Ceerigaabo: (pp)- Col.Cabdilaahi Cumar Cashuur oo ah taliayaha Ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag ayaa faahfaahin ka bixiyey Howlgalo ay kula dagaalamayaan dhul durugsiga maamulka la magac baxay Somaliland waxuuna sheegay taliyuhu in ay ciidaamada Amaanka ee Gobolkaasi maalmihii la soo dhaafay ay ku jireen heegankii ugu sarayey.
C/laahi Cumar ayaa siwayn uga biyo diiday Booqashada gaadmada ah ee maamulka la magac baxay somaliland ay ku soo gaaareen deegaanada ka tirsan gobolka Sanaag , isagoo sheegay inay jireen Awamiir ay ka soo saareen faragelinta maamulka Siilaanyo isla markaasna ay isaga difaaci lahaayeen hadii maamulka siilaanyo uu lagaha la soo galo deegaanada ay ka taliyaan maamulka Puntland ee ay beeshu degan tahay, wuxuu intaas ku daray in ay howshooda ugu weyni ay tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen xuduudadaha Puntland.
C/laahi Cumar ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamada Amaanka Puntland ay kalsooni badan ku qabaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanada Puntland, taliyaha ayaa intaas sii raaciyey inay la dagaalamayaan wax kasta oo ka soo horjeeda Amaanka guud ee Puntland.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur (Dabyl) oo isagana saxaafada la hadlay Malintii khamiista ayaa sheegay inay siwayn ula dagaalamayaan Maamulka isku magacaabay Somaliland, isagoo ku tilmaamay waxa ay Wadaan daan daansi iyo daldurugsi badheedhe ah,hase ahatee ay taasi ka tabaabushayteen, ayna kala kulmi doonaan cawaaqib xumo ,guddoomiyuhu uu intaas ku daray inay heegan geliyeen ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Badhan & Waqooyiga Ceerigaabo iyo tuulooyinka u dhow dhow.
Heegankaan ayaa la geliyey ciidamada Puntland ee gobolka Sanaag iyo magaalooyinka hoos yimaada ayaa yimi , kaddib markii laga warhelay inuu Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdi la socday ay asbuucan bilowgiisii ay isku dayayeen inay yimaadaan deegaanada hoos yimaada Puntland ee gobolka Sanaag, iyadoo arrinkaas ay ka hortageen ciidamada daraawiishta ee gobolka Sanaag oo la geliyey heegan ciidan , arrinkaas oo baajisay inay booqdaan deegaanada ay ka taliyso Puntland.
Taliyaha Darawiishta sanaag ka hadlay Howlgalo G.sanaag
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Taliyaha Darawiishta sanaag ka hadlay Howlgalo G.sanaag
good job PL darawiish for last few days protect our borders , keep it up 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 5882 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 341 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 15 Replies
- 1951 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 37 Replies
- 3252 Views
-
Last post by BABYGIRL123
-
- 15 Replies
- 131 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 38 Replies
- 2916 Views
-
Last post by Westernized Xalimo
-
- 0 Replies
- 750 Views
-
Last post by Nacaas77
-
- 22 Replies
- 2165 Views
-
Last post by Berke
-
- 0 Replies
- 902 Views
-
Last post by canood