Boosaaso: (pp)- Markab wayn oo ah Nooca Miisaanka culus ee qaada xooloha iyo waxyaalaha la hal maala ayaa ku soo xirtay Dekeda Magaalada Boosaaso kaasi oo Xoolo farabadan oo gaaray 4,500 u qaaday dhinaca Dalka Lubnaan xili la gudagalay Bishii Arafada Waxaanan gacan wayn ka geystay dhoofka xoolahan iskaashi ay samayeen shirkadaha Somali Live Stock iyo Shirkada Jaabir oo ay leeyihiin Ganacsato reer Beirut.
Xoolahan u dhoofay Dalka Lubnaan ayaa waxay u badanyihiin L’o iyo Ido, waxaana Dekeda Magaalada Boosaaso ee Xarrunta Gobolka Bari xiligii markabkani uu ka shiraacanayey dekeda magaalada Boosaaso, war saxafeed dheer ku qabtay Guddoomiyaha Maxjarka Maxamed Faarax Maxamuud isagoo faahfaahin ka bixiyey sida ay u dhoofayaan xoolahan iyo kaalinta Dalalka shisheeye ee Xoolaha nool ee ka dhoofa Gobolada Puntland ay u danaynayaan.
Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay In Maxjarka Magaalada Boosaaso uu gaarey iminka horrumar la taabankaro isagoo wax lugu farxo ku tilmaamay fursadaha dahabiga ah ee dalalka qaarkood ay ugu soo tartamayaan xoolaha iyo xoolaha tayadooda oo lagu amaanay Puntland, iyadoo xoolaha Caafimaadka si fiican loogu baaro Magaalada boosaaso, inta aan loo iibgeynin dalalka dibada.
Waxaa xusid mudan waqtiga uu fa furanayey magaalada Boosaaso markabka xoolaha qaadayey inay Dekeda ay ku sugnaayeen masuuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen Dhaqatiirta Xanaanada xoolaha, Maamulka Degmada, Maamulka Maxjarka iyo Guddoonka shirkada Live stock, iyagoo dhammaantood ay ku faraxsanaayeen sida ay u socdaan howlaha ka ganacsiga xoolaha ee ka jira Puntland.
Sikastaba , tan iyo intii la furay maxjarka magaalada boosaaso ayaa waxaa sii badana dhaqdhaqaaqa ka ganacsiga Xoolaha nool ee deegaanada Puntland, waxaana xoolaha laga dhoofiyo dekeda magaalada boosaaso laga keenaa deegaanada ay degaan shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Dekeda Magaalada Boosaaso oo Xoolo badan laga dhoofiyey
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- abdisamad3
- SomaliNet Super
- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Dekeda Magaalada Boosaaso oo Xoolo badan laga dhoofiyey
good news masha-allah, 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 525 Views
-
Last post by SuldaanOfSanaag
-
- 9 Replies
- 2632 Views
-
Last post by RebelLion
-
- 0 Replies
- 526 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 202 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 33 Replies
- 117 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 542 Views
-
Last post by CaliCaato
-
- 13 Replies
- 937 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 3 Replies
- 923 Views
-
Last post by FatheroftheCamel