Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
ChiefAaqil
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 526
Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm

Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings.

Post by ChiefAaqil »

Xukuumadda Somaliland oo Go’aan ku Gaadhay ka Qaybgalka Shirarka Caalamiga ah ee Lagaga Hadlayo Arrimaha Soomaliya

Last Modified: Tue 11th Oct,2011
Wararka
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa shaaca ka qaaday in golaha xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland go’aan buuxa ku gaadhay ka qaybgalka shir kastoo ay mowqifkeeda madaxbannaanida dalkeeda ka dhiiban karto, xataa haddii lagu casuumo oo qayb ka yihiin shirkaas maamul-goboleedyada faraha badan ee Soomaaliya.

Md. Geeljire oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey shalay arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday inay shacabka Somaliland hoggaaminta dalka u doorteen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, sidaa daraadeedna xukuumad ahaan go’aansadeen in aanay cidna uga baqan ka qaybgalka shirarka caalamiga ah ee lagaga hadlayo arrimaha dalkii la isku odhan jiray Soomaliya.


“Annagu waannu ku dhiirranaynaa wixii aannu u aragno inay dalkan u faa’iidaynayaan. Waxa lanoo igmaday oo codka badankiisa naloo siiyey inaannu dalkan hoggaamino, mana aha in aannu ku dhex milano dadka amma cid kale na hoggaamiso, balse waa in aannu annagu hoggaamino annagoo caqliga bulshada la kaashanayna, taladayadana ku keeno, waxaanuna ku dhiirranaynaa inaannu dalka ku hoggaamino wixii aad noo igmateen,” ayuu yidhi Md. Geeljire.


Waxa kaloo wasiirku uu si adag u difaacay siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ay taladeeda gadh-wadeen ka yihiin dad aan looga baqayn minjo-xaabinta qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana shacabka reer Somaliland u badan yihiin dadkii dalkan u soo halgamay iyo carruurtii ay dhaleen.


“Waxa had iyo goor la soo hadalqadaa siyaasadayadda arrimaha dibadda, meelaha aannu ku dhiirranayna wax baa la iska weydiiyaa, waayo siyaasadayada dibaddu way caddahay, waxaanuna ku tashanay oo aannu go’aan ku gaadhnay haddaannu xukuumadda nahay goob allaale goob addduunka ah oo Somaliland arrimaheeda lagu hadalhayo oo shir lagu qabto oo arrimaheeda lagu hadal hayo inay xukuumadda Somaliland iyadoo dadkeeda metesha oo sharafteedana iyo aqoonteeda wadata ka qaybgasho oo aanay ka baqan.


Waxaannu aaminsanahay in aan cid waxba innaga qaadi karin, in aynu nahay shacab isku duuban iyo dal iminka 20 sannadood jiray. Markaad qiyaasto bal waxaad eegtaa dadkeennu wuxuu u badan u badan yahay dhallinyaro iyo qaar ka sii yaryar, inta ka weynna waa intii dalka u soo halgantay. Marka aan xisaabiyo 98% in ku dhow wax allaale iyo wax ay cilaaqaad la leeyihiin amma Somaaliya ka aaminsan yihiin ma jirto, waana dalkii dalka u soo halgamay iyo dadkay dhaleen, mana aha dad dalkooda cid kale ku soo doonanayso, taas ayaanuna ku matelnaa, maryahana nalagalama hadhayo haddaannu tagno shirarka oo waxaynu leenahay ka sheegto oo teena soo dhacsano, waxna la innaga qaadi maayo ee taas ku talogala.


Waxa la isugu sheekeeyaa waxay horfadhiisteen gobollo Soomaaliya ka tirsan. Gobolladu hadday shir caalami ah yimaddaan magacay doonaan ha ku yimaddaane annagu umanaan yeedhan.”


Sidoo kale, Wasiir Geeljire waxa uu u soo jeediyey xisbiyada mucaaridka iyo cid kastoo dhaliil iyo eedaymo u haysa Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay yimaaddaan fagaarayaal lagaga doodo arrimaha xukuumaddu u xilsaaran tahay.


“Annagu ka baqan bayno in aannu waajahno dhaliishayada oo cidda wax naga sheegaysa inaanu waajahno ka baqan mayno, waxaanuna diyaar u nahay inaannu golayaasha isugu nimaadno oo aannu kaga doodno oo ay fikradooda ka hadlaan, annaguna kaayaga ka hadalno oo waxaannu wadno ka hadalno, ayaannu diyaar u nahay ee ha na soo wajahaan.


Ma aha in aflagaadooyin madaxweynaha iyo madaxda qaranka loo geysto, waxaanuna mar walba diyaar u nahay inaannu difaacno talada iyo qaraarka aannu goyno oo cidda na dhaliilaysa golayaasha isugu nimaado, laakiin aflagaadooyin diyaar uma nihin.


Waxaan jecelahay in aydaan dhiirrigelin; dadka qaar ba dhaqan bay leeyihiin; qaar laba diig isku dira ma aragteen? Waxaad moodaa in dhaqankeenna la innagu abuurayo markaynu warbaahinta hadal iska nidhaahno in shicibkuna ka qaybqaato oo waxa kaliya ee laga hadli karo tahay, markaad arrinkaa ha laga digtoonaado oo dib ha looga joogsado ayaan leeyahay.


Haddaba, waxaannu diyaar u nahay waxa naga dhiman inay idinka idinka yimaaddaan golahay doonto ha noqotee, waannu idin soo dhex galaynaa oo meel allaale meeshii nalaga rabo ayaannu imanaynaa, dad dib u joogsanaya ma nihin, waayo ummadda reer Somaliland baannu metelnaa,” ayuu yidhi hadalkiisa ku soo gunaanaday Md. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).
User avatar
ChiefAaqil
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 526
Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by ChiefAaqil »

Ximan iyo Xeeb, galgaduud, galmudug, iyo Bugland ayee Somaliland bar bar dhigtay.

Qurmiye walee meeshii wee si qastay.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by The_Emperior5 »

Well done somaliland govt
User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by Mr_Alfaas »

The_Emperior5 wrote:Well done somaliland govt
i need an explanation sxb?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by The_Emperior5 »

What kind of explanation do you want can't you read
User avatar
ChiefAaqil
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 526
Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by ChiefAaqil »

Suldaan, dont you know the Somaliland Constitution and Laws forbid anyone from Somaliland to participate in these Somalia meetings?

And numerous politiciance have been arrested, banned or exiled from Somaliland because they participated in Somalia meetings. People like Buuba, Ismail Yare was arrested, Suldaan Abdiqadir arrested, Former mayor of Berbera Cabdalle, TFG MP's from Awdal, numerous Aaqil's, etc?

Tell us why FM Abdullahi Omar shouldnt be arrested for breaking the Law?

Isnt the Somaliland Law equal for all?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by The_Emperior5 »

ChiefAaqil wrote:Suldaan, dont you know the Somaliland Constitution and Laws forbid anyone from Somaliland to participate in these Somalia meetings?

And numerous politiciance have been arrested, banned or exiled from Somaliland because they participated in Somalia meetings. People like Buuba, Ismail Yare was arrested, Suldaan Abdiqadir arrested, Former mayor of Berbera Cabdalle, TFG MP's from Awdal, etc?

Tell us why FM Abdullahi Omar shouldnt be arrested for breaking the Law?

Isnt the Somaliland Law equal for all?

The Somaliland goverment did not say they will participate in Somalia's Conferences they said they will attend every conference Organized by the international Community like the one in kenya few months ago and they won't stop from going there even if the TFG or other states are there, As long a it is not a conference Between Somaliland and Somalia its all Cool.

Somalilands Constitutions forbid Somalilanders to participate in conferences held like the one in Djibouti 2000 carta and the one in eldoret when they were strictly talking about their Somalia it does not concern us or the one in mogadisho last month or the one going to be held in garowe.

Its simple shir Somalia lugu heshisnayo iyo Somaliland they will not go

Shir Somaliland Somalia and other mamuuls beesha calaamku la hadlayso they will go



The DIRT WOQOYIS WORK WITH HE TFG the TFG is Somalilands political enemy who works for them is the enemy ina omaar is a dirt woqoyi and needs to be shot dead
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by Coeus »

They were pressured by the british & the EU. They told him, "get your ass to Mogadishu, i dont give a fu*** about Siad barre or whatever you are talking about. Or else no aid"

"Yes sir, yes sir"

:up: :som:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by The_Emperior5 »

Coeus wrote:They were pressured by teh british & the EU. They told him, "get your ass to Mogadishu, i dont give a fu*** about Siad barre or whatever you are talking about. Or else no aid"

"Yes sir, yes sir"

:up: :som:

no its a new policy of the Somaliland government it has nothing to do with brits or Americans the international Community does not run our country nor do they need to protect our president from his people :lol:

Now go play some where else where is cumarlabasuul to delete all your comments on this place
User avatar
ChiefAaqil
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 526
Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by ChiefAaqil »

I dont get it.

Meeting with TFG and meeting about TFG. its all the same.
User avatar
Username1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1251
Joined: Tue Feb 15, 2011 11:32 am

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by Username1 »

ChiefAaqil wrote:I dont get it.

Meeting with TFG and meeting about TFG. its all the same.
That's right sxb, you don't get it. However, feel privileged that others more knowledgeable are in the driving seat. So in the meantime sit back and enjoy the ride. The Mujahid and his team are very qualified. They got you freedom and will get you recognition.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by FBISOMALIA »

now SL want to take part of cake and saying at same time we are not part of somalia , two things cant happen at same time

SL should choice one of two

be part of somalia so the state take its shares as one of somalia states or stay as it lonely and continues its dream for recognition what it called luluulaa republic
User avatar
Ismail_Boss
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:12 pm
Location: Burco - Somaliland

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by Ismail_Boss »

FBISOMALIA wrote:now SL want to take part of cake and saying at same time we are not part of somalia , two things cant happen at same time

SL should choice one of two

be part of somalia so the state take its shares as one of somalia states or stay as it lonely and continues its dream for recognition what it called luluulaa republic
We'll take our money to go please :lol:
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by original dervish »

Let them take their share of the "aid pie"!
It goes something like this.....95% for foreign ngo/companies 5% for the rest of Somalia.

WLC sl join the rest of the cats.
Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: Kulmiye: Somaliland will participate in Somalia meetings

Post by Saraxnow »

FBI you didnt understand. SL isnt going to say its part of Somalia. Waa loo shiraya iyaga...

Dont worry SL wont take any shares of PL, you can take it bil tawfiiq :D


:lol: :lol: Chief just wants to see the FM locked up soo bad its funny :lol: FM is doing his job and taking orders from the Commander-in-Cheif: Siilanyo :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”