Dagaal xooggan oo ka qarxay deegaanka Taabto ee Gobolka Jubbada Hoose Khamiis, Oktoobar 13, 2011 (HOL) — Waraka aynu ka heleyno deegaanka Taabto ee hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka qarxay dagaal aad u xoogan uu dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ururka Raaskaambooni oo isku dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay ina y qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa ururka Raaskaambooni oo iyagu mudooyinkan danbe halkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan, waxaana la sheegay in dagaalku uu yahay mid aad u adag, islamarkaasina la isu adeegsanayo madaafiic iyo hub aad u culculus.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Dhoobley ee Gobolka J/hoose oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay dagaalka, isagoona sheegay in dagaalku uu bilowday saaka aroorti, ilaa iyo imikana uu dagaalku socdo.
Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyada dagaallamaya oo ka hadlay dagaalka , haseyeeshee afhayeenka ururka Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo isagu isbuucan gudihiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay kudoonayaan inay Xoogaga Al-Shabaab uga saaraan gobollada Jubooyinka.
Wixii kusoo kordha dagaalladaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonaa Insha’allah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Dagaal xooggan oo ka qarxay deegaanka Taabto ee Gobolka Jubb
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 586 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 1 Replies
- 459 Views
-
Last post by vangandi
-
- 55 Replies
- 3522 Views
-
Last post by udun
-
- 2 Replies
- 403 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 8 Replies
- 917 Views
-
Last post by malakumod
-
- 5 Replies
- 764 Views
-
Last post by UgaasCuthman
-
- 0 Replies
- 477 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 593 Views
-
Last post by Madmadoobe
-
- 8 Replies
- 1044 Views
-
Last post by Rightwing