shirka Khaatumo 2

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Wixii S/Land Ay Leedahay Ee Deegaankeeda Iyo Dadkeeda Ah Puntland Ogolaanshiyo Looga Qaadan Maayo, Madaxwayne Siilaanyo Wax Xasaasiyad Ah Kama Qabo Sool”


Wasiirka Daakhiliga Duur
Hargeysa, October 9, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa markii ugu horaysa ka hadlay mawqifka ay xukuumaddu ka taagan tahay shirka Khaatumo 2 ee la sheegay in Qurbo jooga beesha Dhulbahante ay ku qabsanayaan degmadda Taleex ee gobolka Sool, kaas oo uu shuruud uga dhigtay dawladdu in wax qaranimadda iyo Jiritaanka Somaliland ka hor imanaya lagu soo qaado shirkaas, digniina ugu jeediyey kooxaha Somaliland-diidka ah.
Wasiirka Daakhiliga Duur ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Somaliland aanay Maamulka Garoowe ugu fasax qaadanaynin deegeenadda gobolka Sool, balse aanay ku xadgudbaynin wixii xuduuda Somaliland ka baxsan, isaga oo socdaalka Madaxwaynuhu shalay ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Sool, isla markaana gaadhay Fadhiisimadda Jiida hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Ganbadha ay tahay Kormeer xaqiiqo raadin ah iyo mid la mid ah socdaaladda gobolada dalka uu ku soo marayo
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Wasiirka daakhiliga Maxamed Nuur Caraale waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab u waramayey laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sidoo kale ka hadlay kulamo uu Madaxwayne Siilaanyo la qaatay shalay Maamulka iyo madaxdhaqameedka Sool, kaas oo ku dhexmaray Hutelka Xamdi ee Magaaladda Laascaanood. Isaga oo wasiir Duur ka hadlaya arimahaas, waxa uu yidhi
“Guud ahaan waxaanu gaadhnay gobolka Sool, halka u shisheysa ee aanu gaadhnayna waa deegaanka Gambadha oo ciidamada Somaliland fadhiisnimo waaweyn ay ku leeyihiin, waxa kale oo aanu gaadhnay Magaalada Laascaanood
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Wasiirka Daakhiligu waxa uu faahfaahiyey ujeedada safarka Madaxwaynaha ee Sool “Ujeedada safarka Madaxwaynuhu waa mid uu xog-ogaal ugu noqonayo xaalada dadka iyo xaalada gobolada iyo tabashooyinka dadka oo aanu dhageysanayno iyo dhibaatadooda oo lala qaybsanayo, markaa guud ahaan ujeedadu waa sidaa, gobolka Sool-na waxa uu dheer-yahay gobolada kale waxa ku sugan ciidamo badan oo Somaliland ah oo ciidamada ugu balaadhan ee Somaliland waxay ku sugan yihiin labada gobol ee Sool iyo Sanaag, waliba gobolka Sool ayay ciidamo badani joogaan, markaa Madaxwaynuhu ciidamadaa ayuu tusayey inay dhib weyn qabaan, waayo dad guryahoodii iyo danahoodii ka tagay, markaa waxay ahayd inuu dhibtaasi ciidamada la wadaago oo uu soo booqdo oo uu soo salaamo”.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Duur isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Shacabka reer Sool waxaanu ku dhiiri-galinay in nabadgalyada la ilaaliyo, Madaxwaynuhuna waxa uu mar labaad ku celiyey baaqii nabada waxaanu muujiyey dareen walaalnimo, waxaana goobtaas ka cadaatay in cida wax u qaban kartaa dadka reer Sool ay tahay dawlada Somaliland, waxaana loo sheegay in wixii taagta xukuumadu noqoto aan waxba laga hagraneyn, waxaana loo sheegay in gobolka Sool yahay gobolka kaliya ee dalka oo dhan loo saaray 2% (Dhaqaale lagu horumarinayo oo xukuumadii Rayaale bilowday), dadka maqan ee Garaadada leh ee qurba-joogta leh iyo dadka kale ee shacabka ah ee ama cabsidu hayso ama dareenku ku jiro kaalaya ayaanu nidhi”.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxa kale oo uu ka hadlay shirka Khaatumo 2 ee dhawaan ka furmaya degmada Taleex, waxaanu yidhi “Shirkaasi Khaatumo 2 waxa lanagu waydiiyey halkaasi, waxaana lanagu yidhi Dhulbahante wuu shirayaa, waxaanuna codsanaynaa in shirkaa la noo ogolaado, anaguna waxaanu ku nidhi haddii aad shirtaan oo aad wax iswaydiisaan waxba kama qabno ayaanu ugu jawaabnay, waxaase shardi ah in shirka la qabsanayaa aanu ka hor imanayn qaranimadda iyo madaxbanaanidda Somaliland”
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Ma qabbo inay dhoola-tus tahay, mana qabbo inay xiisad kicin tahay, waxaanse qabaa inay tahay muujin ah in Madaxwayne Axmed Siilaanyo aanu wax xasaasiyad ah ka qabin gobolka Sool, gobolkaasina uu la mid yahay sida gobolada Hargeysa iyo Togdheer-ba uu Madaxwaynuhu u aaminsan yahay inuu ka taliyo oo uu Madaxwayne u yahay”.
Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya maamul goboleedka Puntland “Puntland-na waxa ay u muujinaysaa wixii aynu kala leenahay, wixii Somaliland leedahay ee deegaankeeda ah ee dadkeeda ah Puntland ogolaanshiyo looga qaadan maayo, Puntland-na walaaltinimadeeda iyo xuduudkeeda cidna ku xad-gudbi-mayso”.
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Babygirl- »

LOOOOL @ Sharuud :lol: :lol: :lol: :lol:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: shirka Khaatumo 2

Post by Goljano Lion »

Babygirl- wrote:LOOOOL @ Sharuud :lol: :lol: :lol: :lol:
:lol: what is going on
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”