Wararka naga soo gaarayo gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in maalinimada maanta oo khamiis ah ay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ka da’een roobab mahiigaan ah oo lagu diirsaday. Roobabkaas ayaa sida la sheegay waxay ka da’een deegaanda lagu magacaabo Dirharo ilaa gobolka Waqooyi bari ee Kenya oo ay ku jirto magaalada Mandheera ee xadka la leh degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo si weyn ay dad iyo duunyaba ugu diirsadeen.
Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ka mid yahay gobolada Koofureed ee Soomaaliya ee ay sida ba’an abaaraha ugu dhufteen, kuwaasoo galaaftay noole badan oo u qeybsamay wax dhintay iyo wax ka barakacay deegaanadii ay ku noolaayeen.
Wixii faah-faahin dheeri ah ee Roobabkaan ka curtay Koofurta Soomaaliya kala soco wararkeena danbe ee AOL.
——– Source