Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Conference

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Conference

Post by The_Emperior5 »

Fu’aad Aadan Cade Oo Ka HadlaySababta Uu Uga Baaqday Inuu Raaco Waftigii Madaxwaynaha Iyo Waxyaabaha Ay Ku Kala Duwan Yihiin Socdaaladii Rayaale Iyo Siilaanyo Ee Sool
“Dilalka Madaxda Sool Waxa Ka Danbeeya Qaar Ka Mid Ah Ma Naxayaasha Xamar Masaakiinta Ku Laaya, Shirka Taleex-na Hadii La Igu Casuumo Iyo Hadii Aan La Igu Casuumin-Ba Waan Tagayaa” Fu’aad Aadan Cadde
Hargeysa, October 10, 2011 (Haatuf) – La Taliyaha Madaxwaynaha ee Goboladda Bariga Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka hadlay sababta uu uga baaqday inuu ka mid noqdo waftigii Madaxwayne Siilaanyo uu hogaaminayey ee booqday goboladda bariga Somaliland, kaas oo sheegay inuu safar ku maqnaa, isla markaana uu socdaalka Madaxwaynuhu ahaa mid si kadis ah u yimid oo aanu xog hore ka sii haynin, taasina ay keentay inuu ka baaqdo ka mid noqoshadda waftiga Madaxwaynaha.
Fu’aad Aadan Cade ayaa waxa uu sidoo kale soo qaaday waxyaabaha ay ku kala duwanaayeen safarkii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaal ku tagay Laascaanood sanadkii 2003-dii iyo ka uu doraad ku tagay fadhiisimadda hore ee Ciidamadda Qaranka ee Tuuladda Gambadha Madaxwayne Siilaanyo, kaas oo sheegay inay ahaayeen laba socdaal oo aad u kala duwan, isla markaana ay ahaayeen laba socdaal oo marxalado kala duwan ku soo beegmay, kan Madaxwayne Siilaanyo yahay mid guul iyo is afgarad ku dhamaaday.
La taliyaha Madaxwaynaha ee Goboladda Bariga Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sheegay in wakhtigii dawladdii hore ay ka soo baxday gobolka Sool iyadoo aanay jirin cabsi iyo wax ku khasbay, balse ay jireen cid ka danbaysay in Laascaanood ka baxdo faraha Somaliland oo ay gasho gacanta maamul goboleedka Puntland, taas oo uu masuuliyadeeda dusha ka saaray Madaxwaynihii hore iyo xukuumaddiisii.
Fu’aad Aadan waxa uu soo qaaday cida ka danbaysa dilalka wakhtiyadan danbe lagu bartilmaameedsanayey qaar ka mid ah Madaxda iyo Saraakiisha gobolka Sool, kaas oo uu ku eedeeyey kooxaha dhibaatadda ka wada Muqdisho, kuna sifeeyey koox ma naxayaal ah oo ku soo duulay shacbiga Somaliland.
Fu’aad Aadan Cadde waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay khadka tilifoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan Hargeysa, ugu horayna isaga oo ka hadlaya socdaalka Madaxwaynaha ee goboladda bariga, waxa uu yidhi “Socdaalka Madaxwaynaha ee gobolka Sool waxaan u arkaa talaabo mihiim ah, waanan bogaadinayaa in Madaxwaynuhu tagay Furinta hore ee Ciidamadda Qaranka Somaliland ay difaaca ku hayeen oo uu waliba u soo mahad naqay, isla markaana kulamo la qaatay waxgaradka, Madaxdhaqmeedka iyo Maamulka Gobolka Sool. Waxaanan run ahaantii aad u soo dhawaynayaa in Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay in gogashii nabada ee uu hore u fidiyey ay wali sidii u taalo oo gobolkaas ka soo noqday iyada oo raali la kala yahay”.
S: Waxgaradka iyo Maamulka Gobolka Sool codsiyada ay u soo jeediyeen Madaxwaynaha, keebaad odhan lahayd xukuumaddu ha ugu hor fuliso oo gobolku ugu baahi badan yahay?
J: Horta gobolka Madaxwaynihiibaa cagihiisa ku tagay oo baahiyihii jiray loo sheegey, laakiin aniga hadii aad taas u kala door i tidhi waxaan door bidi lahaa in loogu horaysiiyo arimaha xaga Caafimaadka iyo sidii Cistibaal xidhan loo furi lahaa oo wax looga qaban lahaa arimaha caafimaadka ayaan ugu horaysiin lahaa anigu. Waxa kale oo aan ku xigsiin lahaa Jeelka oo run ahaantii aad looga qaylyey, isla markaana aan anigu cagahayga ku tagay soona arkay duruufta taala, oo Jeelku isaga oo markiisii horeba iska yaraa ayaa hadana dad badani ku xidhan yihiin, markii uu buuxsamayna dadkii inta Katiinada lagu xidhxidhay dibada ay joogaa. Markaa Shacbiga reer Sool maadaama oo Madaxwaynaha arintooda u sheegeen wixii uu ka qaban karo-na wuu ka qabanayaa oo waan ku kalsoonahay taas, Markaa maadaama xukuumaddu aanay awoodin in maalin dalka oo dhan ay wax ka wada qabato waa in wixii taagtu tidhaahdo meel walba baahideeda wax laga qabto.
S: Markaad is barbar dhigto Socdaalkii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Rayaale uu ku tagay 2003-dii gobolka Sool ee lagu soo weeraray iyo safarkan Madaxwayne Siilaanyo ee uu sida nabada ah u dhacay, Maxay ku kala duwanaaneeyeen ayaad u malaynaysaa?
J: Sadexdii baabuur ee Madaxwaynihii hore ku soo weeraray Laascaanood wakhtigii uu socdaalka ku tagay waxba may yeelin oo si nabad ah ayuu uga soo baxay, laakiin talaabaddaas uu Madaxwaynihii hore kaga soo baxay Laascaanood ee uu Bandooda uu ku saaray Laascaanood aniga Shaki wayn ayaa igaga jira, wixii Ciidamada Caynabo loogu soo raray anigu shakigeeda ayaan qabaa. Wakhtiga uu Madaxwayne Rayaale ka soo baxay Laascaanood wakhti cid rabashtaa ay joogto may ahayn, isla markaana wakhti 40 baabuur oo Tikniko ah Somaliland leedahay ay joogto ayay ahayd oo wax laga baqo iyo wax laga cararaaba aanay jirin. Wakhtigaas Laascaanood lagu soo weeraray Madaxwaynihii hore sadexdii baabuur mid waa la gubay labana way carareen oo firdhadkii nin Mayd ah ayay dhexda ku sii tureen, markaa anigu arrinkaas waxaan ka aamin sanahay inay tahay arin loogu talo galay in uu Madaxwaynuhu ka soo baxo Laascaanood oo Bandoodaana uu saaro. Ka soo bixi taankii Rayaale ee Laascaanood waxaan ku tuhmayaa Isaga iyo Dawladdiisii iyo rag aanan jeclayn inaan Magacaabo, isla markaana si kadis ah ayuu markii hore ku baxay oo odayaalna muu kaxaysan, markii danbe-na iyada oo looga waramay in nimankii waxna la laayey waxna ay carareen ayuu hadana ka baxay, markaa aniga la iga dhaadhicin maayo wuu iska soo baxay. Waxyaabaha shakigayga sii xoojinaya wax ka mid wakhtigaas dhinaca Puntland wax difaac ah oo ka jiray muu jirin oo siday u soo cararayeen ayey sadexda baabuur yimaadeen halkii uu Madaxwaynuhu joogay, wakhtigaas ninbaa jiray aanan sheegayn oo yidhi 150 nin oo ciidan ah oo difaac ah dhigo midkale ayaa isna yidhi mayee iska daa anigaa huba oo dhinacaas difaaceedu wuu u dhan yahaye, markaa waxaan is leeyahay armaa wax la isla ogaa, Markaa ciidankiiba waa laga soo saaray oo waxa loo baneeyey meeshii Puntland. Markaa Puntland oo aan ku dhicin inay Laascaanood qabsato ayaa markii uu Rayaale yidhi halaga soo wada baxo u fududaatay inay meeshaba wada qabsadaan.
Hadii aan u soo noqdo socdaalka Madaxwaynaha hada Siilaanyo wuu tagay, isla markaana wax dhib ah kalamuu kulmin oo waliba dadkuna wuu soo dhaweeyey, dadkiisa inuu u tago oo uu xaaladooda u kuurgalo-na waa arin wanaagsan, markii danbe-na Alxamdulilaah waakii nabad galyada kaga soo baxay Laascaanood, hadana waxa uu ku socdaa Ceerigaabo Insha Allaah iyadana nabad ayuu ku tagi oo uu kaga soo noqon doonaa.
S: Kulankan Madaxwaynaha ay la qaateen Madaxdhaqmeedka iyo Waxgaradka Gobolka Sool ma laga yaabaa inuu soo afjaro Dhibaatooyinkii ku dhufo oo ka dhaqaaqda ahaa ee lagu beegsanayey Saraakiisha dawladda?
J: Dilalka lagu bartilmaameedsaday Madaxda Gobolka Sool waxa ka danbeeya dad aan naxaynin oo nimankii Xamar waxaad ogtahay ka sameeyey ee Masaakiinta ku laynayey qaar ka mid ah ayaa hawshaas ka wada Laascaanood, arintaas waan cambaaraynaa oo maaha wax dawladda Somaliland loola badheedhaya, waana tuug ma-naxayaala ah oo dadka iska laynaya. Inkasta oo tii Muqdisho ka dhacday ee Ardayda badan lagu leeyey kamay dhicin laakiin waxa ka dhaca in mar walba lagu dilo nin Madaxda ah oo wax danbi ah iyo wax uu galabsaday toona aanay jirin, markaa waxaas kuwa wadaa nimankaas dhiigu iskaga hilaacayo.
S: Siduu kuula muuqdaa hadalkii ka soo yeedhay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland ee uu ku dhaleeceeyey safarkii Madaxwayne Siilaanyo ee gobolka Sool?
J: Madaxwayne Axmed Siilaanyo wuxuu tagay Meel la yidhaahdo Gambadhi oo ah jiida hore ee Ciidanku dagan yahay, wax buuq ah iyo wax dhibaato ahna may samaynin Puntland, waana la ogaa oo wax qarsoon may ahayn. Hadalkaa C/raxmaan Faroole-na waxa iila muuqdaa iska afgobaadsi ee wax Somaliland iyo Puntland ugu jira inay dagaalamaan oo faa’ido ah ahi xaqiiqdii ma jiro iimana muuqdo, isla markaana dadka meesha daganina ma rabaa in ay dagaalmaan oo dhexdooda lagu dagaalamo. Arimahaasna hore ayaan in badan uga hadlay oo waxa la yidhi Somalia waxay u burburtay Qabiil, qabiilkii-baanan u sii burburinaynaa, arinnkaasi waa Caqli ila xun aniga waxaanan leeyahay hadii ay qabiil u burburtay waa in qabiilkii laga daayaa. Africa oo dhamina Maabkii Guumaystihii jeexay bay ku joogtaa, qabaa’ilbaa jira shan wadan kala dagan, mida kale adeerow kuwan na sheeganaya ee Dir-baanu isku nahay leh sawkuwa Kililka Shanaad jooga ee Dhulbahante leh ee Majeerteen leh kuwaasna maxay u sheegan waayeen. Markaa hadalada noocaas ah waxaan u arkaa hadal Dhulbahante lagu burburinayo oo aan wax u suuroobaya ahayn, markaa Somalia oo aynu ogayn inay qabiil ku burburtay in dadkii ka tashadayna la yidhaahdo qabiil ku burbura ayaan daro ayey iila muuqataa.
S: Shirka dhawaan la filayo inuu ka furmo Degmadda Taleex ee ay wadaan Qurbo jooga gobolka Sool, isla markaana dawladdu shuruuda ku xidhay qabsoomidiisa, halkeed ka taagan tahay adigu?
J: Shirka Taleex hadii la iga casuumo iyo hadii aan la iga casuumin-ba waan tagayaa, waxaanan raacaynaa wixii ay ku hadleen nimankii halkan qaarkood inoogu yimaadeen. Waxay yidhaahdeen Somaliland kama hadlayno, Puntland-na kama hadlayno, SSC-na ma nihin oo waxa aanu ka hadlaynaa uun danta Dhulbahante, Madaxwaynuhuna wuu ku ayiday in Dhulbahante isku yimaado oo uu shiro, Qabiil isku tagay oo shirayna xumaan maba soo saari karaan, markaa waan ayidsanahay oo waan raacsanahay shirkaas. Hadii shirkaas lagu yidhaahdo Somaliland-na ma nihin, Puntland-na ma nihin waa cadaawad la soo dhawaysanayo oo caqliga ma gasho, gooni baanu isku taagaynaa oo waanu madax-balaadhanahayna waxaan ka odhanayaa ma jiro Qabiil dawladd noqon karaa intuu doono ha leegaadee, oo Hawiye ayaan noqon Karin oo Isaaq ayaan noqon Karin oo Daarood ayaan kalidii dawladd noqon Karin, isla markaana qolol ka yar oo Jilib ahina kaba daran oo Habar Awal ayaan dawladd noqon Karin oo Habarjeclo ayaan dawladd noqon Karin, markaa Dhulbahante-na sidaa ayuun buu noqonayaa oo kalidii dawladd ma noqon karo.kuwa leh Koonfur-baanu ku darsanaynaana in badan ayaan ka hadlay oo niman aqoon yahano ah oo Perfossor-o ah ayaan la sheekaystay oo aan waydiiyey faa’idada Dhulbahante ugu jirta Koonfur, waxaanan ku idhi hadii aad i qancisaan Hargeysa dhexdeeda anigaa kaga dhawaaqaya, Markaa shirkaasi waa in uu noqdaa shir nabadeed oo daneed oo Dhulbahante dantiisa ka tashado oo sida uu yahay uu iskugu dhaamo.
S: Masuuliyiintii dhawaan Puntland ka afduubatay deegaanadda Taleex oo Xukuumaddu inay ka yar gaabisay la moodo, maxaad ka odhan lahayd?
J: Xukuumadu hore ayey uga hadashay, runtiina waxa dawladdu ka tidhi wax ka badan odhan maayo, ragaas Masuuliyiinta ah ee Puntland qabsatayna dhamaantood reer Taleex ayey ahaayeen. Aniga waxa iila muuqataa in arintaas markii horeba lagu dagdagay oo aan laga fiirsan, hadii la dagdagay oo ama dhalinyaro sidaas yeeshay ama ciidan sidaa yeelay waxay ahayd hadii Puntland ay ragaas xidhxidhay oo ay xukuntayba ilayn waa Maamule in la sii daayo, markaa maadaama oo dadka aanay cadaawadi dhex oolin in la sii daayo ayey ahayd. Qaar xagaas jooga oo uu Madaxwayne ku xigeenku wataana waa reer Taleex, isla markaana xildhibaankii watay iyo qoladana meesha maraysan oo dhamina waxay ahaayeen wada reer Taleex oo Mabda’a ha lagu kala duwanaado laakiin tacadigu meesha kuma jiro.
S: Maadaama oo aad tahay La taliyaha Madaxwaynaha ee goboladda bariga, isla markaana aad tahay Siyaasiyiinta ugu Macquulsan ee gobolka Sool, maxaa keenay inaad socdaalka Madaxwaynaha ee deegaanadaas ka dhex muuqan waydo, saw arin dareenkeeda leh maaha?
J: Madaxwaynuhu markuu u baxayey socdaalka goboladda bariga waan maqnaa, socdaalkiisuna dagdag ayuu ahaa, la iimana xanib-naan Karin aniga oo maqan markaa sababta aan u raaci waayey waxa keenay maqnaanshiyahaygaas, sababtaas ayaanan uga hadhay waftiga Madaxwaynuhu hogaaminayo ee goboladda bariga, waayo si kale ugamaan maqnaan kareen maadaama oo aan ahay la taliyaha Madaxwaynaha ee goboladda bariga oo deegaanadda la marayaynay ahaayeen sadexdii gobo lee aan la taliyaha ka ahaa. Sool, Sanaag iyo Togdheer-na dee tolkaygii baaba dagan, Odayna waan u ahay Jiif Caaqil iyo Siyaasi-na waan u ahay, markaa maadaama oo safarkaas kadis ahaa oo aan la sii shaacin taas ayaa keentay inaan ka maqnaado.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Confer

Post by original dervish »

I guess he`s gonna put in for expenses too :roll:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Confer

Post by The_Emperior5 »

:lol: :lol: :lol: Welcome the Guy man he wants to be with his people :mrgreen:
User avatar
ChiefAaqil
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 526
Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm

Re: Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Confer

Post by ChiefAaqil »

Fuad Aden Cade waa rageedi :up:

Strange that nobody called him and told him about the Presidents visit to Lasanod. As Presidential advisor for the Eastern regions he should have been there with the President.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Confer

Post by Khalid Ali »

I heard actually from different sources President Siilaanyo sacked him and replaced him with another person , still he is the most reasonable person from the sool buhoodle regions
User avatar
Ismail_Boss
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:12 pm
Location: Burco - Somaliland

Re: Fuad adan cadde i will attend the Taleex Khaatumo Confer

Post by Ismail_Boss »

I respect this guy. Hes Dhulbahnate and says it like it is to Somaliland gov and isaaqs. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”