
Boosaaso: (pp)- Dhakhatiir ka soo kicitantay dalka Yemen ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Garoonka diyaaraha ee magaalada Boosaaso ee Benderqasim Internotinal Airport, halkaasi oo ay Saxaadada ugaga warbixiyeen socdaalkooda ku aadan deegaanada Puntland.
Dhakhatiirtan ayaa sheegay inay howlo samafal oo dhanka Caafimaadka ah ay ka fulinayaan guddaha Magaalada boosaaso ee Xarrunta gobolka bari, iyadoo shaqadoodu ay ugu bilaabanayso maalinka beri ah oo sabti ku beegan.
Dhakhaatiirta ayaa intaas ku daray inay wax ka qabanayaan arrimo badan oo iminka ay aad ugu baahan yihiin dadka shacabka ah ee magaalada ku nool, sida qaliinada Indhaha, Sanka, iyo meelaha kale ee ka tirsan xubnaha.
Dhakhatiirtan ayaa ka kooban Sadex dhakhtar , kuwaas oo ay u diyaargaroobeen dad badan oo reer boosaaso ah , kuwaas oo sii goostay Kaararka Caafimaadka ee lagu daweynayo.
Puntland ayaa wayadan dame waxaa ka soconayey arrimaha samafalka cafimaadka ee gacanta ka gaysanayaan wadamo ay ka mid yihiin Turkiga oo marar badan soo gaaray Puntland , kana sameeyey magaalooyinka waaweyn ee Puntland Qaliimo iyo daaweyn kala duwan, waxaa kale soo gaaray Puntland Takhaatiir ka socotay dalka Kenya & Ingiriiska, kuwaas oo 2 asbuuc ku sugnaa magaalada garoowe, iyadoo maantana ay soo gareen magaareen magaalada Boosaaso 3 takhtar oo u dhashay dalka Yemen , kuwaas ka shaqo gelaya magaalada boosaaso maalinka beri ah.
Dadka reer Puntland ayaa aad ugu faraxsan Talaabada ay Puntland ku helayso taageerida dhanka Caafimaadka oo lagu amaanay inay dadaal dheeri ah u galeen masuuliyiinta Puntland , kuwaas oo ku guulaystay inay aduunka ama wadamada deriska ah u bandhigaan baahida Puntland ay u qabto horrumarka deegaanada ay ka taliso.