanka waxana lagu arkayaa ciidamo badan.Madaxweynaha oo ay la socdaan wafdi ay ka mid yihiin golaha wasiirada Somaliland ayaa waxa maanta gaareen Oodweyne.
Wafdigan ayaa la ii sheegay in ay magaalada Laasacaanood u u yimaadeeen siddii ay uga qayb gali lahaayeen aas loo sameenayo Guddomiye ku xigeenka Maxkamada Gobalka Sool oo xaley fiidkii koox dableey ah ku dileen bartamaha magaalada Laasacaanood.
Waa markii ugu horeysay oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu tago Magaalada Laasacaanood tan iyo markii madaxweynaha noqday 26-kii June sanadkii 2010-ka.
Magaalada laasacanood waxa ka dhisan Maamulka Somaliland.
Raxanreeb